September 1, 2010

Haatufka Maanta: Xukuumadda Siilaanyo Ma Laga Yaabaa Inay Xidho Laynkan yar ee xooluhu Sucuudiga inoogu dhoofi jireen

Afxumadan iyo hanjabaadan dawladda Kulmiye illaahay ka soo daayey ma laga yaabaa inay inaga xidho laynkan yar ee xooluhu Sucuudiga inoogu dhoofi jireen ee uu Al-jaabiri soo furay. Nimanku malaha waxay is moodayaan inay wali Mucaaridkii yihiin.

Bal eega ina Xaashigan lagu saliday Total ee isagoon baadhitaan-ba samayn iska odhanaya lacagtii ay haamaha galisay way soo wada ceshatay ee waliba hadana Afka ka dhigi la yarkii Sacad ee haamaha dawladda u maamulayey, Cashuurta sidaalkana Baanka u dhigi jiray.

Mujaahidku lacag badan usoo xaree dawladan Khasnada madhan iyo deynta culus ka dhaxashay Rayaale iyo Cawil.

Login