September 4, 2010

Tog Wajaale: Mudaharaad Gilgilay Wajaale, Dad Loo Xidhxidhay Iyo Xaraarada Magaalada oo Cirka Iskusii Shareertay

Tog-wajaale (Harowo) - Magaaladda Wajaale oo ilaa shalay ay ka taagnaayeen xiisado iyo buuq ka dhashay talaabooyin xukuumadda Axmed Siilaanyo ka qaaday dhinaca ciidanka Booliska ayaa waxa maanta ka dhashay Mudaharaadyo balaadhan. Sida wararka laga helayo magaaladaasi bayaaminayaan Mudaharaad balaadhan oo lagaga soo hor jeeday soo celinta taliyihii hore ee saldhiga booliska Axmed (Dacawo) oo dhawr maalmood ka hor laga badalay saldhiga booliska, hasa yeeshee maalintii shalay dib loogu soo magacaabay.

Dadwaynaha reer Wajaale ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin talaabada ay Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo dib ugu soo magacawday. Taliyihii hore ee Magaaladdaas oo ay ka bedeshay, kaas oo ay shacbiyada reer Somaliland ee  ku dhaqan Magaalo xuduudeedka Wajaale si wayn uga xumaadeen soo celintiisa dib loo soo magacaabay.

Mudaharaadyadan oo ahaa kuwo aad u balaadhan, isla markaana inta badan magaaladda ku faafay, ilaa wali ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay, sidoo kale ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay taliska booliska oo la xidhiidha Mudaharaadka maanta ka dhacay Wajaale, oo mudo saacado ah socday iyo dib u magacaabidda taliyihii hore waxa keenay.

Sida ay cadaynayaan wararka naga soo gaadhaya Magaalada Wajaale waxa jira dad la qabqabtay oo loo aanaynayo inay soo abaabuleen mudaharaadka.

Maaha markii ugu horaysay ee dadwaynaha reer Somaliland ay cabasho ka muujiyaan Xukuumada Madaxwayne Axmed Siilaanyo, hase yeeshee dhawr jeer oo hore ayaa dadwaynaha reer Somaliland qaarkood ay cabasho ka dhalatay saluug ay ka qabaan qaabka xukuumada Axmed Siilaanyo wax u wado ay ka sameeyeen magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Si kastaba ha ahaatee waxa isa soo taraysa cabashooyinka la xidhiidha nidaamka maamul ee Xukuumada Madaxwayne Axmed Siilaanyo, iyadoo ay hore u jireen gobolo saluug ka muujiyey habka dhismaha dawladiisa iyo qaabka ay u dhaqmayaan qaar ka mid ah Golaha Wasiirada ee Madaxwayne Axmed Siilaanyo, taas oo aad moodo inay Xukuumada cusub ka dhaga adagayso cabashooyinka ay dadweynuhu ka muujinayaan ama ka soo celiyeen talaabooyinkii ay ku dhaqaaqday mudada yare e ay xilka dalka Hayso.

Harowo Desk-news: Hargeysa, Somaliland

Login