September 1, 2010

“Dahabshiil Ayaa Xukuumaddii La Wareegay ee Ramaax-na ma RED-SEA ayuu Saaxil La Rabaa” Ibrahim Du’caale Suleiman.

Haregysa (Yool) - Ibraahin Du’caale Saleebaan oo ka tirsan Golaha dhexe iyo Guddiga fulinta Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB, ayaa si kuluul u weeraray hoggaanka cusub ee uu madaxda ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo, isagoo ku tilmaamay Xukuumada uu dhowaan soo dhisay Madaxwenuhu mid ka kooban qoys keliya.

Sidaana waxa uu Md. Ibraahin Tallaabo ku sheegay qoraal kooban oo uu Khadka Internet-ka ku soo gaadhsiiyey Wargeyska “Yool”, kaasoo faahfaahsana waxa uu u dhignaa sidan: “Xaaladda uu dalkii ku gaadhay muddo kooban oo aan bilo gaadhin maaha wax loo adkaysan karo.

Lama garan karo cidda si dhab ah wadankan u xukunta ama taladiisu ka go’do, marka aad eegto talaabooyinka ka fog xukun wanaagga iyo waayeeltinnimadii lagu yiqqiin Axmed Siilaanyo oo aan haba yaraatee meesha ka muuqan, waxa wax lala yaabo ah in awoodii dawladnnimo loo isticmaalay shaqo qoys (Family Bussinness) marka aad eegto sida wax u dhacayaan.

Bal u fiirso Ra’isal-wasaaraha iyo DAHABSHIIL, Wasiirka Tacliinta iyo Guddoomiyaha Guddida Cisbitaalka iyo qaar kale oo badan. Miyaanay ku talax tag siyaasadeed iyo aqoon darro diblomaasiyadeed ahayn Wiilka dhallinyarada ah ee loo magacaabay xilkii.

Wakiilka Ethiopia ee Somaliland, iyada oo la ogaa shakiga bulshada caalamku ka qaaday Xukuumadda Siilaanyo, taasoo uu ka maraga kacay safiirkii Ingriiska ee dalka yimi, isaga oo markii u horaysay wata Ciidan hubaysan oo ajnebi ah. Waxba yaan ku talax tegin musiibadan siyaasadeed ee ku habsatay Somaliland ee aan u soo dego dulucda qoraalkayga.

Badhasaabka Gobolka Saaxil iyo talaabooyinka uu ku kacayaa maaha wax la yaab leh ee waa dhaqanka maamulka uu ka mid ka yahay. Waxa la yaab leh sida uu oga muuqdo degdega faraha badani ee ah maalmo Saaxil iyo dadkeeda ku qabso, sida uu markiiba isu leeyahay fuli shaqadii laguu soo igmaday ee ahayd in uu ka abuuro Berbera xaalad maamul oo qasan.

Haddaba waxa la yaab mudan in uu isla soo mutuxo waxaan marxuumkii iyo total ku heshiin, meelna kagama qora heshiiska Total iyo Xukuumadda In askarta dawladda TOTAL shaqaale u noqdaan iyo cid kale toona, waxa aan Badhasaabka leeyahay akhri heshiiska marka hore si aad u maagto TOTAL, walaalkaa iyo REDSEA-na aad qiil ugu hesho.

La yaab ma leh haddii Badhasaabka Berbera walaalkiis uu rabo inuu gacanta u geliyo shidaalka dalka waayo Dahabshiil-ba Inaabtigii ayuu dalkii ku hubsaday.

Haddaba waxa shacabka Somaliland la gudboon inuu qaado talaabada ku haboon sidii la isaga dhicin lahaa Xakuumaddan u shaadh tolatay inay dalka u boobto shirkado markii horeba ku hantiyaystay boobka shacabka.

Waxa la gudboon axsaabta mucaaradka ihi inaanay eegan foolxumooyinkan dhacaya ee ay hormood ka noqdaan sidii loo badbaadin lahaa dalka, waa in axsaabta mucaaradka ihi abaabulaan mudaharaadyo joogto ah marka Ramadaan dhamaato, dhexdana loogu xidhaa sidii dalka loogu dhicin lahaa budhcaddan isagu qaylo dhaansatay ee isugu jira shirkadaha iyo xag-jirka.”

Login