September 5, 2010
Somaliland Ictiraafkeeda Yaa Hortaagan?
Dheel dheeliga Siyaasada Madaxweynah Somaliland waxay gayeysiisay umada oo ku keentay dib u dhac dinac kasta ah. Dib u dhacaas oo saameyn ku yeeshay geedi socodkii Himilada Siyaasada umadweynta Reer Somaliland iyo hiigsiga (Halganka) Diifta, kiilka iyo Xanuunkaba badnaa ee ay soo muteen, marka laga soo bilaabo helitaankii xoriyada oo ku beegan Taariikh ahaan muddo laga joogo maanta 50-sanadood. Wakhtigaas oo si hubsiimo la’aan ah aynu ugu biirnay Koonfurtii Samalia, aniga oo xaga Xornimada aan ka qaadanay.
Iyada oo qiiradii caantaynka ahayd ee midawgii Somalia uu u digo rogtay khiyaali kaba humaag fog oo la magac baxay Somaliweyn (Greater Somalia) oo macnaha Hadafkeedu yahay Shanta Somliyeed (NFD Somalida Kiinya, Somalida Ethopia, Jabuuti Somaliland iyo Somalia), oo aan u malaynayo in weedhii Abwan Cabdi Iidaan dhabtahay oo ka turjumayso xaqiiqada saadaasha, marka la eego dariiqii laga arooray oo aan ahayn kii biyahay lahaa ee laga aroori lahaa ee lagu gaadhi lahaa midnimada waxaanay weedhii ahayd (Shanta Somaaliyoo is raaca oo calan mida ku sheekaysta waa su’aal sharad ka yaalo).
Hadaba, marka laga yimaado Hingada tirada badan ee soo gaadhay Umada Reer Somaliland waxa laga yaabaa in mar kale ay ku hungoobaan isbadalkii ay dhawaan sameeyeen ee ay ka takhaluseen Xukuumadii aadka u tamarta darneyd ee Maamul xumada iyo Masuuliyad darada raali galisay ee ku dhisnayd danaysiga gaarka ah ee ilowday dantii guud iyo Himaladii Qarankaba iyagoo shakhsiyaad faro badan ku tirishay hantidii Umada afkana u dhigteen waliba ku faani jiray Musuqmaasuqa iyo sida ay wax u wadaan ee foosha xumeyd, Guud ahaan Xukuumadaa iyo Dadkeedii (Rakaabkii Talinayay ) may lahayn astaamihii Hogaaminta (Ethics of leader ship).
Sidaa awgeed Dadkeena waxay qalad ka fahmeen Siyaasada (politics), hadaba aan isku dayo inaan idinka jaahil saaro Siyaasada iyo waxay tahay: Siyaasadu waa Hogaaminnta Umad, sidaa awgeed umada waxa hogaamin kara nin qarteeda (Elite) oo koobsaday astaamaha Hogaaminta sida ku qeexan Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland oo ku qotoma kana shidaal qaadanaya Sharciga Islaamka, bal u fiirso Tusaalahan: hadii uu qof xanuunsado waxaa loo kulmiya Dhakhaatiirta kuwa ugu wanaagsan si loo daweeyo Ruuxaa, bal maxaad u maleyanaysaa bal maxaad u maleysnay marka la doonayo in umada dhan la hogaaminayana in loo kulmiyo ayaa ku haboon?
Intii maka laga soo gudbo Madaxweynaha Somaliland Wuxuu kala garan waayay umadii Dooratay iyo Ashkhaas intaraskooda siday ku gaadhi laahayeen Kulmiye inay ku biiraan kaga xidhantahay, kaliyana ka talinaya danta Shakhsiga ah (Personal intrest), laakiin aan rabin Danta Guud (National interst), marka horena aanu mabda’oodu aanu ku saleysnayn kuwo muwaadinka dhabta ah hadaba is weydii yaa hor taagan in ay umadu Ictiraafka hesho.
Araar iyo Hoga Tusaalayn ku sahab san siyaasada ka dib waxaynu is weydinay su’aasha odhanaysa Ictiraafka yaa hor taagan? Markaynu ka gudubno cabirka murayaada tuhunka ee aynu mabda’eena ku saleyno ka muwaadinka dhabta ah waxa marag ma doona ah in car qalado tiro badani hor taagan yihiin Ictiraafka Somaliland u baahantahay si beesha Caalamka uga mid noqoto, una hesho Xuquuq badan oo Caalamiya oo ka maqan haatan Ictiraaf la’aanta awgeed.
Hadaba, Aqoonsigu waxa uu leeyahay noocyo badan oo laba nooc madax u yihiin, labadaasi mid ka mid ah Somaliland way haystaa waana ka loo yaqaano Aqoonsiga Xaqiiqiga ah (De facto Recogonisation) kan Somaliland ka maqan ee ay Raadintiisa ay ku haraaday waa Aqoonsiga Sharciga ah (De jure Recogonasition), oo kuu ogolaanaya inaad ka qayb noqoto Fadhiga loo dhanyahay (General Assembly) codna aad ku yeelato Caalamka dhexdiisa iyada oo waliba kuu sahlaysa ka qayb galka shir kastoo Caalamiya.
Hadaba, Somaliland oo aynu tilmaamnay inuu yahay Dal xaqiiqanimo jira haysatana Ictiraafka nooca la yidhaahdo Aqoonsiga Xaqiiqiga ah (De Facto) iyo kuwo kaleba, waxa gabay oo Biyo col dhaanshay ka dhigay Madaxdiisii iyo Siyaasiyiintiyiin ku sheegiisa oo dhexda ka jabiyey iyagana hagaasiyay oo hana qaad u diiday mudadii ay jirtay Somaliland.
Waxaana tan sababay iyadoo Siyaasiyiinta Somaliland ka dhago xidhanyihiin Cilmiga Siyaasada kuna tiro yar yihiin Askhaasta baratay Cilmiga Siyaasada (Polotical Science), waxa kale oo sababaha Curyaamiyay Hanaqaadka Siyaasada Somaliland ka mid ah, iyagoo Muwaadiniintu Dalka iyo Khayraadkiisaba ka han qal taagayaan, Dakhligiisana si siman oo haboon aan loo saami qaybsan, balse jeebad gaar ah iyo kalidii haanlaha markaa talada hayaa uuni qaybsadaan, taasina Siyaasad Dhaqaale oo xalaala maaha “Waxba yaan ku raad gadan Nabarada i gubayee Gorof-legedka hosiyo Gunta aan u soo dago”.
la soco
F. Maxamed Khaliif
Email: faismk@gmail.com
