September 5, 2010
Kootada Somcable Waxba Kama Duwana Tii Shirkadda Total
Waajibaadka ugu horreeya ee saaran Madaxda dalkeenna waxa ka mid ku dhaqanka shuruucda dalka, si ay macalin ugu noqdaan bulshada ugu ababiyaan ku dhaqanka dariiqa saxda ah ee dawladnimo. Ujeexista iyo u horseedidda tubta toosani waa dhaxalka ugu wanaagsan ee hoggaamiye uga tago dadkiisa, waayo? Hab-dhaqanka dawladnimo ee maamulka saxda ah iyo ka qaldan labaduba waxay u gudbaan faca soo kacaya ee ummadda oo ah hoggaamiyaha Berrito.
Maah-maahda Soomaaliga ah ee tidhaahda’AWRKA DAMBE AWRKA HORE AYUU SOCODKIISA LEEYAHAY’ . Waxay inna tusaysaa sida uu Jiilba jiilka ka horreeya uga dhaxlo samaan iyo xumaan kolba kii uu leeyahay iyo dariiqa uu jeexo. Sidaa daraaddeed, dadka hoggaanka bulshada ah waxa faral ku ah inay ummadda xilku ka saaraan yahay u dhaqaan si caddaalad iyo eex l’aan ah.
Waxa kale oo waajibaadkooda ka mid ah inay noqdaan kuwo mar walba ka fikira danta guud ee dalka iyo dadka. Sifooyinka ugu mudan ee Hoggaamiyaha wanaagsan ayey ka mid tahay inuu danta gaarka ah dib u dhigo oo uu horumariyo danta guud.
Shalay ama muddo yar horteed dalka waxa Madax ka ahaa Md. Daahir Rayaale Kaahin oo ay maanta taariikhda ugu jirto xumaan iyo samaan wixii uu ku kasbaday xilkii uu hayey. Madax badan oo ka horreyseyna waa sidaas oo kale,sooyaalkana mid waliba wuxuu ku leeyahay, dhacdooyin si gaara ugu suntan, Waxa kale oo hubaal ah Hoggaanka maanta talada hayaa in wakhti aan fogeyn sidan oo kale loo hadal-hayn doono marka uu xilka ka dego.
Haddaba, maadaama ay innoo caddahay inay maalmaha iyo taariikhdu sidan u yihiin qaar is-daba-yaal ah, miyaanay habbooneyn Hoggaanka cusub ee talada la wareegay inuu ka fikiro danta dalka iyo ta dadka, oo ay midiba midka kale ku jirto.
Dabcan su’aashan jawaabteedu waa HAA. Hase ahaatee, wax yar haddaynu taariikhda dib u milicsanno may fogeyn xilligii uu Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbiga KULMIYE ee uu Guddoomiyaha ka ahaaba ay hal-ku-dhegga koobaad ka dhigteen arrimaha Kootada, tusaale fiicanna ay u soo qaadan jireen Ganacsade Al-Jabiri iyo Shirkadda Total, hadday tusaalayaashaas iyo kuwo kaleba ahaayeen cambaar wayn oo siyaasadeed oo ku taallay Xukuumaddii Rayaale arrinta Cable-kuna (Keybalku) mallaga-yaabaa inay noqoto Nabar ama Boog aan dawo lahayn oo ay la god-gasho siyaasadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo.
Haddii aynu sababeyno arrintan Keybalka Isgaadhsiinta Badda la hoos mariyo bal aynu u eegno si aan caaddifad ahayn, miqiyaasna aynu uga dhigno danta dalka iyo dadka Somaliland, Xukuumaddu ma is-waydiisay Keybalka Badda hoos mara oo xaruntiisu noqoto magaalada Berbera oo marti la innooga noqdo iyo inaynu innagu cid ka martino midka ay faa’iidadu ku jirto?
Sida la ogyahay dhismaha iyo keenista CABLEka waxa ku baxaysa hanti aad u fara badan oo lagu qiyaaso Malaayiin Doollar, wuxuu yeelan doonaa dhismayaal ma-guurto ah, wuxu yeelan doonaa qaybo badan oo ka farcama oo faa’iido badan u leh bulshada ku nool hadba halkii laga dhiso, waxa shaqo ka heli doona kumannaan dad ah oo ku nool meesha nasiibka u yeelata ee laga sameeyo xarunta KEYBALka Isgaadhsiinta Badda hoos mara, kaasoo waraabin doona badi waddamada Geeska Afrika ee u harraaddan helitaanka isgaadhsiinta jaban.
Arrimahani waa kuwo marka si run ah loogu kuur-galo kuu muujinaya in danta dadka iyo dalkuba ay ku jirto iyada oo xarunta Keybalku noqoto gudaha waddanka Somaliland, ku darso oo waxay si weyn innooga caawin lahayd amniga dhinaca xeebaha oo ay weyn ka soo kordhin lahayd marka ay hanti intaas leegi gasho xarunta weyn ee Isgaadhsiinta CABLE ka, sidoo kale waxay horseed u noqon lahayd maalgashiga iyo ku soo hirashada caalamka. Waxay Muftaax u noqon lahayd xarumo kale oo Ganacsi oo baaxadle oo ka hirgala dalka.
Hirgalinta xaruntaasi waxay jeexi lahayd dariiqyo fara badan oo Dhaqaale ahaan iyo Dibla-maasiyad ahaanba faa’iido wax ku ool ah u yeesha dalka iyo dadka Somaliland, waa haddii xarunta Keybalka Isgaadhsiinta ay noqoto bogcad ka mid ah gudaha dalka Somaliland. Hase-yeeshee, waxa is-weydiin leh waa maxay sababta ay Xukuumaddu u dooratay iliilad ama lag laga soo jeexo dalka aynu Jaarka nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti iyadoo heli karta Harada weyn ee ay Laaguhu ka farcami lahaayeen oo noqoto dalka Jamhuuriyadda Somaliland?
Su’aashaasi waa mid ku taagan qof kasta oo Muwaaddin ah, waxaanay si cad u muujinaysaa inaanay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka fikirin waajibaadka saaran ee runta ah ee dalka iyo dadku ay ku leeyihiin, hadday ka fikirtay oo ay garanaysana, waxa muuqata inay si u kas ah u baal-martay oo ay ka raacday daneheeda gaarka ah.
Arrintaa Keybalka Badda ee uu Madaxweyne Siilaanyo Kootada ugu xidhay Shirkadda Somcable, waxba kama duwana Kootada weli taagan ee Madaxweynuhu markuu Mucaaridka ahaa xajiinta uga dhigi jiray Xukuumaddii Rayaale, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Shirkadda Total, Maxjarka Berbera ee Al-Jabiri, Kalluumaysiga Badaha iyo waxyaabo badan oo la mid ah. Hase ahaatee, Madaxweynaha Somaliland Md. Siilaanyo gaar isuma waydiin dhawaaqyadiisii iyo weedhihii uu ku celcelin jiray maalmihii aanu Madaxweynaha noqon.
Si kastaba ha ahaatee, Hal-abuurrada Soomaalida waxa laga dhaxlaa Suugaan lagu cabbiro hadba marxaladda lagu jiro, Weedha Wargeyskuna waxa ay xasuusatay tuducyo ka mid ah Maansooyinkii Abwaan Hadraawi ee odhanaayey: Waxan laysku dilayaa, In Xumaa la doorshiyo, Xil-daryeelistiisiyo, Dad u hiilin maaha.
Geenyadan Dakaanka ah, Anna Aan Dul-buuxshoo, Daadka Aan ku dhaafoo, Dala’sado Kolkeygee Iiga Soo Deg Weeyaan. Sidoo kale, Waxay u eegtahay Erayadii uu Jilaaga caanka ah ee Boon Xirsi Riwaayadda ku dhigay ee ahaa: Danta Loo Rixinaayaba Rubbad Aan ku Qaxweeyiyo Rodhibaan Ka Jecleeye Rubucayga Isiiya.
Hargeysa Star
