September 6, 2010

Beesha Maxamed Case “Miyay Waalatay, Mise Way Soo Wadwadataa…..?????”

Mahmaah Soomaliyeed ayaa tidhaa “Kalgacal Waa Loo Dhiloobaa”. Hadaba, xubiga iyo kalgacalka madaxmaray qaybo ka mid ah dhalinyarada Beesha Maxamed Case ee ay u hayaan Shamaaqile Axmed Siilaanyo, iyaga oo aan weliba wax faa’iido ah oo la taaban karo ku qabin xukuumaddiisa, ayaa waxay ka dhigan tahay gabadhii ku heestay “i xodxodo ha layna xantee -  i meheri masruuf kaama doonee”.

Xisbi waa la gali jiray, hogaamiyana waa la taageeri jiray, dan gaar ah iyo tu guudna waa la isku qaban jiray; wax cusubna maaha, waxaanse meesha qaban reer dhan oo sheekh iyo shariifba leh oo u dhaqmaaya sidii inan yar oo dhoocil ah oo la shawakhsan “wiil yar oo ay sheed iska barteen.” Waar wajigiin gubaye wax iskula hadha.

Hadii Xaalkiinu noqday “Ka Dar oo Dibi Dhal”, adkaysigigeeda lahaada. Aflagaado iyo cay joogto ah, telephone la iska duubo iyo “Siilaayo ayaan kuu sheegi doonaa” waa dhaqan xumada waayadan dambe aad la soo baxdeen. Mida kale Odaygan Siilaanyo ee 80 tan jirka ah ee aad dadka ku khuukhinaysaan ma waxaad u haysataan inuu “dadka cuno”, waar walaahi waa halkii reer Jabuutiye inuuna “shaadkiisa soo dhaafayn”.

Horaa loo yidhii “Awr Awr wada Iyo nin naagi wado, Mina Kaama Baydhaan.” Hadii awrka Habar-jecolo uu dabada idinka soo riixayo, oo “rag iska dhiga, tolkiina iska celiya” idin leeyahay, bal waxaad ka macaashtaan waa loo wada joogaa.

Waar Duul Alloow Eega Duumo Qaaday, Waxyaabaha ay Qorayaan Dadkani:

Anaga OO Ku Hadlayna Magaca Beesha MAXAD ASSE (A.K.A MAXAMED CASE) EE Waqooyiga America, Waxan Halkan Ka Cadaynaynaa Inan Af Iyo Adin Ba Inu Garab Taagan Nahay. Kuwa Ka Hadhay Qawlaystadii Wadanka Katalin Jirtay ee Dacaayada Beenta Ah Dalka Iyo Dawlada Ku Bilaabayna Ugu Digaynaa Inan Ku Soo Oogi Doono Danbiyadee Ay Wadanka Ka Galeen.

Haday Nay Dacaayada Rakhiis Ka Ah Anay Dhakhso U Joojin. Waxan Islahayn (Let By Gones Bee be By Gones), Laakiin Waan Khaldanayn. Waxan Halka Kale oon Ka Habal Yay Naynaa Badhasaab Kaa Cusub ee Gobalka Awdal Mr. Mohamed Abdullahi. Waxanan Leenahay Shaqada Fiican Eed Wada Halkaa Ka Sii Wad.

ALL MAXAD CASSE COUNCIL OF NORTH AMERICA

Telephone duubtayaa iyo damac kale keentayaaba waa lagu sugayaa:

“Marna Taagtaa Marna Tamartaa Igu Taamoo Hana ii Tudhin.”

Sidoo kale, waxa magaalada Minesotta ee carriga maraykanka laga soo sheegayaa in shir qarsoodiya oo ay wadeen niman Rayaale ay qaraabo dhow yihiin iyo qaar kale oo aad ay isugu dhawdhaw yihiin u burburay, ragaas oo u ka mid yahay Idiris Xasan Sacad (ina Cunaaye) oo lagu tilmaamo inu yahay Rayaale gacantiisa midig anay wada leeyihiin Rays hotel oo Borama ku yaalla iyo  shirkad kallumeysi oo iyaduna ka hawlgasha xeebaha galbeedka. wararku waxay intaa ku dareen in shirkaasi u fashilmay gebi ahaanba kadib markii nin weriye ahi si qarsoodiya u soo galay teleconference kii ay wateen cajaldo sir ahna u ka duubay, dibna aw u dhegaysiiyey wixii ay lahaayeen oo dhan, taasoo keentay in meesha lagu kala yaaco.

Wariyahaas oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo, immika ahaan, ayaa sheegay in shirkaasi ku saabsanaa sidii dadka reer Awdal iyo salal loo kicin lahaa dawladdana looga horkeeni lahaa, dalkana qas loo gelin lahaa, waxana loo malaynayaa in heshiis qarsoodiya iyo gacansaarba ay la leeyihiin fallaagada la yidhaa SSC ee iyaduna ka dagaalanta gobolada bariga.

Mar wariyahan wax laga weydiiyey bal inu inno sheego cidday ahaayeen nimankani mijoxaabada somaliland ku wadaa, ayaa wuxu sheegay inay nimankani u badanyihiin niman maamulkii siyaad barre ee Somalia la soo shaqeeyey, haddana u badan hawlgab iyo qaar kale, wuxuna ku kala sheegay sidatan:

1. Ibrahim Muxumad Aye (jimmy)             USA

2. Aadan Aamin

3. Maxamad Xassan Sacad (saajin)            Dubai

4. Idiris Xasan Sacad (ina cunaaye)         Borama

5. Maxamad Allabari                         USA

6. Maxamad Xuseen Sayrre                    Canada

7. Maxamad Fariid (ex- Banker)              USA

8. Aadan Xasan Imaan (dhego)                USA

9. Cali warsame Ilkacase                    Miniapolis

10. Maxamuud Sheikh Xasan Taani             USA

11. Maxamad Xirsi Bahal                     Canada

12. Maxamuud Cabdillahi (Qaama)              USA

13. Cabdiraxmaan                              Dubai

14.Bashiir Maxamuud                           London-UK

Login