September 2, 2010

Haatufka Maanta: Alaylehe Cali Xoor-xoor Waxbuu Cunayna Halkaa Ha Ku Hadho

Waa halkii Xaaji Cabdiye, dawladdan hamuunta qabtaa maantana maxay odhan kol haddii ninkii Cali Xoor-xoor ku wareejiyey Laba boqol iyo Shan iyo Todobaatan Kun dollar. Alaylehe Cali waxbuu cunayna halkaa ha ku hadho.

Haddii uu wax bixin jirayna qoladan Kulmiye ayaaba u badnayde, tolow Martidii Barberi siday yeeli. Waxa se layaab leh, dawladdan ninkii xumaa iyo ninkii wanaagsanaa sidda u wada neceb.

Taladan dhaafi weyday hebel Udub buu ahaan jiraye bedel oo kaasaa inaga ina raacsane gee ma lagu gaadhi karaa horumarkii xukuumaddan laga sugayey.

Login