September 5, 2010
Halkan Akhriso Wararkii Wargeyska Hargeysa Star
Madaxweynaha Somaliland Oo Ku Dhawaaqay 45-Kii Cishaba In Olole Nadaafadeed Laga Fulin Doono Dalka ******* Guddoomiyaha Degmada Boon Oo Sheegay In Si Ba’an Boob Ugu Socdo Dhulka Danta Guud Ee Degmada ******* Wasiirka Duulista Oo Cabashada Reer Burco ee Dab-damis La’aanta ku Tilmaamay Mid Siyaasadaysan Oo Aan Caqli Ku Dhisneyn.
Hargeysa (HargeisaStar) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqay in 45-kii maalmood-ba mid ka mid ah guud ahaanba dalka laga fulin doono olole nadaafadeed, waxaanu ku baaqay in ololahaas qaybaha bulshada, hay’adaha madaxa-bannaan, maamulka Gobollada iyo kuwa dawladaha hoose-ba ka wada-qayb qaataan maalintaas Nadaafadda Qaranka. Isla markaana, Madaxweynuhu waxa uu ka dhawaajiyey inay sameeyeen Hay’ad si gaar ah u kaantarroosha dawooyinka, kuwa dhacay, kuwa tayada leh, Raashinka iyo Sharaabka dhacay iyo sidoo kale, tayada iyo wakhtiga noocyada la quuto oo dhan.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo, oo Jimcihii Shalay Shir Jaraa’id ku qabtay guriga uu deggan ka deggan yahay Xaafadda Shacabka ee magaalada Hargeysa, isaga oo ay dhinac fadhiyeen Wasiirrada Arrimaha gudaha Dr Cabdi Gaboose, Warfaafinta Cabdilaahi Cismaan (Geel-jire) iyo Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse). Madaxweynuhu shirkiisaa jaraa’id waxa uu kaga hadlay maalinta uu u asteeyey in la bilaabo ololaha nadaafadda Qaranka oo laga bilaabi doono dalka oo dhan Axadda Berri. “Walaalayaal ummada reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan waxaan idiin soo gudbinayaa Salaan walaal-tinimo, Salaan ehelnimo, iyo Salaanta Islaamka, waxaan Ilaaha-weyn inooga baryayaa inuu ina siiyo barakada iyo khayraadka bisha Ramadaan oo uu bilaha ka doortay.
Waxa kale oo aan ka baryayaa inuu inagu nageeyo nabadiisa, iyo nimcooyinkiisa oo aan nuqsaan lahayn. Aniga oo ka duulaya tilmaamaha Diinta islaamka ee tusaalaha rasuulkeeni suubanaa, dhaqankeena iyo hidaheena aniga oo raacaya, Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, aniga oo hirgelinayaa qodob ka mid ah qorshe hawleedkii xukuummad ahaan aanu go’aansanay inaanu fulino boqolka cisho ee u horeeya, aniga oo xoojinayaa dareenka wadaniyadeed ee isku tashiga muwaadiniinteena iyo aniga oo dhiirigelinaya fikirka wax wada qabsiga bulshadeena iyo daryeelka hantida wada-reed ee ummada ka dhaxeysa.”
Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Siilaanyo, waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata intaa ku daray oo uu yidhi; “Waxaan maanta (shalay) ku dhawaaqayaa maalinta nadaafadda Qaranka, maalinta Axadda ee ay bisha September tahay 5/ 2010 markay saacaddu tahay 7:00-da subaxnimo inay dalka oodhan ka bilaabmayso maalinta loo qoondeeyey ololaha nadaafadda, taas oo 45-kii maalmoodba mar dalka laga hirgelin doono si joogta ah haddii eebe idmo.”
Madaxweynuhu waxa uu ka codsaday dhamaan shacabka, shaqaalaha dawlada iyo Ganacsatadu inay ka qeybgalaan ololaha nadaafadda dalka, waxaana ka mid ah hadalladiisii oo uu yidhi; “Waxaan ku wargelinayaa muwaadiniinta reer Somaliland, madaxda iyo shaqaalaha dawlada, ganacsatada, hay’adaha aan dawliga ahayn, culimada iyo dhamaanba shacab-weynahaa reer Somaliland inay ka qeybqaataan ololaha nadaafadda Qaranka.” Madaxweynaha Somaliland Md. Axme Maxamed (Siilaanyo), oo la hadlayey Masuuliyiinta Gobollada iyo Maayarrada Magaalooyinka, waxa uu yidhi; “Waxaan farayaa badhasaabada iyo dawlada hoose ee dalka inay si buuxda uga diyaar-garoobaan ololaha hirgelintiisaa iyo guushiisa ay hubiyaan”.
Markii uu dhammaystay Madaxweyne Siilaanyo akhriska war-saxaafadeed, waxa la weydiiyey inay yimaaddaan ama loo iib-keeno Dawooyin dhacay, Sharaab dhacay, kuwaasoo dadka Ganacsatadu si caadiya uga iibiyaan ama suuqa u galiyaan, isla amrkaana la isticmaalo iyo guud ahaanba waxyaabaha sidaas oo kale ah ee caafimaad-darrada dadka u horseedi kara iyo waxa Madaxweyne ahaan uga qorshaysan, Madaxweynaha oo su’aashaa ka jawaabayaana waxa uu yidhi; “Hawlaha sida aad ka warqabtaan waxaynu leenahay Wasaad Caafimaad iyo hay’ado Kantaroola qorshaha iyo dhismaha dawladda way ku jirtaa, hubiya tayada loo sameynayo inay dawooyinku dhaceen ama wixii kale ee la isticmaalayo nooc kastaba ha ahaadeene ee ummadda reer Somaliland isticmaalayso, waxa ay cunayaan ama waxa lagu daweynayo ha noqotee hay’adda Kantaroolka ayaannu u sameynayn, markaa culeyska ay leedahay arrintaasi ayaannu siinaynaa.”
Guddoomiyaha Degmada Boon Oo Sheegay In Si Ba’an Boob Ugu Socdo Dhulka Danta Guud Ee Degmada
Boorama- 04 September 2010:(HargeisaStar):- Guddoomihaya Degmada Boon oo ka tirsan Gobolka Selel Raage Aw Cismaan Wabberi, ayaa sheegay inay maamul ahaan khatyaan ka taagan yihiin dhul-boob xooggan oo ku socda dhulka danta guud ee magaalada Boon.
Guddoomiyaha Degmada Boon Md. Raage oo Wariyahayaga Gobollada Galbeedku Cali Ismaaciil Aare, xog-waraysi kooban kula yeeshay mar uu Guddoomiyaha Boon socdaal ku yimi magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, wuxu si weyn uga dayriyey dhibaatada dhul-boobka oo uu sheegay inay si weyn uga jirto deegaankaas tan iyo wakhtigii doorashada la galay ee is-beddalku Somaliland ka dhacay. Isla markaana waxa uu u Xukuumadda ugu baaqay inay si dhakhso ah wax ugala qabato arrintaas dhul-boobka danta guud.
Guddoomiyaha Boon oo arrimahaa dhul-boobka ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Dhul-boob ay ku kacayaan dad iyagu dano gaar ah leh kuwaas oo ka faaidaystay xilligii kala guurka ee aynu ka soo gudubnay, isla markaana si sharci darro ah dhul loogu talo galay kaydka biyaha ee degmada Boon ayaa jirta, taas oo muddooyinkan dambe hagardaamo ku noqotay habsami usocodka hawlaha maamulka dawliga ah ee degmadaasi.”
“Annaga suura-gal nooma ah inaannu wax ka qabanno, haddii aannu nahay maamulka Degmada Boon, waayo? Degmadu Saldhig Boolis iyo Ciidan nabadgalyo oo aannu leenahay oo nala jooga midna ma jiraan, sidaa awgeed, waxaannu Xukuumadda cusub iyo maamulka Gobolkaba ugu baaqaynaa inay aafadaa dhul-boobka wax nagala qabtaan oo ay noo suuragaliyaan in degmada laga hirgeliyo Saldhig Boolis iyo Ciidankiisii, si looga hortago dadka ku kacaya falalka hantida qaranka ee danta guud boobaya.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Degmada Boon Raage Aw Cismaan Wabberi.
Dadweynaha Iyo Ganacsatada Wajaale Iyo Boorama Oo Si Weyn Uga Qayliyey Hoos U Dhac Ku Yimi Lacagta Itoobiya
Boorama/Wajaale - (HargeisaStar) - Magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal iyo Magaalo-ganacsiga Xadka Itoobiya iyo Somaliland ku taalla ee Tog-Wajaale, ayaa si weyn loogaga qayliyey lacagta Birta ah ee Itoobiya oo ah lacagta koobaad ee magaalooyinka laga isticmaalo, ka dib markii ay mar kaliya saddexdii maalmood ee u dambeeyey hoos u dhac weyni ku yimi.
Sida uu ku soo warramayo Wariyaha HargeisaStar ee Awdal Mr. Aare, Qiimaha lagu sarrifo Lacagta Birta Itoobiya, ayaa Suuqyada ganacsiga ee magaalada Borama labadii maalmood ee ugu dambeeyey waxa si aad ah looga dareemey hoos u dhac ku yimi lacagta Birta ah ee dalka Itoobiya, taas oo la sheegay inay sababtay dawladda Itoobiya Baanankeeda lacagta ku soo rogtay inay sarifka Lacgtooda ku fadhiisiyaan qiimo go’an marka Doollarka Maraykanka lagu sarrifayo ee gudaha dalkaasi Itoobiyaha gudihiisa.
Isla markaana qiimaha Birta lagu sarrifo ee Baananka lacagta ay u jareen ayaa ah in 100$ boqolka Doollar lagu sarrifo ama lagu beddalo 1700 oo Bir, halka markii hore qiimaha lagu sarrifo boqolka Doollar (100$) ka ahayd 1350 Birta Itoobiya ah, is beddalkaas ku yimi ama hoos u dhigay lacagta Itoobiya, isla markaana qaaliyeeyey Doollarka, ayaa la sheegay inay ka dhalatay baahi Itoobiya u qabto helitaanka lacagta Doollarka ah, hase ahaatee rasmiyan looma caddayn karo sababta rasmiga ah ee keentay arrintaas.
Waxaanu is-beddalkaas Lacagta Birta ah ku yimi saamayn weyn ku yeeshay dadka Ganacsatada ah iyo bulshada ay wax ka iibiyaan, gaar ahaan danyarta. Waxa si gaar ah is-beddalka lacagtaa si weyn uga qayliyey Sariflayaasha magaalooyinka Boorama iyo Wajaale, taasoo ay ku doodeen inay saamayn khasaare oo ballaadhan ku yeelatay.
Shekhul Baladka Maagalada Borama Sheekh Cabdillahi Sheekh Cali Jawhar, ayaa Salaaddii Jimce ee shalay si adag ugaga hadlay Masaajid ku yaalla Boorama, isla markaana waxa uu sheegay hoos u dhaca ku yimi lacagta Itoobiya inuu saamayn culus iyo khasaare aan la qiyaasi karin ku yeeshay ganacsatada iyo dadweynaha kale, sidaa daraadeedna, waxa uu Xukuumadda guud, Maamulka Gobolka iyo Ganacsatada kala duwan ee Gobolka Awdal ugu baaqay inay is-kaashadaan, isla markaana si dhakhso ah wax uga qabtaan aafada lacagaha kala duwan ee Doollarka iyo Birta, gaar ahaan lacagta Itoobiya oo uu tilmaamay inay hadda khasaare ku hayso bulshada qaybeheeda kala duwan ee Gobolka Awdal. Sheekhu waxa uu intaa ku daray inaanay Ganacsatadu iska xaaraantimaynin badeecadaha ay iibinayaan, si ay u dhawrtaan cibaadadooda bisha Bisha Barakaysan ee Ramadaan, sakada ay bixinayaan Ciidul-fitriga-na u noqoto mid quwi ah, sidaa daraadeedna ay u naxariistaan bulshada badi jilicsan ee ay wax ka iibinayaan.
Sidoo kale, Dadka isku beddalka lacagta ka ganacsada (Sariflayaasha) Magaalada Wajaale, ayaa si weyn uga cawday in lacagta Itoobiya ee Birta loo yaqaannaa khasaare aan la qiyaasi karin ku keentay, iyaga oo ku dooday inay lacagta koobaad, uguna badan ee Wajaale laga isticmaalaa inay tahay Birta Itoobiya, is-beddalka taa ku yimina yahay mid aanay ka soo kaban karin.
Si kastaba ha ahaatee, is bedbeddalka lacagaha oo maalinba qiimo lagu sheego, ayaa saamayn ballaadhan ku leh bulshada reer Somaliland, gaar ahaan lacagta Doollarka ah oo kor u kaceeda iyo hoos u dheceedu sooo noqnoqdo, isla markaana inta badan ganacsatada reer Somaliland ayaa Doollar ku saleeya waxa ay iibinayaan, taasoo marka uu hoos u dhac ku yimaaddo Badeecadaha ay iibiyaan Ganacsatadu aanay waxba ka dhimin, hase ahaatee, marka uu kor u kac ku yimaaddo ama uu qaaliyoobo Doollarku wax kasta oo ay iibinayaan Ganacsatadu qiimaha maalinba uu marayo ay ku jaan-gooyaan oo wey korodhka ay qiimaha ascaartana garab-dhaqaajiyaan.
Wasiirka Duulista Oo Cabashada Reer Burco ee Dab-damis La’aanta ku Tilmaamay Mid Siyaasadaysan Oo Aan Caqli Ku Dhisneyn
Berbera (HargeisaStar) - Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay tallaabada uu dhawaan Baabuur Dab-damis ah oo Madaarka Buco lahayd oo uu ka Berbera keenay ku saxsanaa, isla markaana, waxa uu ku dooday cabashooyinka reer Burco Dab-damiska laga wareejiyey ay ka muujiyeen yihiin kuwo aan gar iyo caqli midna ku dhisnayn ee ay ula muuqdaan kuwo siyaasadeed.
Wasiirka Duulista oo shalay Saxaafadda kula hadlay Madaarka Magaalada Berbera, waxa uu sheegay inuu dhismayaal cusub oo kuwa nasashada ah uu ka hirgelinayo Garoonnada diyaaradaha magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa, isla markaana uu boqolka maalmood ee soo socda gudahooda ku wareejin doono dayrar.
Sidoo kale, waxa uu Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi waxa uu ka hadlay inaanay jirin Diyaarad ay Shirkadda Ethiopian Airlines leedahay oo duullimaado ka bilaabaysa Puntland, isaga oo xusay inuu dhawaan tagayo dalka Itoobiya, Ethiopian Airlines-na ay dhakhso Somaliland Itoobiya uga bilaabayso duullimaadyadeeda. ”Waxaan doonayaa inaan Itoobiya tago haddii dalkaasoo aynu saaxiib nahay, walaalo nahay, daris nahay. ”
Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Duulista Hawadu Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi; “Waan ogohay Saxaafaddu inay qorqorayeen Ethiopian Airlines oo duullimaadyo ka bilaabaysa Puntland Somaliand-na ka bilaabi wayday, iyada oo Xukuumaddayada looga dhigayo in xidhiidhka Somaliland Itoobiya uu fogaaday. Waxaan Saxaafadda iyo Bulshada reer Somaliland u caddaynayaa, dawladda Somaliland iyo Dawladda Itoobiya in xidhiidhkoodii saaxiibtinimo sidiisii yahay, kana sii adkaan doono, waxaannu aannu iska kaashan doonnaa arrimaha saaxiibtinnimada, nabadgayada iyo ganacsiga.”
“Waxa kale oo aan caddaynayaa Diyaar ay Ethiopian Airlines leedahay oo Puntland duullimaad ka bilaabaysa ma jirto, hadday meel ka bilaabayso maanta Somaliland ayey duullimaadkeeda ka bilaabi lahayd, oo ka ammaansan in kale ee Soomaaliya. Diyaaradda la sheegayo Puty Air baa la yidhaahdaa, diyaaraddaasi waxay aniga i waydiisatay ruqsad inay u kala duusho Hargeysa iyo Addis Sababa, sidaasoo kalena Addis Ababa iyo Boosaasana maalin bay toddobaadkii u kala duuli doontaa.” ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirka Duulista Hawada Somaliland mar uu ka hadlayey arrinta Gaadhi Dab-damis ah oo uu dhawaan Burco ka keenay oo uu Berbera u soo wareejiyey, waxa uu yidhil; “Arrinta Gaadhigaas waan arkayey Maalmahan oo dhan inay Website-yadu si aan saxsanayn oo aan hufnayn ay wax uga qorayeen, arrintaa reer Burco ayaa dhalliili karta, Bulshada reer Somaliland ee Gobol kasta oo dhan baa dhalliili karta, waxna ka qaban kara, qof bina-aadam ah baan ahay oo waan qaldami karaa, laakiin waxaan qabaa go’aankii aan ku qaatay Gaadhigaa Damdamiska ah in aan ka keeno Burco oo aan keeno Berbera inuu mid sax ah yahay oo aan qaatay ayuu ahaa, Tabashooyinka dadkaasi sheegayaanna kuwo iska dacaayad iyo siyaasad ah uun baan u arkaa, laakiin tabashooyin gar iyo caqli ku salaysan uma arkayo.”
Al-Shabaab Oo Dadka ku Amartay Inaanay iibin karin, iibsanna karin Qalabka Ay Carruurtu Ku Ciyaarto
Jawhar (HargeisaStar) - Maamulka Ururka Al-shabaab ee Gobalka Shabeellaha dhexe, ayaa amar ku bixiyey inaanay Ganacsatada magaalooyinka Gobolku iibin karin qaar ka mid ah waxyaabaha qalabka ay carruurtu ku ciyaaraan maalmaha Ciidda, kuwaas oo ay ka mid yihiin Baaskooladaha, Rashka iyo kuwo kale.
Maamulka heer Gobol ee Al-Shabaab, ayaa magaalo-madaxda Gobolka Shabeellaha dhexe ee Jawhar kaga shalay kaga dhawaaqay inaanay Ganacsatada iibisa noocyada qalabka ay Ciyaalku ku ciyaaraan oo Maalmaha Iidda si weyn sooqyada looga gado inaanay iibin karin, isla markaana dadka lagu arko iyagoo iibinaya iyo kuwa iibsanaya-ba la qaban doono oo ay Maamul ahaan u sameeyeen Ciidan u gaar ah oo dhawrka cisho ee loo diyaar-garoobayo Ciidul-fitriga iyo maalmaha Ciidda-ba ka hawlgaha, dabagal-na ku sameeya Suuqyada Ganacsiga. Amarkan oo Al-Shabaab ay ku soo saareen Wareegto ay ganacsatada ku socod-siiyeen, waxay ku sheegeen qalabka ay Carruurtu ku ciyaaraan maalmaha Ciidda, sida Bastooladaha baaruudda wata, kuwa Biyaha lagu shubo, Rashka iyo iyo kuwa caaga ah intaba. Al-Shabaab waxay qoraalkooda ku sheegeen sida lagu faafiyey Shabakadda Hiiraan.com in qalabka ay manuuceen yihiin kuwo khalkhal galiya ammaanka bulshada, waxna u dhimi karaan caafimaadka carruurta isticmaasha.
Ciidamada Al-Shabaab u sameeyeen daba-galka iyo ilaalinta qalbkaa ay iibintiisa iyo iibsigiisaba joojiyeen, ayaa shalay illaa xalay lagu arkayey Suuqyada ganacsiga ee magaalooyinka Gobolkaas, gaar ahaan Magaalo-madaxda Jawhar iyaga oo dhex gaaf-wareegaaya.
Dhinaca kale Maamulka Xarrakada Al-shabaab ee magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa markii ugu horreysay ku wargaliyay dadka ku dhaqan magaaladaas in ay fitriga la bixiyo Bisha Ramadaan geeyaan xarunta Maamulka Al-shabaab ee magaalada Beledweyne ka hor maalmaha Ciidda.
