September 6, 2010

Faalo: Eryida Baahsan Ee Shaqaalaha Dawladda, Aamuska Ururadda Xuquuqal Insaanka, Demanaanta Xisbiyada Iyo Beenowga Balan qaadkii Axmed Siilaanyo.

“Masuuliyiinta Xukuumadda Axmed Siilaanyo oo Shaqaale Boqolaal Dhaafaya Ka Eryay Laamaha Kala Duwan Ee Dawladda”

Harowo, (Harowo) - Xukuumadda taladda dalka haysa ee uu hogaamiyo xisbiga Kulmiye ayaa boqolaal ka mid ah shaqaale oo laamaha kala duwan ee dawlada ka hawl gali jiray, dibadda ka dhigtay goobihii ay ka shaqayn jireen, isla markaana xubno bedelkoodi ah deg deg u shaqaalaysiisay.Wasaaraddaha, wakaaladdaha iyo hay’addo kale oo ka tirsan laamaha kala duwan ee dawladda ayaa si tartiib tartiib ah, ay uga socotaa hawl galo shaqo ka fadhiisin shaqaalihii hore ee dawladda ah, kuwaas oo wasaaradaha ka badbaaday ay aad u tira yar yihiin.

Inkastoo Madaxweyne Axmed Siilaanyo markii uu ololaha ku jiray uu balan qaaday in aan shaqaalaha dawladda wax bedelaad ah ama shaqo ka eryid ah aan lagula kici doonin, hadana waxa si cad loo wada og-yahay in la baal maray balan qaadkaas, arintuna dhinaca kale isu bedeshay.

Wasaaradaha Maaliyada, arimaha gudaha, hay’adda Shaqaalaha qaranka, duulista iyo hawadda iyo madaxtooyadda ayaa ka mid ah meelaha ugu daran, waxaana sida shaqaale la eryay ay sheegeen mid walba lagaga soo saaray amar iyo cago-juglayn.

Eriga Shaqaalaha muwaadiniinta ah ayaan haba yaraatee loo marin sida nidaamka shaqaalaha dalku sheegayo iyo sida xuquuqda aadamuhu tahay midna. Sharciga u degsan Shaqaalaha qaranka ayaa ah in hadii qofku gudan waayo waajibaadkiisa shaqo, la siiyo digniin marka ugu horaysa, taas oo hadii uu ka soo rayn waayo ay tahay, in masuulka xukumaa hay’adda shaqaalaha qaranka waraaq xaaladiisu uu kula socodsiinayo uu u qoro.

Sidoo kale hadii shaqaalaha laftigoodu ay gudan waayaan waajibaadka shaqo, kuna kacaan wax anshaxa iyo nidaamka shaqo ka baxsan waxa loo gudbinayaa xaaladiisa Hay’adda shaqaalaha qaranka oo iyadu sida xaalkiisa loo maaraynayo go’aan ka gaadhi karta.

Hadii qofka hay’adda shaqaaluhu ku qanacdo inuu sag saagayo shaqadda waxay awood u leedahay in shaqadda ay ka erido, wixii xuquuq ah ee uu dawladda ku leeyahayna siiso, hasa yeeshee ma jirto sifo qof masuul ahii ku eryi karo qof shaqaale ah, isagoon cadayn sababta shaqadda uu dibadda uga dhigay.

Runtii ma aha mid wasaaradaha iyo wakaaladuhu ka siman yihiin, hasa yeeshee waa arin isa soo taraysa, hadii ay sii socotana keeni karta in xuquuqda muwaadiniin badan lagu gafo.

Wasaaraddaha ilaa wali ka badbaaday aafadan xuquuqda aadamaha ka dhanka ah, Wasaarada warfaafinta, Waxbarashadda, diinta iyo awqaafta, caafimaadka iyo shaqadda, cadaaladda, beeraha, kaluumaysiga iyo wasaarada gaashandhiga inta la hubo.

Shaqaale badan oo shaqadoodi laga soo caydhiyay, wax xuquuq ah oo la siiyay iyo wax lagu eryay oo ay ku qancaana aan haynin ayaa durba ku soo badanaya suuqyadda magaalooyinka taas oo halis dhinacyo badan taabanaysa keeni karta. Loogana baahan yahay in Axmed Siilaanyo cadeeyo mawqifkiisa si bulshadu u xaqiiqsato hadii wax soo kordheen iyo hadii balan qaadkiisi hore fulayo.

Geesta kale ururadda xuquuqal iinsaanka iyo xisbiyada siyaasiga ah waxa la gudboon in ay arintan foosha xun ka hadlaan, kana dhiibtaan aragtidooda, si looga hor tago inta aanay faraha ka bixin xaaladu wax laga siman yahayna aanay noqon. Waxa kale oo wax garadka iyo aqoon yahaniinta looga baahan yahay inay ka hadlaan arimahan.

Harowo Desk-news: Hargeysa, Somaliland

Login