September 3, 2010
Wajaale: Xiisad Ka Taagan Taliyihii Saldhiga Booliska Ee Xilka Laga Qaaday 5-Cisho Ka Hor Oo Mar Kale Dib Loogu Soo Magacaabay.
Wajaale (Harowo) - Xiisad iyo Muran gacan ka hadal ku dhawaatay ayaa caawa ka dhacday Magaaladda Wajaale, gaar ahaan Saldhiga Booliska ee magaaladaas, ka dib markii taliye shan cisho ka hor loo magacaabay, hadana dib loogu amray inuu xilka u tiriyo taliyihii lagu badalay ee uu xilka ka tirsaday.
Sida wararka naga soo gaadhaya magaaladda Wajaale shaaca ka qaadeen Taliyihii hore ee saldhiga Booliska oo lagu naanayso Mr. Dacawo oo xilka laga qaaday shan cisho ka hor ayaa goor gabal dhicii cawa ah magaaladaas dib ugu laabtay isagoo wata amar taliyihii uu xilka u tiriyay lagu farayo inuu hadana xilka dib ugu tiriyo.
Taliyaha dhawrka cisho ka hor loo magacaabay Saldhiga Wajaale ayaa si cad u diiday inuu xilka tiriyo isagoo ku andacooday in aan wax amar ah, ama qoraal ah oo lagu amrayo inuu xilka dib ugu celiyo, taliyihii hore ee uu ka tirsaday aanay soo gaadhin.
Arintan ayaa sida la sheegay markii dadweynaha ku dhaqan magaaladaasi maqleen si wayn uga cadhoodeen, waxaana ka bilaabmay agagaarka saldhiga magaaladda iyo xarunta degmadda buuq iyo qaylo ay kooxo shacbiga ka mid ahii ku qaylinayeen, yeeli mayno, dooni mayno, amaradda is daba jooga ah ee asaasaqnimada ah.
Dhinaca kale waxa isla magaaladda wajaale dhawr cisho ka hor ka dhacay hawl gal ay ciidamadda Ethiopia ka fuliyeen, kaas oo dad ay doonayeen wakhti saqdi dhexe ah sadex habeen ka hor ay kala baxeen Hudheel ku yaal Magalaadaas oo lagu magacaabo Nasiye
Sida wararkaasi sheegeen ku dhawaad sadex qof oo dhalasho ahaan ka soo jeeday Somalida kililka shanaad ee Ethiopia ayaa lagala baxay Hudheelkaas, ka dib markii ciidamadda Ethiopian-ku baadhis ku sameeyeen hudheeladda magaaladda. Dadka magaaladaas ku dhaqan ayaa aad uga yaabay dhacdadan, kana muujiyay dareen cadho leh.
Harowo Desk-news Hargeysa Somaliland
