September 3, 2010

Wariye Mash-qac Geliye oo Waraysi Aad U Xiiso Badan La Teeshay Madaxweyne Axmed Siilaanyo

Hargeysa (Yool) - Intiini la socotay Barnaamujkan “Yool-Baadhka Siyaasiyga”, waxaanu idiinku soo gudbin doonaa Waraysi aad u xiiso badan oo isla Toddobaadkan uu Weriye Mashqac geliye la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kaasoo ah mid gaar ah oo si toosa uu Weriye Mashqac geliya ula yeeshay Madaxweynaha wax yar ka dib markii uu soo saaray liiska dufcada Labaad ee Masuuliyiinta hay’adaha dawlada, iyo xubno ka mid ah Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha, kaasoo Madaxweynuhu kaga waramayo asbaabaha uu qaybtan u sameeyay iyadoo ay jiraan dad badan oo si weyn uga warsugayey magacaabista qaybta labaad ee Xukuumadiisa, maadaama ay in badani ku qadeen qaybtii hore ee dhismaha Xukuumadiisa.

Barnaamujkan “Yool-baadhka Siyaasiga”, Waa Mawduuc Toddobaadle ah oo aanu akhristayaasha ugu soo gudbino Waraysiyo ku salaysan qaab Maddadaalo [Entertainment] ama aan idhaahdo Jacbur, kuwaasoo aanu ugu talo galnay akhristayaashayadu inay Toddobaadkiiba hal Maalin kaga nastaan arrimaha siyaasada, iyadoo aanu ku bartilmaameedsanyno hoggaamiyeyaasha Xisbiyada, siyaasiyiinta, iyo shaqsiyaadka kale ee magaca ku leh Masraxyada siyaasada ee Somaliland.

Haddaba, qaybtii Labaad ee Waraysigaasoo faah-faahsan, waxa uu u dhacay sidan:
S: Madaxweyne, waxay dad badani is weydiinayaan halka ay ku dambeeyey ballanqaadyadii aad bulshada u sheegi jirtay siddeedii sannadood ee aad mucaaradka ahayd, ha noqdaan kuwii agoomaha iyo Mujaahidiintii SNM, ha noqdaan Ganacsatadii hiil iyo hooba kugu garabtaagnaa, ha noqoto mushahar-kordhintii Shaqaalaha iyo derejo-siintii ciidammada?

J: Adeer Mashqac-geliyoow aan kula kaftamee, qolada Wariyeyaasha intay wareysi kaa qaadaan ayey haddana adiga dib kuu shaxaadaane, adiga waxba ima weydiiside ma Cawil iyo UDUB-tii aan ka adkaaday baa masaariifta kaa bixisa. Kkkkkkk…. Waa iga kaftanee, haddii aan su’aashaada ku soo noqdo, waxa hobboon in qofku ka fekero wixii suurto-gal noqon kara iyo wixii aan suurto-galeyn, waxaan taa uga jeedaa Agoomaad I waydiisaye iyo Mujaahidiin’e, adaan kuu dhiibee immisaa agoomo dalka jooga, ma kuwii SNM, ma kuwii Habar-habarta, ma kuwii maryo-aloolka. Mujaahidiintuse waa kuwee, ma S-tii baa, ma KULMIYE-aa. Adeer; anigu Faylkaa waan iska xidhay, wax kalena umaan xidhine, waxaan u xidhay oo keliya kala-garanwaa aan kala garan waayey.

Balse waxaan fuliyey ballan-qaadyo badan oo wax-ku-ool ah, waxaana ka mid ah, ballaan-qaadkii aan u qaaday xubnihii ururkii QARAN oo ahaa inaan u magacaabo xilal ay ku aargoostaan, waxaan iyana ka mid ah ballanqaadyada aan fuliyey kuwa Company-ga weyn ee DAHABSHIIL oo qorshahayagii hore ahaa marka aan dalka qabsado in dhaqaalaha dalka ka soo xerooda ay ku dhacdo Account-kiisa, si ay gashigii uga yeesheen uga goostaan, inta kalena ugu shaqeystaan.

Arrintaana waxaan mahad gaara ugu jeedinayaa Xirsi-yare oo Maxamed Xaashi ka saxeexay in lacagta Adhiga Account looga furo DAHABSHIL. Adeer waan ilaabi gaadhay, waxa ka mid ah ballan-qaaddada ilaa hada aan fuliyey in xisbigii KULMIYE ee dhiig iyo dheeftuba naga gashay aan si ashaa-falato ah ugu wareejiyey Muuse Biixi, weliba adigaan kuu sheegayaaye, shanta dambe waxa noo qorsheysan in uu xisbigu doorashada isu soo taago Cabdirashiid DAHABSHIIL, laakiin hadda Adeer, intaa dambe yey labadeena dhaafin. Waxa kaloo Adeer aan fuliyey, Maxjarkii Xoolaha ee yar-yarkii agoonta ahaa ee Ilmo Indha-deero Berbera ka sameeyeen.

S: Madaxewyne, waxa jira dhowr xubnood oo ka biyo-diiday xilalkii aad u magacawday, kuwaaso qaarna is-casileen, kuwo kalena ka cudur-daarteen qabashada jagooyinkaa, maxaad u aragtaa arrintaa?

J: Horta waan maq-maqlayey, waxna Xirsi baaba ii sheegay in raggii aan magacaabay qaarkood u cuntami waayeen xilalka aan u dhiibay, Wadaadkii Ina Sheekh Cali Jawhari isaga warkiisa waan helay, waxa lay sheegay inuu Seko-ururinta ka shikiyey oo u qaatay quudhsi, Dhakharkii Cabdi Aw Daahir-na mar ay Maxamed Kaahin kaftameen, wuxuu Maxamed ii sheegay inuu ku yidhi Cadkii reer Caynaanshe maaha, laakiin arrinta Dr. Obolos waan fahmayaa oo laba mid bay noqon, in aan sidii Siyaad Barre idhaahdo ‘Obolos yaa ku Dhuusay,’ iyo in aan sidii Daahir aan ku soo rogo xabsi ah in aanu Buurta Kala-jeexan dhaafi karin.

Waxaanse ku waydiiyey adigu, miyaanay maqal ninkii yidhi; ‘Diintaan kuugu dhaariyey iyo daacdda Ilaahay, iyamaa Ducaale iyo Warsame Ciida-gale doortay.’

Waxa taa ka dhigan Abiib Timo-cad iyo Obolos midkee baa KULMIYE doortay.

S: Madaxweyne, waxaad maalin dhoweyd adiga iyo Xisbiyada Mucaaradka, Shirguddoonka Baarlamanka iyo Komishanka Doorashooyinka, waxaad ka wada hadasheen arrintii doorashooyinka, Golayaasha Baaralamanka, Degaanka iyo weliba qaddiyaddii ururada badan maxaad isla meeldhigteen?

J: Waa runtaa, waa jiray kulankaasi, wax kalena maanu samayne, waxaan u soo jeediyey in sidii Daahir-ba marna uu isugu kordhin jiray, marna Goleyaasha u kordhin jiray in aan aniguna maanta laygu raaco in aan muddada u kordhiyo Golahaa Wakiillada oo ay ku jiraan rag qaaliya oo si wanaagsan doorashadii iila soo shaqeeyey. Wax kalena adeer ugamaan jeedine, sidii Ina Cabdiqaadir, Iskeerse, Cabdi Aw Daahir iyo Muuse-ba aan KULMIYE ku xidhay inaan iyagana Golaha Wakiillada ku handaraabo.

WARGYSKA YOOL

Login