September 2, 2010
Halkan Ka Akhriso Qayb Ka Mid ah Wararkii Wargeyska Hargeysa Star
Badhasaabka Togdheer iyo Taliyaha Booliska Oo Hadallo Lid Isku Ah Ka Yidhi Bandooda Burco ******** Wasiirka Kalluumaysiga Iyo Badhasaabka G/Saaxil Oo Si Cadho Leh Isugu Awood Sheegtay Iyo Jawigii Xil-wareejinta Dekadda ****** Agaasimaha Madaxtooyada Oo Muujiyey Inuu Saluugsan Yahay Maareeyaha Cusub ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa ****** Agaasimaha Madaxtooyada Oo Muujiyey Inuu Saluugsan Yahay Maareeyaha Cusub ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa.
Badhasaabka Togdheer iyo Taliyaha Booliska Oo Hadallo Lid Isku Ah Ka Yidhi Bandooda Burco
“Arrinta Bandooda Burco waa arrin la xidhiidha sugidda nabadgalyada, waa arrin Boolis oo tafaasiil lagama bixiyo.” Taliyaha Booliska… “Adeer Bandoo Burco la saaray ma jirto ee waa been aan waxba ka jirin.” Badhasaabka Togdheer.
Burco (HargeisaStar) - Badhasaabka Gobolka Togdheer Mr. Yaasiin Maxamed, ayaa sheegay inaan magaalada Burco ee Xarunta Gobolkaas wax Bandoo ah oo lagu soo rogay jirin, hase ahaatee, waxa uu qiray inay ka socdaan hawlgallo ammaanka lagu sugayo oo ay wadaan Ciidamada Booliska Burco.
Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Yaasiin Maxamed , oo xalay Wargeyska Hargeisa-Star khadka taleefanka wax kaga waydiiyey bandooda Burco lagu soo rogay, hub dhawr habeen ka hor magaaladaa lagu qabtay iyo hawlgallo fara badan oo la sheegay inay Boolisku ka wadaan Burco, waxa uu ku jawaabay oo yidhi Badhasaabku “Adeer bandoo Burco la saaray ma jirto ee waa been aan waxba ka jirin.” Hase ahaatee, mar aannu Guddoomiyaha Gobolka Togdheer sii waydiinay inaanay taasi qarsoonayn oo xattaa ay Warbaahintu faafisay jiritaanka dhacdooyinkaa, waxa uu yidhi, “Su’aashaa haddaan kaaga jawaabo ma jirto bandoo burco lagu soo rogay,waxa jiraa waxa weeyaan nabadgalyadii caadiga ahayd oo Ciidamada ammaanku hawlohooda wataan oo ay magaalada iyo nabadgalyadeeda ilaalinayaan.
Taasina waa wax caadiya oo aan la odhan karin bandoo ama wax kale ayaa ka jira Burco, imakana shirbaan ku jiraa oo wakhti jawaabtaa wax ka badan aan kugu siiyo ma haysto. Markaa adeer run ahaan wax dhibaato ahi ma jiraan, bandoona ma jirto, laakiin in ammaanka la sugo oo dhaqdhaqaaqa lala socdo uun weeya waxa laguu sheegayaa, waxa warbaahinta tidhi Bandoobaa lagu soo rogayna may sheegi run.”
Dhinaca kale, Taliyaha Booliska Somaliland ee shaqada ka tagaya Maxamed Saqadhi Dubbad, oo aannu arrintaa dhiniciisa isla xalay wax ka waydiinnay, ayaa sheegay inay jirto bandoo saacadaha dambe ee habeenkii lagu soo rogay Burco, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa oo uu yidhi Taliye Saqadhi; Adiga taa laguu sheegi maayo, laakiin waxaan ku leeyahay marka wax la qoonsado ee war la helo waa noo caado in socsocodka la joojiyo nabadgalyada aawadeed, tobanka habeennimo wixii ka dambeeyana dadka la yidhaahdo iska seexda. Markaa wax shaki keenay iyo warar la hayo ayuun-baa sabab u ah. “ Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah Warbaahinta madaxa-bannaan, ayaa maalmihii u dambeeyey baahiyey wararka Badhasaabku deedifeeyey, Taliyaha Booliskuna qiray.
Wasiirka Kalluumaysiga Iyo Badhasaabka G/Saaxil Oo Si Cadho Leh Isugu Awood Sheegtay Iyo Jawigii Xil-wareejinta Dekadda
Berbera (HargeisaStar) - Maareeyaha cusub ee Dekedda Berbera Mr. Axmed Yuusuf Dirir, ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay maareeyihii muddada 18-ka sanno ah soo maamulayay Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor). Munaasibadda xil-wareejinta oo ahayd mid aad u camiran waxa ka qaybgalay wasiirrada Kalluumaysiga iyo Maamulka Dekedaha, Waxbarashada, Diinta iyo Awqaafta, Caafimaadka, madaxda Gobolka Saaxil, kuwa Degmada Berbera, dhammaan masuulliyiinta kala duwan ee ka hawlgala laamaha dawladda ee Berbera iyo martisharaf kale oo aad u tiro badan.
Munaasibadda oo uu xidhiidhinayay Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga, Khayraadka Badda iyo Maamulka Dekedaha Dr. Maxamed Yaasiin Xasan, ayaa ugu horreyn waxa uu hadalka ku soo dhaweeyey Maareeyihii hore ee Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed oo si mug leh uga warramay maexalladihii kala duwanaa ee ay soo martay Dekedda Berbera muddo 20 sannadood ku dhaw oo uu maamulkeeda gacanta ku hayay. Eng. Xoor-xoor oo noqday masuulkii u horreeyey maamulkii xukuumadda UDUB ee wareejiya hanti dawladeed, waxaannu madashaas kaga dhawaaqay in ay khasnadda dekedda ku jirto lacag dhan $275 kun oo doollarka Maraykanka ah, taas oo uu sheegay inay tahay dakhli uu soo xereeyey maamulkiisa xilka wareejiyey, arrintaas oo uu ku tilmaamay guul taariikhi ah oo uu xilka ku sagootiyey.
Waxa kaloo uu Maareeyihii hore sharraxaad ka bixiyey muhiimadda Dekedda Berbera ugu fadhido qaranka Somaliland, isaga oo carrabka ku dhuftay in 80% dhaqaalaha dalku ku xidhanyahay dekedda, mid dawladeed iyo mid shacab-ba, waxaannu xusay in ay ka hawlgallaan 1189 qof oo shaqaale ah.
Ugu dambayn, waxa uu ku dooday inuu isagu masuul ka yahay heerka wanaagsan ee dekeddu taagan tahay, sidaa darteed waxa uu Maareeyaha cusub ee xilka kala wareegay kula dardaarmay inuu halkaa ka sii wado hawshii baaxadda lahayd ee uu qaranka u hayay, waxaannu shaqaalaha iyo guud ahaan bulshada reer Saaxil ugu baaqay in ay si fiican ula shaqeeyaan maamulka cusub.
Maareeyaha cusub ee Dekedda Berbera Mr. Axmed Yuusuf Dirir oo xafladda uu xilka kula wareegay hadal kooban ka jeediyey, ayaa ka warramay muhiimadda dekeddu u leedahay dalka Somaliland iyo kaalintii wax-ku-oolka ahayd ee uu Eng. Cali Xoor-xoor ku hoggaaminayay maamulka Dekedda Berbera. Mr. Dirir waxa uu sheegay in aanu ahayn qof ku cusub dekedda, balse uu ka soo shaqaynayay 13-kii sanno ee la soo dhaafay, sidaa awgeedna ay taasi u fududayn doonto gudashada masuuliyadda culus ee loo xambaariyay, waxaannu ballanqaaday in aanay waxba iska dhimi doonin heerka uu kula wareegay, isaga oo tibaaxay in uu wax ka qaban doono toosinta maamulka dekedda oo uu hoosta ka xarriiqay in wax badan ka khaldanaayeen iyo horumarinta adeegyada bulshada ee Gobolka Saaxil iyo degmada Berbera.
Sidoo kale, waxa uu maareeyaha cusub tilmaamay inuu xidhiidh wada-shaqaynneed oo joogto ah la yeelan doono maamulka Gobolka Saaxil iyo Degmada Berbera, taas oo uu sheegay in ay tahay ta keliya ee lagu gaadhi karo guusha iyo horumarka la wada hiigsanayo, waxaannu martida munaasibadda fadhiyay ka codsaday inay ugu duceeyaan in Ilaahay ku soo asturo gudashada masuuliyadda ballaadhan ee dhabarka loo saaray.
Badhasaabka Gobolka Saaxil Mr. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo wejigiisa laga dareemayay inuu si weyn uga biyo-diiday hadallo ka soo yeedhay maareeyayaasha xilka la kala wareegay iyo Wasiirka munaasibadda daadahaynayay oo ku saabsanaa masuuliyadaha iyo awoodaha maamul ee dhinacyada amniga Dekedda Berbera, ayaa ku hanjabay in aannu cidna u daba-fadhiisan doonin maamulka ammaanka gobolka, isla markaana maamulkiisu xaq ugu leeyahay dekedda Berbera bixinta dhaqaalaha lagu maamulayo nabadgelyada iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Mr. Ramaax oo wejigiisa cadho ka muuqatay, ayaa masuulliyiinta hay’adaha ammaanka ee ku sugnaa madasha amar ku siiyey in laga bilaabo maanta ay shidaalka lagu sugayo amniga oo ay hore u weydiisan jireen maamulka dekedda ay si toos ah isaga ugu soo doontaan. “Nabadgelyada gobolka annaga ayaa masuul ka ah, waana wax laga xishoodo in maamulka dekeddu yidhahdaan ‘marka hawlo degdeg ahi soo kordhaan madaxda ciidammada ammaanku cidda ay u cararaan waa maamulka Dekedda Berbera oo annaga ayaa shidaalka siina.’
Waxaan leeyahay taasi dib u dhici mayso, masuuliyiinta ciidammada amniga ee munaasibadda jooga waxaan farayaa in maanta laga bilaabo aniga [Badhasaabka] ayay ii soo doonanayaan, haddii aan wax kale u waayana ta qoyskayaga ayaan ka bixinayaa. Markaa waxaan leeyahay Berbera iyo Gobolka Saaxilba xaq bay u leeyihiin inay saami ka helaan dhaqaalaha qaranka Somaliland lagu maamulo ee ka soo baxa Dekedda Berbera, waxaanuna doonaynaa oo u taaganahay in aanu horumar gaadhsiinno adeegyada bulshada ee gobolka,” ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Saaxil.
Hadalka goolaaftanka ee Badhasaabka Gobolka Saaxil oo sacab badan loo tumay, ayaa noqday mid wax badan ka beddelay jawigii madasha iyo muuqaallada wejiyada madax kala duwan, gaar ahaan Wasiirka Kalluumaysiga iyo Maamulka Dekedaha Dr. Maxamed Yaasiin Xasan iyo Maareeyaha cusub ee dekedda, kuwaas oo laga dareemayay inay si weyn u jidh diideen awood-sheegashada maamul ee uu la sara-joogsaday Guddoomiye Ramaax.
Wasiirka Kalluumaysiga, Kheyraadka Badda iyo Maamulka Dekedaha Dr. Maxamed Yaasiin Xasan oo isagu soo afjaray xafladda xilwareejinta oo ahayd mid ay buux-dhaafiyeen boqollaal qof oo intooda badani taagni ku dhammaystay muddo labo saacadood iyo dheeraad ah oo xafiiska maareeyaha la dul-hoganayay, ayaa isaga oo daba jooga hadallada Badhasaabka waxa uu si cad uga dhawaajiyey in Maareeyaha dekeddu masuul ka yahay sugidda amniga guud ee dekedda Berbera, awooddaasna aanay cid kale la wadaagin, waxaannu marar badan ku celceliyey in uu isagu yahay masuulka ugu sarreeya ee maamula dekedda, marka uu ka maqan yahayna maareeyuhu masuul ka yahay.
Maayarka Degmada Berbera Md. Cabdalla Maxamed Carab (Sandheere), ayaa isaguna dardaaranno kala duwan u guntay masuulliyiinta xilka la kala wareegay iyo guud ahaan shacabka reer Berbera oo uu ka codsaday in ay wakhti siiyaan maamulka cusub, lana shaqeeyaan, sidoo kalena aanay kula degdegin mucaaridad aan wax faa’iido ah u lahayn. Waxa kale oo munaasibaddaa ka hadlay Maareeye-ku-xigeenka cusub ee Dekedda Berbera Mr. Cumar Abokor oo ku faanay inuu yahay nin reer Berbera ah, aadna ugu faraxsan yahay xilka loo magacaabay, isaga oo ballanqaaday in uu hawshiisa u gudan doono si daacadnimo ah iyo hagar la’aan ah.
Dhinaca kale, Mr. Cumar Abokor waxa uu shacabka reer Saaxil ku wargeliyey in isbeddelka ku yimi gobolka uu yahay mid guud oo saameeyey dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka, sidaa darteedna aanay u arkin in shakhsiyaad gaar ah lagu beddelay.
Agaasimaha Madaxtooyada Oo Muujiyey Inuu Saluugsan Yahay Maareeyaha Cusub ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa
Hargeysa (HargeisaStar) - Maareeyaha cusub ee Wakaalada Biyaha Hargeysa Md. Ibraahim Siyaad Yoonis iyo Ku Xigeenkiisa Md. Cabdi Ibraahim Cabdilaahi ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay Maareeyihii hore Eng. Khaliif Cabdilaahi iyo Maareeye Ku Xigeenkiisii Md. Axmed Ismaaciil.
Xafladii xil wareejinta oo lagu qabtay xarunta Wakaalada Biyaha Hargeysa waxa ka soo qeyb galay Agaasimaha maamulka Madaxtooyada Md. Maxamuud Cabdilaahi Xarbi, Badhasaabka Gobolka Hargeysa Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarje), Maayar Ku Xigeenka Caasimada Md. Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde, Xoghayaha fulinta dawlada hoose Hargeysa Md. Deeq Xirsi Canbuur iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Hargeysa. Maareeyihii hore Eng. Khaliif Cabdilaahi, oo xafladaasi ka hadlay ayaa warbixin dheer ka jeediyay oo ku saabsanayd waxqabadkiisii muddo afar sannadood ah oo uu xilka Wakaalada Biyaha Hargeysa gacanta ku hayay, waxaanu sheegay in Maareeyaha cusubi yahay nid aad u na siib badan, isaga oo xusay in markii lagu wareejiyey lacag dayn ah oo fara badan taasoo 10%-kiiba lagu sii leeyahay, wixii kalena uu bixiyey.
Maareeyihii hore wuxuu qiray biyo yaraanta ka jirta caasimada Hargeysa waxase uu sheegay in aanay jirin wax ay bulshada ka hagranayaan waxaanu tilmaamay in caasimadda Hargeysa ay sii balaadhanayso. Eng. Khaliif wuxuu ka waramay daraasad ay sameeyeen oo la xidhiidha biyo balaadhinta Hargeysa waxaanu xukuumadda cusub ka dalbaday in marka la daabaco daraasadan ay mudnaanta koowaad siiso sidii ay u hirgelin lahayd balaadhinta biyaha. Eng. Khaliif Cabdilaahi waxa uu sheegay in aanu wali ka qayb galin arrimo siyaasadeed isla markaana aan lagu arag saaxadda siyaasada, ee uu ahaa shaqaale ku kooban Wakaaladda Biyaha iyo sidii ay dadweynaha Hargeysa biyo u heli lahaayeen. Waxaanu Maareeyaha xilka ka tirsaday u soo jeediyey Eng. Khaliif inuu shaqada halka ay marayso ka sii amba-qaado.
Maareeyaha xilka la wareegay ee Wakaalada Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis, oo ka hadlay xafladaasi ayaa u mahad celiyay maareeyihii hore ee Wakaalada Biyaha oo uu ku tilmaamay nin wax weyn u qabtay magaaladiisa waxaanu balan qaaday inuu isaguna halkaasi ka sii ambo qaadi doono. Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Agaasimaha maamulka Madaxtooyada Maxamuud Cabdilaahi Xarbi, “Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa way ka wayn tahay in nin dhalinyo ah loo dhiibo, way ka culustay in qayrkaa lagu aammino, wax kasta oo kaa qalloocdana laguguma dhaafayo waa dhalinyaro ee la soco.:” ayuu agaasimaha Madaxtooyadu Mr. Xarbi. Maayar Ku Xigeenka Hargeysa Md. Maxamed Cabdilaahi Uurcadde iyo Badhasaabka Gobolka Hargeysa Md. Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarje), ayaa iyaguna ka mid ahaa masuuliyiintii madashaa ka hadashay. Gebagabadii Shaqaalaha Wakaaladda Biyaha, ayaa shahaado sharaf halkaa ku guddoonsiiyey Maareeyihii hore ee Wakaaladda Biyaha Eng Khaliif Cabdillaahi.
