September 6, 2010
Haatufka Maanta: Doorkan Ilaahay Ina Astur, ee Yaan…………!
Wada xaadhistoodana mooyaane sawtan aynu shalay siganay ee odaygii madaxweynaha dalka ka ahaa iyo ilaaladiisii ay kala lumeen. Waa nimanka gaadhigii madaxweynaha badhtanka u galiyey kolanyo boqol iyo konton Land cruiser iyo Seeraf ah oo hareeraha iska dhaafaya sidii oo ay Jaad qadimayaan. Hadaba, doorkan ilaahay ina asturyoo odaygiina isagoo nabadqaba Madaxtooyadii ku soo noqaye, bal nacasnimadan oo kale yaanay mar dambe dib u dhicin, ololaha Nadaafadana isna yaan laga daalin oo muddo marka la joogaba dib ha loo bilaabo.
