September 2, 2010

Badhasaabka Awdal Ha is Casilo

Waxaan marka hore salaamayaa dhamaanba akhrisatayasha sharafta badan, iyo waliba bahda harowo news, inta ka dib, aadamaha ilaahay  abuuray way ku kala duwan yihiin garaadka iyo maskaxda, waxa jira garaad lagu kasbado barashada cilmiga, kaasi marnaba kuma xidhna hadba qofka inta ay da’diisa leegtahay, balse waxa uu ku xidhan yahay hadba qofku inta uu cilimi iyo khibrad korodhsado.

Hadaba, sida qofka marka la arko muuqaalkiisa loo qiyaaso garaadkiisa, ayaa isla markaana waxaa loo qiyaasi karaa, maqaamka uu ka joogo bulshada,iyo waliba miisaanka uu ku leeyahay, bulshada dhexdeeda ,waa marka aad aragto fikradihiisa iyo sida uu wax u wado.

Marka aan maqlo siyaasi aad u hadal xun oo si doqoniimo ku jirto u hadlaya ayaan is idhaa Sidee qof caykan ah loo gaadhsiiyey mansabka noocaan ah? Haddana waxaan isku qanciyaa in ayba arrintaasi tahay sababta kharribtay dalkii oo dhan, ee la isku dhex yaacayo.

Hadaba aan dulucda maqaalkayga u soo daa dago, waxaan  maalin dhaweyd  dhagaystay shir jaraa’id oo uu gudoomiyaha gobolka Awdal ku qabtay magaalada Boorame, waxaanu kaga hadlayay arin ku saabsan xadhig uu u gaystay dhalinyaro reer boorame ah, oo waliba madax ka ah xisbiga udub.

Hadaba, gudoomuhu marka uu shirkaa qabtay umuu  ekayn nin gudoomiye u ah gobol,  marka loo eego qaabka uu u qabtay shirka jaraa’id  iyo waliba sida uu u hadlayay, waayo waxa uu isku ruxayay  kursiga, waanu jeed jeedsanayay isaga oo isla markaa hadaladiisu aanay dheeli tirayn, waayo waxa uu ka hadlayay rag uu xidh xidhay hadana sabab adag ama cadayn la taaban karo oo uu dadkaas ku soo xidhay shirkiisa kumuu sheegin.

Waxa kaliya ee uu ku cel celiyaya waxay ahayd inay hadleen oo ay wax qoreen.kalmadaha  la yaabka leh ee uu ku hadlay waxaa ka mid ahaa inaanu cabudhino ragaa ama aanu maxkamad gayno waanu ka yara daynay isaga oo hadalka waliba ku marganaya ayuu ku tiraabay kalmado noocaas ah runtii aniga gudoomiyaha caafimaadkiisa ayaabu shaki iga galay markaan kalmadahaas iyo khibrad la,aan faro badan aan ku arkay.

Waxa kale oo uu shirkan jaraa’id noo cadeeyay si fiicana aanu u aragnay midabka runta ah ee uu gudoomiyaha siilaanyo soo doortay uu leeyahay iyo inaanu gabi ahanba lahayn waayo aragnimo iyo garaad ku filan labadaba, anigu iska daa inuu gobol maamulo laakin xataa iskuulhoose kani ma maamuli karo.

shirkan jaraa,idna waxa uu noqon doonaa “one of the many, many examples of his complete and utter stupidity” ceeb waynaa; xataa waxaan la yaabay miyaanay jirin rag la shaqeeyaa siday ugu ogolaadeen inuu hadal noocan oo kale ah, dadka la horyimaado, waxaan ku leeyahay gudoomiye ((politics isnt for your. Brilliant)) markaa shaqo kale ayaad ku wanaagsanaan lahayd, inaad raadsato, waxaana kaa muuqda kalsooni daro xad dhaaf ah, lagumana moodo inaad tahay ninkii gobolka ugu sareeyay.

.Dadku waa kala fikrado duwanyihiin,laakiin gudoomiyuhu waxa uu nimankaas ku haystay  fikrado ay ku qoreen mareegaha waxaanad halkaa ka garan kartaa inaanu gudoomiyuhu la saaxiib ahayn dimoqraadiyada,waayo dadku waa inay is dhaafsadaan fikradaha, taasna nolosha ayaa ku dhisan oo waa wax macno weyn leh.

Sidaa la’aanteedna lama noolaan kareen, oo bulsho may dhisanteen, waayo in fikirka lagu kala duwanaado waa wax iska caadi ah oo lagu garto bulshooyinka doonaya in ay nolosha horumar ka gaadhaan, kala duwanaanshaha fikradaha ayaa gudoomiyaha ka cadhaysiiyay, hadii uu laakiin ahaan lahaa nin miisaan culus ku leh siyaasada waxaa laga yaabaa inaanu ka xumaadeen qoraal ay dhalinyaro qoreen.

Hadaba waxaan ku soo gunaanadayaa qormadaydan  tuducdan yar

Gadhka lagama eego iyo cirada guudka kaga taale

waa naag garaskii ka dhacay gabay xummaadaaye

nin hadduu hadal gabbaan ka yahay wuu gagabiyaaye

galmo kama waramo maxamedoow gole nin joogaaye

Cabdiraxman samale  - Bristol - UK

Email: abdirahm@aol.com

Login