September 4, 2010
Dawlada Cusub oo Dib U Raacday Raadkii Shalay…!!!
Dhamaan ummada reer Somaliland waxa aan ku salaamaya salaanta islaamka, waxaanan leeyahay innagoo ku jira 10kii ugu danbeeyay bisha Ramadaan Allaah khayrkeeda hayna siiyo, midnimadeena iyo jiritaanka Somaliland-na allaah haynoo adkeeyo. Muddo ayaan qalinka miiska dhigay oo aan ku hamiyay inay dawlada cusubi ka baydhi doonto jidkii tii ka horaysay.
Balse aragtidaas waxa soo afjaray talaabooyinka ka soo ifbaxay hogaanka cusub ee talada dalka la wareegay, gadhwadeenkana uu ka yahay halyayga loo hanka waynaa, muddada 6da sannadood ahna soo hogaamiyay ururkii xoreeyay Somaliland ee ah hooyada nabadgelyada iyo jiritaanka maanta aynu ku neginahay.
Shacabka Somaliland waxa uu rajo buuxda ka qabay hogaanka cusub isbedel dhab ah oo ay 20sannadood u oomanaayeen, uguna horayso caddaalad iyo sinnaansho, biyo iyo iftiin si siman dalka looga helo. Waxase muuqata muddada yar ee ay xukuumada cusubi talada dalka haysay inay indhaha ka daboolatay rajadii iyo isbedelkii ay shacabku ka filayeen, kana leexatay jidkii horumarka,caddaaladii oo aanay uba soo dhowaan, sinnaanshihii oo ayna weli daymoon.
Taariikhdu ayadaa isqorta, waanay soo noqnoqotaa, waxa aad moodaa inay dawlada cusubi dib usoo cusboonaysiisay talaabooyinkii qaaxo, xaaladahii 92kii iyo 96kii ummada soo maray, mudanayaasha ay ka koobantahay xukuumada cusubina waa masuuliyiintii madaxa ka ahaa dhacdooyinkaa dalan-dooliga u daadihinaayay.
Waxa iftiimay hogaanka dawlada cusubi inuu kalsoonida saartay garabyadiisii tan iyo qaaxo ay shaxda kala qaybinta soo wada degeen. Sidaa darteed ayay dawlada cusub miisaankeedu dhinac ugu janjeedhaa si ay ugu suurtawdo dabinada qarsoon ee ay damacsantahay dhawaan inay fuliso.
Dorraad ayay ahayd markii ugu horaysay in qaaxo lagu qaybsamo, numbarro badana halgamayaasha loo kala bixiyo, 27kii may maalintii Burco SNM gashay waxa uu gudoomiyaha SNM oo ah madaxweynaha talada dalka la wareegay nagala soo qayb galay shir ballaadhan oo laamaha dibadahu ku lahaayeen London dalka ingriiska, waxay ahayd arrin aad u qalafsan ururkii oo qaaday dagaal kama danbays ah inuu gudoomiyahoodii oo la joogay isla maalinkiiba ka soo doolo etopiya!
Waxay ahayd shalay dhacdooyinkii foosha xumaa ee 92kii iyo 96kii dalka ka dhacay waxyaabo lagu cimro qaato oo aan dib loogu noqon balse waxa ayaamahan hordhac jaraaidka qaar loogu soo tebinayaa inay degmada Maxamuud Haybe meelo ka mid ah iyo masaajido ka mid ah ay ka socdaan taageerada Al-shayaadiin. Aragtiyahaa oo muujinaya danaha qarsoon ee ay dawlada cusubi ku talo jirto.
Gantaalaha soo jafaaya qararka danbe waxay daah furayaan tilmaamahii siyaasadeed ee shacabka qaar dusha looga tuuray, laguna eedeeyay inay koonfur iyo federaal u xaglinayaan, burburkii ummada ka soo gaadhayna waa waxyaabaha dib u dhaca keenay, maantana gurguurasho qarsoon ayaa la dilaacinayaa oo la durba la damcay in shacabka koonfurta Hargeysa lagu shaanbadeeyo, laguna xidhiidhiyo Al-shayaadiin.
Shacabka Somaliland waxba uma kala qarsoona, waana lays ogyahay hadii ay inuun jiraan cid raad ku leh xagjirayaasha degmooyinka u badan.
Tani oo u muuqata in ummada reer Somaliland lagaga jeedinayo talaabooyinka maldahan ee xukuumada cusubi ka qaaday arrimahii ay shalay ka soo horjeeday ee ahaa eex iyo xaqdarro sida kootooyinka aan tartanka loo gelin iyo naas-nuujinta dhinaca hayska u leh. Waxa ayaamahan muuqda inay dawlada cusubi dib u raacdayso raadkii shalay ummadu ka soo gudubtay.
Waxa aan kula talinayaa dawlada cusub inaanay iyadu istabcayn ee ay sugto
cadaalada iyo jiritaanka Somaliland.
Somaliland Guul.
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa, Somaliland.
Email: hargeysawi2001@yahoo.de
Source: Qaran News
