September 2, 2010
Xukuumadda Somaliland oo ku hawlan Cafinta Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Dawladda Sh. Shariif
Xubnahan oo ku sugan Puntland ayaan illaa Hadda ka Tanaasulin Xilalka ay ka Hayaan Xukuumada Somaliya
Muqdisho (Waaheen) - Saraakiil Sar-sare iyo Xildhibaano faro-badan oo ka tirsan Xukuumada Sheekh Shariif oo ka soo jeeda una dhashay Somaliland iyo kuwa kale oon aan u dhalan ayaa ku soo hayaamaya Gudaha Somaliland sidii ay gabaad uga dhigan lahaayeen amniga iyo xasiloonida ka jirta ka dib markii ammaanka Magaalada Muqdisho oo xarun u ah Dowladda ku meel-gaadhka ee Somaliya uu faraha ka sii baxay.
Saraakiishan Sar-sare ee Xukuumada Sh. Shariif ee ay soo waajahday in ay lafahooda kala soo cararaan mushkiladaha ka sii daraysa ee Magaalada Muqdisho ayaan illaa hadda ka tanaasulin Xilalkii iyo Manaasibtii ay ka hayeen Xukuumada Sh. Shariif, iyadoo sida ay wararku sheegayaan ay xukuumada Somaliland ay ku hawlan tahay sidii ay cafis iyo saamaxaad ugu fidin lahayd xubnahaasi, iyadoo sida laga warqabo ay Golayaasha Qaranku hore u go’aamiyeen in cidii ka qayb-gasha Shirarka dibu-heshiisiinta iyo xukuumadaha Somaliya ay yihiin dambiilayaal Qaran, isla markaana aanay cagaha soo dhigi karin carada Somaliland illaa iyo inta ay ka tanaasulayaan mawqifyadooda.
Firxadka Mas’uuliyiinta Xukuumadda Sh. Shariif ayaa ay ka dambaysay dhowaan markii si ba’an loogu xasuuqay Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Somaliya Hotelkii ay ka deganayaan Magaalada Muqdisho, ka dib markii laba nin oo hubaysan oo ka tirsan Xarakada Al-shabab ay rasaas mariyeen xildhibaanadaasi ka dibna ay is-qarxiyeen, talaabadaasi ayaa noqotay mid walaac wayn ku keentay cid kasta oo ka tirsan Xukuumada Sh. Shariif oo degan Magaalada Xamar.
Sida aanu Wararka ku helayno Xubnaha caymadka ah ayaa waxa ka mid ah Siyaasiyiin iyo Xil-dhibaano ay ka mid yihiin Maxamed Cumar Cigaal, Ibrahim Maxamed Cusman oo ku sugan Deegaanka Puntland una soo jeeda dhinaca Somaliland iyagoo illaa hadda aan ka tanaasulin xilalkii ay hayeen.
Sidoo kale saxaafada Somaliland ayaa baahisay in Siyaasiga General Jaamac Maxamed Qaalib inuu dhawaan iman doono Somaliland iyadoon ilaa hada Xukuumadda Somaliland sheegin talaabada laga qaadi doono haddii uu ku yimaado Cafis la’aan iyadoo la ogyahay mar hore oo uu yimid Dalka inay mastaafurisay Xukuumadii hore balse isagu sheegay in uu si xor ah uga baxay Dalka.
Waheen.com
