September 1, 2010

Badhasaabka Awdal oo Qirtay Inuu Amray, Xidhay Madaxda Xisbiga UDUB ee Awdal Hanjabaad Cusubna u Diray

badhasaabka-awdalHarowo (Boorama) - Gudoomiyaha Gobolka Awdal Md. Maxamed Daahir Cabdalle ayaa si cad u qirtay inuu isagu bixiyay amarka lagu xidhay masuuliyiinta xisbiga UDUB ee Gobolka Awdal, isla markaana hanjabaad iyo digniin hor leh u diray masuuliyiintaas. Gudoomiyaha gobolka Awdal ayaa sidoo kale sheegay in daba gal ciidanadu ku haynayaan madaxda xisbiga UDUB ee Gobolka, hadalkan ayuu bodhasaabku ka sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Xisbiga UDUB ee gobolka Awdal Cabdulcasiis Xuseen Raage oo isna saxaafadda la hadlay ayaa ka waramay sidii foosha xumayd ee Xadhigiisu u dhacay “Waxaan saxaafada ugu yeedhay inaan rumeeyo xadhig shalay, la I xidhay oo gardaro ah, kaas oo aan u nisbayn karo masaa’iib guud oo maamul xumo ah dalka oo ku habsatay oo maamul xumo ah, taas oo qaybtaydi I heshay, waayo? Intaynu dalkan somaliland joognay maynaan arag xadhig noocan oo kale ah, waayo? Wax inagu cusub buu ahaa, waxaanan leeyahay anigoo u tudhaya dadkayga iyo dalkayga, shacbiga somaliland ma doonayo inaan wax walba idhaahdo, waayo? Sidii madaxweyne Rayaale hore u yidhi anagu hadaanu xisbiga UDUB nahay ma doonayno in gacantayadda iyo afkayaga ay Somaliland wax ku noqoto, ma doonayno in rajadda shacabka Somaliland gacantayadda ku domino ma doonayno.” Gudoomiyaha Xisbiga UDUB ee Gobolka Awdal

Gudoomiyaha oo ka hadlaya qaabkii loo xidhay waxa uu yidhi “Shalay, waxa dhacday anigoo meel suuqa ah socda, ayaa waxa isoo ag joogsaday gaadhiga Bodhosaabka, markii uu gaadhigii isoo ag joogsaday ayuu badhasaabkii ka soo degay, ka dibna wuu I salaamay, salaantii u I salaamay gacantaydi muu sii day nee wuxuu la hadlay laba askari oo la socday, labadii askari iyo isagii ayaa xoog igu saaray gaadhigii gudoomiyaha gobolka oo calankii qaranka sita, wax dhacay may ahayn oo aynu hore u aragnay, waqcad cusub oo layaab leh ayay ahayd, markii gaadhigii xooga la igu saaray, ayaa dad waayeel ah oo meesha ku joogay oo ku soo xoomay gaadhigii ayaan la hadlay oo aan ku idhi war bal u kaadiya oo iska kala taga.”

“Inkastoo ay wax badani dalka ka jiraan hadana waxaad moodaa in gobolka Awdal arin gaar ahii ka jirto oo si gaar ah loola dhaqmayo. Cadaadis gaar ahina ka jiro, waayo? Wuxuu ahaa gobolkani kii ugu kalsoonida badnaa xisbigayaga, waxaanad mooda in si gaar ah xisbigayaga loo cadaadinayo, hadii aan xaqiiqda sheego waxaa jira cadaadis gaar ah oo lanagu hayo oo gobolka ka jira.” Ayuu gudoomiyaha UDUB ee Gobolka Awdal ku soo af-meeray hadalkiisi.

badhasaabka-awdal Geesta kale Gudoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Daahir Cabdalle oo isna arinta xadhiga masuuliyiinta xisbiga UDUB ee gobolkaas ka hadlay ayaa waxa sidan u dhigay “Waxaan maanta ka hadlayaa Laba xubnood oo anigu xadhig odhan maayo ee Booliska looga yeedhay, oo wax laga waydiinayo arin ay qoreen, ka hore waxa uu ahaa Maxamed Axmed Ibraahin oo ahaa gudoomiyaha UDUB sida markii danbe la ii sheegay, hasa ahaatee sheegtay af-hayeenka beesha jibriil Yoonis, isagoo magac beeleed ku hadlaya ayuu sheegtay afhayeenka beesha Jibriil Yoonis, waxaanu sheegay inuu isagu abaabulay mudaharaadyadii hore iyo calamadii, imikana wuxuu sheegay inay soo wadaan mudaharaadyo aan loo taag heli doonin oo kuwii hore ka daran, iyo nabad galyo daro ka dhici doonta goboladda galbeed ee dalka, run ahaantii ninkaasi waxa ka muuqatay, inuu yahay afhayeen beeleed, laakiin qoraalkii danbe ee gudoomiyaha UDUB ee Gobolka Awdal ay qoreen, waxa lagu sheegay inuu ahaa gudoomiyihii degmadda Boorama.”

“Markaanu ogaanay inuu ninkaasi sheegtay magac aanu lahayn isla markaana aanu ogaanay in aanu suldaan ahayn xil madax dhaqameed beeleedna aanu haynin sheegtay ayaanu booliska looga yeedhay, ninka kale ee gudoomiyaha xisbiga UDUB ee Gobolka Awdal-na waxa uu ka hadlay oo uu ka daba maray hadalkii hore ee ninka gudoomiyaha degmada ahii ku hadlay, oo uu sheegay wax sharciyadii iyo nidaamkii aynu dhiganay ee inoo yaala ku lid ah, wuxuu ku hadlay in sharci daro lagu xidhay, khalad ay tahay, isagoo sheegay in faraha la iskula tagi doono, hadii sharciyadii aynu dhignay oo aynu dabaqno faraha la iskula tagayo, oo nabad galyadii la ilaalinayay ay ka dhalanayso in faraha la iskula tagayo, waxaanu u aragnay in uu ninkaasi si toos ah uga baxay saaxadii siyaasada dalka, mar haduu ka hor yimi nidaamkii iyo sharciyadii aynu dhiganayo oo uu baal maray sharcigii labadda gole ansixiyeen, ayaa loo yeedhay oo wax aanu ka su’aalnay, xalayna waala sii daayay.”

Ugu danbayntii Gudoomiyaha gobolka Awdal ayaa sheegay in aanay wax maxkamad ah hor gayn kana baaqsadeen inay cabudhiyaan ama xadhig ku sii hayaan, laakiin ay ku daba taagnaanayaan, “Mar hadii xaalado nabad galyada iyo amaanka wax u dhimaya ay abaabulkeeda iyo hadalkeeda ku jiraan, mudaharaadyo horana wax ka sameeyeen, imikana ku taamayaan inay nabad galyadu faraha ka bixi karto, inaanu cabudhino ama aanu maxkamad gayno waanu ka dabcinay, laakiin waa lala socdaa oo ciidamadda nabad galayadda ayaa arintooda faraha ku haya, daba galna ku haynaya.”

Harowo Desk-news: Hargeysa, Somaliland

Login