September 3, 2010
Yaa Caawinaaya Inan Yar oo Indhaha Dhiig Ka Socdo
Hay’ada samofalka wadaniga ah ee AYODA oo ka shaqaysa badbaadadda carruurta ayaa waxay la maqleen arin naxdin leh oo ah gabadh yar oo 11 jir ah magaceedana la yidhaahdo Faadumo Maxamed Jaamac dharaar. Markii aan maqalay arintani waxaan ku booqanay gurigooda oo ku yaala xaafada Sheekh Makaahiil, waxaanan la kulanay aabeheed wuxuuna nooga waramay markii ugu horeysay ee uu xanuunkani mucjisada ah ku arkay gabadhiisa, wuxuuna yidhi:
“Waxaan ku aragnay bishii February 2009 markii u horeysay waxa uu dhiig ka yimiday sanka mar kaliya,maalmo dabadeedna waxa uu bilaabay in uu indhaha ka yimaado gaar ahaan isha bidix oo uu sida lilmada uga socdo xitaa habeenkii iyada oo huruda waa ka soconayaa, marka uu dhiigu imanaayo waxa ay dareemaysaa cuncun indhaha ah,aragtideeduna waa caadi inkasta oo marka ay dugsiga tegto aanay sabuurada si fiican wax uga arkaynin.
Waxaan geeyay dhakhtar indhaha ah oo gabiilay ah,dhakhtarkii waxa uu la yaabay xanuunkan oo uu ku sheegay mid ku cusub oo uuna horey u arag, dabadeed dhakhtarkii waxa uu siiyay daawo,markii ay daawadii qaadatay waxa uu xanuunkii ka maqnaa ilaa March 2010.
Hadana waxa uu dib u bilaabay bishan August 2010 ilaa imikana si isdaba jog ah ayuu u socdaa.
Marlabaad waxaan tusay dhakhtarka indhaha ee Dr. Obsiiye markii uu eegay waxa uu yidhi arintani waa mid ku cusub dalka horeyna uma arag markaa waan baadhaynaa xanuunkaasi,waxayse gabadhan yari u baahan tahay dhakhtar dibadeed.
Sidaa darteed gabadhan yari waxay ka dhalatay qoys danyar ah oo aan awoodaynin inay dhakhtar dibadeed geeyaan,Markaa waxaan ka codsanaynaa dadweynaha reer Soomaliland,hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ahiba inay u caawiyaan gabadhaasi dar ilaahay bisha barakaysan ee ramadaan.
