September 6, 2010

Badhasaabka Awdal Yaanu Noqon “Hasha Geela Cunta ee Haddana Cabaadda.”

“Maahmaah Soomaaliyeed ayaa tidhaahda Nin wayn oo Hadal ka dhacay waa geed Qolofi ka dhacday.”  Sida intiini dhagaysanaysay maqashay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Awdal Md. Maxamed Daahir Cabdalle ayaa dhawaan ku eedeeyay shabakadda wararka ee Harowo.com in ay buunbuuninayso xaalado ka taagan gobolka. Gudoomiyaha Gobolka Awdal waxa uu eediisa ku saleeyay in shabakaddu baahinayo ama taageerayso arimo si abaabulan loo qorsheeyay oo dad aan Somaliland madax banaanideeda ogolayn lagu taageerayo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Haddaba, eedaynta intaa leeg ee ka soo yeedhay Masuulka ugu sareeya xukuumadda ee gobolka Awdal, maxay daaranaayeen? Ma Wax jira oo dhab ah baa? Ma culays saaran ayuun buu ula ciirsaday?

Runtii su’aalahaasi waa kuwo sida dhabta ah qof kasta oo maqlayay shirka jaraa’id ee Gudoomiyaha gobolka Awdal uu is waydiin karo. Hadii aynu wax yar ku horayno wararka Shabakadda Harowo.com Baahisay ee Badhasaabka Ka qaylisiiyay, waxa sida caadiga ah ay shabakadu akhristayaasheeda kala duwan ee daafaha dunidda ku kala nool u soo tabisaa wararka dalka iyo dhacdooyinka sida dhabta ah u dhacay, iyadoo shabakadda Harowo looga bartay warar iyo faalooyin hufan runtana ku salaysan.

Todobaadkii ina dhaafay waxa shabakadu soo daabacday amaro iyo xadhig uu Badhasaabka Awdal ku bixiyay in la soo qabto masuuliyiin ka tirsan Xisbiga UDUB oo dhawaan taladda dalka si maamuus iyo milgo leh ugu wareejiyay xisbiga Kulmiye ee hogaanka ku guulaystay.

Runtii Gudoomiye Maxamed Daahir Cabdalle ama ha necbaysto xaqiiqada laga baahiyay ama si kale ha u sawiree waxay ahaayeen wararka shabakadu baahisay kuwo xaqiiqo ah, lana wada ogaa isaga laftiisuna qirtay. Dhinaca kale ee in dhibta loo gaystay ku doodayayna cadeeyay, lagana wada dheragsan yahay.

Hadaba, ma waxa arin si kale loo wado iyo wax la abaabulay ah baa, in la sheego dhacdo waaqiciya oo si dhab ah u dhacday, mise badhasaabku talaabooyinka uu qaadayo wuxuu doonayay in daboolka la saaro oo aan umadda loo soo bandhigin? Si kastaba ha ahaatee Maxamed Daahir Cabdalle waxa uu isaga laftiisu ahaa mudo aan sidaa u sii fogayn mucaarid marar kala duwan oo isku dhacyo isaga iyo maamulkii hore ee gobolka dhex mareena loo baahiyay sidii labadda dhinacba doodooda u dhigeen.

Hasa yeeshee maanta way la soo fool xumaatay xaaladu. Dhinaca kale hadii uu badhasaabku qoonsaday warka dhabta ah ee codkiisi iyo hadaladii masuuliyiinta uu xidhay ee Xisbiga UDUB ku wada jireen, ma waxa la qurux badnaatay xadhiga sharci daradda ah ee uu masuuliyiin la maqaam ah dhinaca sharciga uu kula kacay.

Si kale hadii loo dhigo waxa ka muuqatay in Gudoomiyaha gobolka Awdal uu ka xumaaday ciwaanka “Ma Argoosi buu Gudoomiyaha gobolka Awdal u xidhayaa masuuliyiinta xisbiga UDUB.” Hadaba xadhiga masuuliyiin qaran oo xisbi qaran ka tirsan sida nidaamka ka baxsan suuqa looga qabanayo, inta xabsiga la dhigo ka dib la iska sii daynayo ee waliba loogu hanjabayo in daba gal, ciidamada amaanku ku samaynayaan xaaladooda ma mid sharciga dalka waafaqsan baa, mise waa mid xitaa dastuurka qaranka iyo xoriyadda aasaasiga ah ee qofka ka soo hor jeeda? Waydiimahaasi waa kuwo jawaabtooda badhasaabka laga sugayo.

Dhinac kale hadaan ka eegno arinta, Sida qof kasta oo reer Somaliland ahii la socdo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu markii xilka loo dhaariyay gabi ahaanba baabiiyay Guddiyadii nabad galyadda, waxaanu balan qaaday in aan qofna fikirkiisa loo xidhi doonin, sidoo kale wasiirka arimaha gudaha Dr. Gaboose iyo waliba Badhasaabka Awdal ayaa labadooduba ka dhawaajiyay in cid si sharciga ka baxsan loo xidhi doonaa aanay jirin, sidoo kale aan fikirkooda loo cabudhin doonin axsaabta qaranka iyo dadka mucaaridka ku ah xukuumada, hadaba arimahaas miyaa laga talaabsaday, halkuu se Badhasaabku ku banaystay in masuuliyiin xisbi qaran xidho, ka dibna sii daayo isagoon wax danbi ah ku soo oogin, isla markaana hanjabaad ka daba tuuro.

Shabakadda wararka ee Harowo.com waxay ka gaabsatay in ay sheegto arimo badan oo damqasho wayn iyo sumcad xumo balaadhan u keeni kara gudoomiyaha oo taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal ku talaabsadaan maalin walba, kuwaas oo xitaa qaranimadda meel ka dhac ku ah, waxa dadka ku dhaqan Magaaladda Boorama ay maalin walba arkaan dhacdo layaab leh, oo Gaadhiga Badhasaabku kow ka yahay, balse waxa qalinka looga dhawrayay ay tahay in la siiyo fursad isaga iyo xisbigiisa, loona yara kaadiyo inta ay la qabsanayaan Masuuliyadda saaran.

Isku soo wada duubo hadii Badhaasabka Gobolka Awdal doonayo in daboolka la saaro oo la qariyo, wixii gobolka ka dhaca iyo khaladaadka maamul ahaan ay ku talaabsadaan waxa u wanaagsan in warbaahinta dawladu xukunto uu ku gaabsado, hadii kale oo waxa gubayaa tahay arin dhab ah, ha dhaafo hadaladda eeda ah iyo sida sharaaradda leh ee uu hadaladda u dhigayo oo wax umadda qanciya ha keeno. Hadii kale xaalku waa “Hasha Geela Cunta ee Hadana Cabaada”.

Gaba gabadii Gudoomiyaha Gobolka Awdal waxaan u soo jeedin lahayn inuu dhinac isaga riixo xusuus qorka maalmihii uu mucaaridka ahaa, lana soo baxo buuga maamulka iyo masuuliyadda saaran, maskaxdana ku hayo waajibaadka looga baahan yahay. Yaanu ilaawin in maalmuhu soconayaan, wixii uu hawl iyo hadal ku kacana la qiimayn doono oo qalinka taariikhdu aanu daalin. Bulshaduna dhawrayso wixii ka soo fula.

Harowo.com

Login