August 31, 2010

Wasiirka Maaliyadda oo Qiray In Khidmadda Adhiga Laga Qaado ay Kordhiyeen, Wasiir Ka Tirsan Xukuumada iyo Ganacsataddana Eedeeyay

“Dekedana waxa loo dhiibay wasiir cusub oo aragtidiisu meelo kale ay ku xidhan tahay oo aan inala mid ahayn ama waaqiciga ka fog.”   Maxamed Xaashi

Hargeysa (Harowo) - Wasiirka wasaarada maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ku tilmaamay wasiirka wasaaradda Kaluumaysiga iyo Dekaddaha Somaliland mid meel kale la haysta oo xaqiiqada dhabta ah ee Somaliland taal ka fog, sidoo kale wasiirka ayaa ganacsatadda dalka ku tilmaamay kuwo madaxweynaha haysta oo aan cid kale dhag jalaq u siinayan, waxay doonaana samaynaya dalkana halkaa uu maanta yaalo dhigay.

Wasiirka ayaa hadaladdan ka sheegay madal guddida joogtadda ah ee golaha wakiiladda Somaliland, oo hore ugu yeedhay uu maanta ku hor tagay. Wasiirka maaliyadda Maxamed Xaashi oo su’aal uu mudane ka tirsan gudida joogtadu ka waydiiyay Hay’addaha dawladda ee aan dakhligooda la ogayn, meesha ay ku baxaan iyo sida loo isticmaalo ayaa sheegay in meelo badan ay saxeen, hasa yeeshee caqabado uu wasiirka Kaluumaysiga iyo Dekaduhu ka mid yahay ka hor yimaadeen.

Sidoo kale waxa uu wasiirku qiray in ay kordhiyeen, lacagtii laga qaadi jiray adhiga hadaba kulankaasi sida uu u dhacay iyo jawabihii wasiirka ee su’aalihii xildhibaanadu waydiiyeen oo dhamaystirani waxa uu ahaa sidan:

Kulankan uu wasiirku ku hor yimi gudidda joogtadda golaha ayaa mid ka dhashay qoraal yeedhmo ah oo isla gudidu hore wasiirka ugu direen. Gudoomiyaha gudidda joogtadda ah ee golaha wakiiladda Professor. Maxamed Barkhad Miigane ayaa wasiirka uga mahad celiyay sida wanaagsan ee uu uga soo jawaabay yeedhmadii gudidooda uga timi.

Inta ka dib waxa hadalka la wareegay wasiirka maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, oo warbixin guddida ka siiyay hawlaha kala duwan ee wasaaradiisu qaranka u hayso iyo wixii u qabsoomay mudadii uu xilka wasaarada hayay, oo qodobaysan, sida dakhli ururinta, cashuurta

xoolaha, Total, Maxjarka Berbera, Dekadda Berbera, Dayntii xukuumadii hore ka tagtay iyo guud ahaan sida hawlaha wasaaradu xiligan u socdaan.

Wasiirka oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi, “Imika qorshaha aanu wadno waxa ka mid ah inaanu cashuurtii beriga kor u soo qaadno oo aanu xafiisyadii samayno, markaa waxaan filayaa inay cashuurteenu aad u badan doonto, Cali Sanyarena maqaal uu qoray ayaan arkayoo horta kolay anagu dayn ka tagi mayno, waxaanan qabaa wax la’aani inama hayso, Ethiopia kalluunka ayeynu u iibgayn lahayn, milixda ayeynu u iibgayn lahayn, waxyaabo kale oo inaga dhexeeyana

waynu ka qabsan lahayn, waayo xuduud ayeynu wada leenahay, markaa dhaqaalaheenu wuxuu ku xidhnaanayaa inta badan wadamada aynu jaarka nahay.”

Intaa ka dib waxa su’aalo wasiirka waydiiyay Xildhibaanadda guddida joogtada ah ee golaha wakiiladda. Wasiirka oo Su’aal uu xildhibaan ka mid ah guddidu waydiiyay oo ahayd “Hay’addaha dawladda ee aanu dakhligoodu ku jirin miisaaniyadda qaranka, isla markaana aan la aqoon

waxa u soo xerooday iyo meesha ay ku baxdo, waxa uga meel yaal wasaarad ahaan, inay wax ka badalayaan sidii hore iyo in ay wax ka badalayaan, hay’addahaas oo ay ka mid yihiin Maxjarka, Dekadda Berbera, Warshadda Laydhka, Mad-bacadda Qaran iyo Wakaaladda biyaha?

Ayaa kaga jawaabay, “Dakhliyadii aan qasnada dawlada gali jirin ee dekedu ka mid ahayd ee ay TOTAL ka mid ahayd ee Al-Jaabiri ka mid ahaa wixii dawlada u qornaa waxaan idhi mid walba halagu soo shubo dakhliga dawlada.

TOTAL todobaadkii hore waxa laga qaaday 131 kun oo doolar oo qasnada dawlada ku dhacday, Al-Jaabiri inta xoolaha la saaray adhiga waxa saaran doolar iyo badh, hadaad maqasheen cashuur bay kordhiyeen, warbaahinta ayaa waxaa iska qor qortaye, badhkaas uun baanu ku dirnay, lo’da iyo geelana min saddex doolar, waxa lagu shubi jiray Abu Dubai waxaan ku idhi halkan ayaad ku soo shubaysaan waxa qabta kastamka Berbera, markaa wixii aan dakhliga gali jirin dekada ayaanu isku hadhnay.”

Wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi ayaa dhaliilay, isla markaana ku tilmaamay mid xaqiiqada ka fog oo meel kale la haysta wasiirka wasaaradda Kaluumaysiga iyo Dekaddaha Somaliland, waxaana isagoo arintaa ka hadlaya uu yidhi “Dekedana wasiirka cusub aragtidiisu meelo kale ayey ku xidhan tahay oo ina lama mid aha ama waaqiciga ayuu ka yar fog yahay, waxaanse imika u kala saarnay wax dekedu leedahay oo adeegyo ah iyo wax dawlada dhexe leedahay, taas waxaan filayaa inaynu ka gudbayno oo ay noqon doonto cashuur go’an iyo dariiq la kala maro arrina way fiicnaan lahayd haddii la helayo meelaha qaarkood waxa jira in ninka wasiirka ahi jecel yahay in qofka lacagta qaadayaa inuu meeshiisa ahaado, barigii aan ganacsiga joogay waxaan idhi liisamada la bixinayo halagu soo bixiyo baanka oo qofku waraaqda oo keliya ha soo qaato oo gacantan badan ee ay soo marayso laga joojiyo si dadkana ay ugu dhib yaraato.

Laakiin wasiirada qaar baa iska jecel inay iyagu xisaabiye meesha ku lahaadaan, waa arrin u baahan in la xaliyo.”

Wasiirka Maaliyadda oo xildhibaan kale wax ka waydiiyay Qiima bararka Maceeshada daruuriga ah ku yimi iyo hoos u dhaca doolarka oo noloshii dadweynaha cidhiidhi galisay, wax iibsiigii shacbiguna adkaaday iyo waxa sababay, ayaa kaga jawaabay “Dhinaca maciishada kacday waa bilaa xad, waayo ninka ganacsadaha ahi wixii uu ku keenay ee loogu cashuuray wax ka badan ayuu dadkii saarayaa, waxaan la hadlay wasiirka diinta waxaan ku idhi dadka ku wargeli inay bisha ramadaan dadka ka dhimaan sixirkan qaaliga ah.

Laakiin tijaartu dawladnimadda ma ogola, mar haday madaxweynaha, haystaan cid kale waxba kama dhegaystaan oo kuwaasi waa nimanka dadka halkaa dhigay, ee hadba sicirkay doonaan wax ku iibinaya, taasi waa ta raashinka, xaga doolarka hoos u dhaca ku yimi waxa sababay dhawr arimood oo is barkan, kuwaas oo kala ah, baanka oo aanay oolin shilin Somali uu suuqa ku sii daayaa iyo adhigii oo furan oo lacag doolar ah lagu iibsanayo, oo sababtay in doolar badani suuqa soo galo iyo dadkii dibadda ka soo xagaa baxay oo iyaguna doolar sitay, laakiin waxay ahayd mar hadii doolarkii jabay in markii hore intii doolar ee uu siinayay uun ganacsatadu ku iibshaan raashinka, oo aanay doolarkii doolar kale ku sii darin, ilayn shaygu intii uu markii hore ku iibin jiray uun buu ku joogaaye. Laakiin waxa fursadaa siiyay ganacsatadda sharciyadii lagu xakamayn lahaa oo aan golaha wakiiladda ka soo bixin.”

Si kastaba ha ahaatee hadaladan is burinaya iyo jawaabahan aan waafiga ahayn ee Wasiirka maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Guddida joogtadda ah ee golaha wakiiladda siiyay maanta ayaa dhinacyo badani ku tilmaameen wax lala yaabo, in xukuumadu wax walba oo la waydiiyo ay ka bixiso jawaab u eg waxba kama qaban karno.

Tusaale ahaan halka uu Eng. Maxamed Xaashi ka leeyahay qiima bararka dadka soo xagaa baxay oo dollar badan sita iyo suuqa oo dollar ku xad dhaaf noqday ayaa keenay, muu sheegin wax talaabo ah oo ay xukuumad ahaan ka qaadayaan, marka laga reebo Wasiirka diinta ayaan dadka u muxaadaree ku idhi.

Sidoo kale waxa uu Maxamed Xaashi Muujiyay sida isaga iyo wasiiradda kale ee xukuumada ay ku wada jiraan aanu wax xidhiidh ahii uga dhaxayn in uu xidhiidh la sameeyana aanu ugu tala jirin isagoo xitaa hadalo ku ah sumcad xumo iyo eedo dusha uga tuuray, sida wasiiro badan ayaa jecel in xitaa xisaabiyayaal ay ka noqdaan wasaaradahooda.

Isku soo wada duuboo waxa laga dhadhansan karaa hadaladda Masuulkan iyo qaar kale oo badan oo xukuumadda ka mid ah, waayo aragnimo la’aan iyo arimo badan oo markii ay mucaaridka ahaayeen ay ku eedayn jireen xukuumadii madaxweyne Rayaale oo ku beenoobay markii ay xukunka qabteen.

Harowo Desk-news: Hargeysa, Somaliland

Login