September 1, 2010

Walaalkii Dile Inuu Ka Dabar Go’ay Ayaan Moodaayey Awdal Iyo Salal eh Ma Waxbaa Ku Sii Hadhay

Marka hore waxaan salaamayaa wariyaasha shabakadaha caalamiga ah ee reer Awdal/Salal iyo akhrista yaashooda sharafda leh. Maalmahan waxaa magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Boorama ka imanaya waraar aan farxad galinayn qofkasta oo dmiir fiican leh oo u dhashay gobolada Awdal/Salal, taasoo ah xadhiga sharcidarada ah ee lagula kacaayo muwaadiniinta sharafda badan een cidna waxba u dhimin ee reer Awdal.
 
Sida aaan walada socono waxaa ka dhacay dhawaan soomaliland doorasho ay ku tartameen xisbiyadu. Hadaba mudadii tartankaasi socday waxaa dhaxmaray xisbiyada tartan iyo xafiiltan iyo xurguf aan yarayn balse markii ay doorashadiii dhamaatay qofkasta iyo xisbikastaa wuu ka maydhay wixii xurguf iyo xagxagasho soo kala dhexmartay cidkasta oo ay siyaasada isgu qabteen, taasina waa mid laga wada gudbay soomaliland bari iyo galbeedba.
Hadaba, arinta sidaasa maxaa manta keenay in muwadiniin reer awdal ah in loo xidhxidho cuqdad iyo aarkoosi salka haysa oo  dartankii doorashooyinka ee la soo dhaafay. ama hebel ayaa ka tirsanaa xildhibaana dii soomaliwayne hala soo xidho.

Hadiise jirto godob lakala galay oo lakala gudanaayo ama xidhibaano soomaliya ka yimid dee maxaa loo xidhixidhi waayay abaanduulayaashii UDUB ee tartanka hogaaminayay ama xildhibaanada ka yimid soomaaliya ee hargaysa iyo buco iyo beberaba jogga mise waxii godob ahayd oo dhan ee xisbiga kulmiye tirsananayay iyo waxi soomaliwaynka yimidba reer Awdal ayaa loo raacayaa!!!

Waayo tan iyo markii la magacaamay Gudoomiyaha cusub ee gobolka Awdal ee ka soo jeeda xisbiga kulmiye kaliya waxaan maqlaynaa waxbaa la xidhay iyo waxbaa loo hanjabay, hadaba waa yaabe gudooomiyaha cusubi ee maalinkii xilka loo dhiibayay lahaa cirka iyo dhulka yaan jana ka dhigayaa waxqabadkii iyo isbadalki uu sheegayay ma xadhig ayuu isgubadalay mise horomarkaba waxuu u haystaa xadhiga aqoonyahanaka iyo idheergaradka bulshada ee aan waxba galabsan.

Midakale su’aasha ugu wayn ee hada layswadiinayaa waxay tahay Gudoomiye Cabdale ma isaga ayuunbaa falkan xun u badheedhay mise meelkale ayaa laga hagayaa?

Dabcan meelkale ayaa laga hagayaa sida reer Awdal aaminsanyihiin 90% dalka iyo dibadaba, waxaana xaqiiqa in ay amaradu si toosa uga soo baxayaan guriga madaxtooyada. Hadaba ugu danbayntii hal waxaan leeyahay Gudoomiye Cabdale midna waxaan leeyahay muwaadiniinta xidhxidhan midna waxaan leeyahay Mr siilaanyo
 
1- Gudoomiye waa nasiib daro wayn inaad xidhxidho walaahaa oo aan waxba kuu dhimin cidkalana waxba u dhimin waxaanad ka baydhay waxii aad balanqaadaysay oo cadalad hayd waxaanad qaaday wado mugdi ka muuqdo iyo bilo xun oo qaabdaran.

Gudoomiye waxaa jira in maamulada afrikaanka ah ee aan sida waxloo maamulo aqoonin inay had iyo jeer isgu dayaan inay gobolada ay ku noolyihiin dadka aqoonta u saaxiibka ah u magacaabaan shaqsiyaaad cabudhiya oo ka hor istaaga inay shacabka u sheegaan waxa saxda ah taasna waxaa ku sifoobay xisbiga aad ka soo jeedo oo dhab ahaan tii ay ka muuqato aragti gaaban iyo aqoondaro farabadani.

Hadaba, gobolka aad gudoomiyaha katahay ee Awdal xiliyada qaar waxaa soomaray rag adiga oo kale ah oo aan bulshadooda waxka dhagaysan jirin balse meelo kale oo bulshadooda lidku ah waxka dhagaysan jiray balse bulshadan ilaahay aqoonta iyo aqliga ku manaystay way ka takhaluseen waana laga raystay adigana hadad sidaas ku sii socoto, oo aad isa sixi waydo taariikhda ayaa baalmadoow ka gali falaadhuna way ku haleeli xili baas oo aanad diyaar u ahayn waxaanse kuugu baaqaynaa inad isa saxdo oo aanad noqon walaalkii dile dadkaaga iyo Gobolkaagana daacad u ahaato
 
2- Waxaan leeyahay halyayyada la dulmay xaqiiqdii waxaa tihiin geesiyaaal halgan ugu jira siday bulshadooda uga saarilahaayeen xiliga cidhiidhiga ah ee lagu jiro waxaanad u gungan tihiin inaad ku hagtaan bushdiina dariiqa saxda ah ee qofkasta oo damir iyo aqoonlihiba hiigsanayo.

Waxaana marag ma doonta ah inaad Manta u xidhantihiin dana umadiina ee aydaan u xidhnayn dana shaqsiyadeed tariikhta ayaana idin xusi doonta, waanad guulaysantoontaan waxaanan rajaynayaa inaaydaan halgankiina u joojindoonin walaakiidile iyo nin irbad xaasid ku mudantahay oo meelkale laga soo shidaalinayo

3- Waxaan leeyahay Mr. siilaanyo waxaa wax lala yaabo ah inaad madaxtooyada hargaysana u magacowdo qaar midiyo sita oo dadka qalanaya Awdala aad u magacowdo qaar xadhiga dadka ku barbaranaya oo shaqadii loo dirayba u haysta in dadka la xidhxidhayo dhab ahaantii dowladaadii waxay noqotay mid dhabanahays iyo amakaag ku riday caalamkii u hanwaynoo oo dhan shacabka reer soomalilandna hadalkoogaba daa marka laga reebo inta reer kaaga ah ee aad sida foosha xunleh u urursatay.

Taas aniga oo aan ku daahayn waxaan ku leeyahay madaxwayne baryahan xafiiskaaga waxaa hadheeyay fadeexado kaa soo wajahaya shacabka reer Awdal iyo Salal waxaana la aaminsanyahay inaad ka danbaysid muwaadiininta sida sharcidarada ah loogu xidhxidhaayo magaalada boorama.

Hadaba hadii aanad ka danbaynin waxaan si degdega kaaga sugaynaa inaad isga baraxdo oo aad ka hadashid Mr Cabdalana aad Tallbo ka qaadid hadii aaad ka danbaysana waxaan kaa dalbanaynaa inad aqoonyahaniinta iyo indheergaradka ku howlan sida bulshadooda wax ugu qaban laahaayeen aad ka daysid carqaladaha iyo isgu dhufashada aaad ka dhaxwado hadii kale waxaad ku bishaaraysataa inayna Awdal/Salal soomaaliland ka sii mid ahaan doonin.

Ahmed  Mohamed  - Sweden

Email: Ilays3392@hotmail.com

Login