August 31, 2010

Wararkii Hargeysa Star Newspaper Halkan Ka Akhriso

Talooyinka Md. Rayaale, Tuhunnada iyo Ballan-qaadyada Is-barkan ee Itoobiya, Tibaaxaha Jira iyo Dhawaaqa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo
 
Addis Ababa HargeisaStar) - Madaxweynihii hore ee Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB Md. Dahir Rayaale Kaahin, ayaa shalay magaalda Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya kulan kula yeeshay Madaxweynaha dawladda Ethiopia Md. Girma Woldegiorgis iyo Ra’iisal Wasaaraha  Md. Meles Zenawi, isla markaana, waxa la sheegay in Daahir Rayaale Madaxda Itoobiya talooyin badan oo kala duwan ka siiyo Xukuumadda talada kala wareegtay ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo.

Madaxweynihii hore ee Somaliland oo muddaba dalka Jaarka iyo kuwo dibadda ah isaga dab-qaadayey, ayaa shalay kulan foolka fool ah oo uu la yeeshay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo ay isku xog-waraysteen kaga wadahadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin habka wada shaqaynta dawladaha Itoobiya iyo Somaliland, sii xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya, qaabkii uu xilka u wareejiyey Daahir Rayaale, dabaceedaha Xukuumadda cusub ee Somaliland iyo qodobbo kale. Sidaana waxa lagu faahfaaliyey War-Saxaafadeed uu Xalay Warbaahinta soo gaadhsiiyey Guddoomiyaha Garabka Siyaasadda ee Xisbiga UDUB Cumar Jaamac Faarax. War-saxaafadeedkaasina waxa uu u qornaa sidan:

“Madaxweynihii hore ee Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga UDUB mudane Dahir Rayale Kahin ayaa manta magaalda Addis Ababa ee dalka Ethiopia kula kulmay Ra’iisal wasaaraha Dawladda Ethiopia Mudane Meles Zenawi iyo madaxweynaha Ethiopia mudane Girma Woldegiorgis. Madaxweynihii hore oo si weyn loogu soo dhoweeyey xafiiska Ra’iisal wasaaraha Dalka Ethiopia ayaa waxa Meles si weyn ugu mahad celieyey sidii wanaagsanayd ay u wada shaqyeeen waqtigii uu madaxweynaha ka ahaa Jamhuuriyadda Somaliland iyo sida ay u wada abuureen xidhiidh sokeeye oo dhex mara labada dal.

Waxa labada dal u suurta gashay inay sameeyaan xidhiidh nabad gelyo, mid ganacsi iyo mid siyaasadeedba kaas oo gaadhay inay Ethiopia Qunsuliyad ka furato dalka Somaliland, isticmaashona Dekeda Berbera iyadoo gacan weyn ka geysatay sidii loo samayn lahaa Berbera Corridor oo ah wado isku xidha Ethiopia iyo Somaliland oo dhowaan la hir gelin doono.Waxay kale oo ay mahad uga celiyeen madaxweynhii Hore hir gelinta Demoqraadiyada Somaliland iyo sidii qiimaha lahayd ee uu xilka ugu wareejiyey dawladda cusub, taas oo ahayd mid dalka ka badbaadisay xasilooni daro baahda. 

Waxay ku tilmaameen doorashadii Somaliland mid ku dayasho mudan, oo Afrika ay Somaliland ku soo kordhisay. Madaxweynihii hore waxu uga mahad celieyey xidhiidhkii iyo iskaashiga wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal oo ah saaxiibtinimo dhow oo sokeeye ah, waxuna u rajeeyey inay xidhiidhkaa halkiisa kala sii wadaan dawladda cusub, Ethiopiana noqoto wado Somaliland u marto xidhiidhka caalamka. Ra’iisal Wasaare Meles Zenawi waxu uu ballan-qaaday inay xidhiidhka halkiisii ka sii wadayaan, wada shaqayna la yeelanayaan Dawladda Cusub ee uu Hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalialnd Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo).

Waxa kulnkaa kula wehelieyey saraakiil sare oo ka tirsan Xisbiga:

1. Abdillahi Mohamed Ducaale (Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibada), 2.      Axmed Mohamed Ciise ( Xoghayihii hore ee madaxweynaha).” Si kastaba ha ahaatee, Dawladda Itoobiya ayaa la sheegay inay Tuhunno badan ka qabto xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda dhawaan talada la wareegtay ee Somaliland, tibaaxahaas oo dadweynaha reer Somaliland hadal-hayntoodu ku badnayd labadii toddobaad ee u dambeeyey, isla markaana qaar ka mid ah Warbaahintu baahiyeen inay arrintaasi gaadhay heer ay si weyn isugu khilaafeen Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wakiilkii Itoobiya u fadhiyey Caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Hase ahaatee, Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee Somaliland Md. Maxamed Yoonis Cawaale, ayaa TV-ga Universal dorraad u sheegay in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya inuu xumaaday xidhiidhka u dhexeeya labadaas waddan iyo Tuhummo ay Itoobiya ka qabto Xukuumadda cusub ee Somaliland toona.
Mar, arrinta Tuhunnada la sheegay inay Itoobiya qabto wax laga waydiiyeyna, waxa uu sheegay Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibaddu Maxamed Yoonis waxa uu ku jawaabay, arrinta tuhunka dhalin kartana ku eedeyey Xukuumaddii hore ee uu hoggaaminayey Md. Daahir Rayale Kaahin iyo Masuuliyiinta Xisbiga UDUB oo uu sheegay inay isticmaaleen xilligii uu socday tartankii ololaha doorashada madaxtooyada Somaliland hadallo ay ku eedeyn jireen  Saarakiil ka tirsan hoggaanka Xisbiga Kulmiye ee hadda talada haya, inay ka tirsan yihiin Ururro xag-jir ah. Waxaanu xusay in laga yaabo inay hadalladaasi dalalka qaarkood keydsadeen ama u qaateen warar rasmi ah, balse ay ahaayeen weedho siyaasadeed oo aan ku habboonayn inay ka soo baxaan Madax ka tirsan Xukuumaddii hore iyo Xisbigeeda UDUD.
Kulan Madaxda Qaranku Ku Lafa-gureen Dib-u-dhigista Doorashada Baarlamanka iyo Deegaanka Oo Muddo-kordhin Lays-kula Soo Qaaday
 
Hargeysa- 31 August 2010(HargeisaStar):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Madaxweyne Ku-xigeenka, Guddoomiye ku-xigeennada 1-aad iyo 2-aad ee Golaha Guurtida, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada, Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka oo harkacayey xubno ka tirsan Guddigaas, Madaxweyne ku-xigeenkii hore, ahna Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga UDUB, Guddoomiyayaasha Xisbiyada UCID iyo Kulmiye iyo Ku-xigeennadooda, ayaa shalay kulan afar-geesood ah oo lagaga wada tashanayey dib-u-dhacyada doorashooyinka, mudda-kordhin Golayaasha wakhtigu ka dhammaanayo loo sameeyo iyo sidoo kale xilliga ay suuragal tahay in la qabto doorashooyinka Golayaasha Guurtida, Wakiillada iyo Deegaanka ku yeeshay Qasriga Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa.

Kulankan Masuuliyiinta sarsare ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland isugu yimaaddeen shalay, ayaan wax go’aammo ah laga soo saarin, hase ahaatee, layskula qaatay inaanay wakhtigan suuragal ahayn in doorasho la qabto duruufo dhaqaale iyo siyaasadeed oo ku gedaaman awgood. Sidaana waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed uu xalay soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse).

War-Saxaafadeedkaas oo faahfaahsanina waxa uu u dhignaa sidan:- “Kulan balaadhan oo  maanta ka dhacay Guriga Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ay ka soo qaybgaleen  Madaxweynaha JSL, madaxweyne ku xigeenka, Shir-guddonada labada gole (Guurtida iyo Wakiilada), hoggaamada saddexda Xisbi  Qaran  iyo Komishanka Dorashoyinku, ayaa si guud layskula waafaqay in aanay sababo badan awgood aanay suurtagal ahayn qabashada doorashada goleyaasha Guurtida iyo Wakiilada oo ay muddo aad u yari ka hadhay, iyada oo la ogyahay in ay tii deegaanaduna muddo dhaaf tahay. Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd sidii uu qaranku talo uga yeelan lahaa doorashooyinka goleyaasha ee kaabiga inagu soo haya, ayey madaxdu ku lafo gureen duruufta dhaqaale iyo ta siyaasadeed ee dalka, gebagebadiina waxa la isku raacay in ay madaxda sadexda Xisbi iyo Komishanka doorashooyinku ka soo talo bixiyaan wakhtiyada ku habboon iyo duruufaha kale ee ku gedaaman doorashooyinka , sida shuruucda   ay badhkood qabyo yihiin.

Xubnaha ka qayb galay kulankan waxay kala ahaayeen sidan:- 1. Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud ( Silaanyo), 2.  M/wayne ku-xigeenka JSL Mudane: C/raxmaan C/laahi Ismaaciil ( Saylici), 3.  Gudoomiye kuxigeenka Kowaad ee Golaha Guurtida  Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, 4.  G/ xigeenka Labaad ee Golaha Guurtida Mudane: siciid Jaamac Cali, 5.  G/ ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax, 6.  Gudoomiyaha Komoshanka Doorashooyinka  Qaranka Eng. Ciise Yuusuf Maxamed, 7.  Af-hayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka maxamed axmed Xirsi Geele, 8.  iyo laba Xubnood oo kale oo komishanka Qaranka ah oo kala ah - Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil, - Faarax Abiib Aadan, 9.  Gudoomiyaha Xisbiga UCID  Faysal Cali Waraabe, 10.  G/ xigeenka Xisbiga UCID Aadan maxamed Mire Waqaf, 11.  Af-hayeenka Xisbiga UCID Xasan Xuseen, 12.  Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, 13.  G/ ku Xigeen Xisbiga Kulmiye C/raxmaan Cabdi Qaadir, 14.  G/ ku xigeenka xisbiga Kulmiye   C/raxmaan Talyanle, 15.  Xog-hayaha Guud ee Xisbiga kulmiye Kayse Xasan Cige, 16.  Madaxwayne ku-xigeenkii Hore JSL Axmed Yuusuf yaasiin (UDUB), 17.  Wasiirkii Hore Maaliyada  Cawil Cali Xuseen Xisbiga  ( UDUB ), 18.  Gudoomiha Siyaasada ee Xisbiga UDUB Cumar Jaamac.” Si kastaba ha ahaatee, waxa la filayaa in kulammo kan oo kale ah ay dhinacyadaasi isugu soo noqdaan, isla markaana, la cayimo wakhti-ga loo arko in la qaban karo doorashada saddexdaas Gole, intaa ka dibna la is-waafajiyo Muddo-kordhin laga midaysan yahay loogu dhawaaqo Golayaasha Wakiillada, Guurtida iyo Deegaanka Somaliland.
 
Ururka Nafaqo Oo Dhawraya Sharci Faraya In Qofka Hilib Aan Kawaanka Lagu Qalin Iibiya Argagixiso Loo Aqoonsado

“Cidda Suuqa Hargeysa Soo Galisa Hilib Aan Kawaanka Lagu Soo Qalin Argagixisaa Loo Aqoonsanayaa…” Ururka Hiliblayaasha Hargeysa ee Nafqo.

Hargeysa- 31 August  2010(HargeisaStar):-  Ururka Hiliblayaasha Hargeysa ee Nafaqo, ayaa  aqoon iswaydaarsi hal maalin ah socday, isla markaana ku saabsan ilaalinta nadaafadda iyo caafimaadka Hilibka Xoolaha Xubno ka mid ah dadka Hilibka ka ganacsada iyo shaqaalaha Kawaanka Gawraca Xoolaha Axaddii toddobaadkan uga furay Huteel Emperial ee magaalada Hargaysa.
 
Aqoon iswaydaarsigan oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Ururka Hiliblayaasha ee NAFAQO iyo Shirkada maamusha Kawaanka Gawraca Xoolaha ee Maandeeq, kaas oo lagu baranaayey sidii loo ilaalin lahaa Caafimaadka Hilibka Xoolaha, si aanay u dhicin in Dadka laga iibiyo Hilib aan Caafimaadkiisa la hubin, munaasibaddii xidhitaanka tababbarkaa, waxa ka soo qaybgalay Wasiirrada Xannaanada Xoolaha, Diinta iyo Awqaafta, Masuuliyiin ka kala socday Nafaqo iyo Maandeeq iyo Marti-sharaf kale. Isla markaana, waxa ka soo qayb galayaashii aqoon iswaydaarsigan xogo dheeraad ah laga siiyey Sharci dhawaan la filayo in Golaha Wakiilladu ansixiyo, kaasoo wax badan u iftiiminaya dadka Hilibka ka ganacsada iyo kuwa qala labada-ba.

Qodobbada sharcigaas oo tababbarkaa lagu lafa-guray, ayaa waxay qaarkood dhigayaan in qof ka tirsan Ururka Nafaqo mooyee qof kale la ogolaan doonin inuu  Sariibadaha Hilibka magaalada Hargaysa keena dambiile ka dhigaya, inaanay jiri Karin cid Hilib aan lagu qallin Kawaanka Maandeeq aanu magaalada Hilib ku iibin Karin,  kaas oo qofka lagu qabto Hilib aan sidan aqoonsigii shirkadda maamusha Kawaanka Gawraca Xoolaha ee magaalada Hargeysa, isla markaana qofka lagu qabto isagoo Hilib aan Kawaanka lagu soo qalin Suuqa keena loo aqoonsan doono inuu yahay Argagixiso dadka sumaynaaya, kaas oo ay ciqaabtiisu noqonayso xadhig iyo waxyaabo kale xeerarka sharcigaasi qeexi doonaan.

Dhinaca kale, Maamulka Ururka Hiliblayaasha ee Nafaqo, ayaa sheegey in aanu jirin wax khilaaf ah oo Ururkooda ka dhexeeya, isla markaana, dadka ay sheegeen inay sheegteen magaca Ururka Nafaqo oo ay xuseen inay dhawaan shir qabsadeen, ayey sharciyaddiisa iyo jiritaankiisaba meesha ka saareen, iyaga oo xubnaha Sare ee Ururka Nafaqo ku doodeen inay kooxdaasi yihiin kuwo doonaya inay ururka inqilaabaanna.

Waxaana halkaa goob-joog ahaan Guddidii fullinta iyo Saddexdii Guddoomiye ee Ururkaas u kala dambeeyey muddadii uu jiray. Guddoomiyaha Ururka NAFAQO Siciid Indha-yare, ayaa isaguna beeniyey inay jiraan laba Urur oo wada sheegta magaca NAFAQO, “Ma jiraan laba Urur oo magaca Nafaqo wadaaga oo Somaliland ka jira, laakiin waxa jira koox yar oo aannu hore u xidhxidhnay, kuwaas oo suuqa Hargeysa ee Hilibka keeney Hilib aan lagu qalin Kawaanka Xoolaha lagu soo qalo ee Caasimadda Hargeysa leedahay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka Nafo Mr. Siciid Indha-yare.

Guddoomiyaha Ururka NAFAQO Siciid Indha-yare, waxa uu Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland u soo jeediyey inuu ka fiirsado cabashooyinka loo geeyo ee ku saabsan Ururka Nafaqo, waxaanu yidhi; “Waxa uu ku deg-degay Wasiir ku- xigeenka arrimaha guduhi in uu waraaq u qoro Urur aanu ogayn in dadka ula yimi ay yihiin cid ururka ka mid ah iyo in kale, waxaanay ahayd inuu hubsado Wasiirku intaanu waraaqda ogolaanshahooda u qorin, Markaa, Wasiir waxaan kaa codsanayaa inaad arrimaha noocaas ah ka fiirsatid oo aanad wax kasta oo laguula yimaaddo waraaq u qorin.” Waxaana xubnihi tababbarku u xidhmay qalab kala duwan iyo kabo ay ku hawlgalaan oo Ururku ugu talagalay guddoonsiiyey Wasiirka Xannaanada xoolaha iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo munaasibaddii xidhitaanka ka qaybgalay.
 
Qaylo-dhaan Mar kale Lagaga Dayriyey Dadka Roobabka Duufaannada Wataa Ku Da’een Ee Awdal iyo Salal
 
Boorama - 31 August 2010:(HargeisaStar):- Ururka Waddaniga ah ee AYODA oo ka mid ah Ururrada Samafalka ee Gobollada Awdal iyo Salal, ayaa markii ugu horreysay ka jawaabay baaq qaylo-dhaan ah oo uu dhawaan Badhasaabka Gobolka Awdal ku dalbado in loo gurmado dadka labadaasi Gobol oo ay dhibaatooyin kala duwan soo gaadhsiiyeen Roobab Duufaanno watay oo ku da’ay deegaanno dhawr ah, isla markaana, ka dib markii ay shalay gaadhsiiyeen deeq Bacaha Roobka laga galo ah ama guryaha lagu dhisto.

Wariyaha Hargeisastar ee Gobollada Galbeedka Somaliland Mr. Aare, ayaa Saleban Xasan Xaddi iyo Idiris Faarax Muuse, oo ka mid ah Masuuliyiinta Ururka AYODA, ka waraystay nooca deeqda ay gaadhsiiyeen deegaannada Roobabka dabalaylaha watay khasaaraha gaadhsiiyeen iyo baaxadda khasaaraha meelahaas ka jira. Waxaanay sheegeen inay deegaannadaas roobabku waxyeellada gaadhsiiyeen oo ah Cabdul-qaadir, Xariirad, Jidhi, Lughaya, Gargaara, Garaaca ee Gobollada Awdal iyo Salal, ay ku sugnaayeen maalmihii ugu dambeeyey, halkaasoo ay sheegeen inay u tageen inay gaadhsiiyaan Bacaha Roobka laga galo oo ay ugu gurmadeen dadka guryuhu ka dumeen oo ay u soo qaybiyeen.

Iyaga oo labada Masuul intaa ku daray inay gaadhsiinta deeqdaa ka sokow, socdaalkoodu la xidhidhay qiimayn iyo u kuurgal ay ku samaynayeen heerka khasaaraha ka dhashay roobabka duufaannada watay ee deegaannadaas ka da’ay.

Masuuliyiinta Ururka AYODA Saleban Xasan Xaddi iyo Idiris Faarax Muuse, waxay sheegeen sida uu ku soo warramayo Wariyahayaga Boorama, in  dhibaatooyinka iyo khasaaraha ka dhasay Roobabkaas Duufaanada watay ee ka da’ay deegaamada kala ah Abdul-qadir, Xariirad,Jidhi oo ka tirasan Gobolka salel iyo deeganada ka tirsan degmada lughaya sida Gargaara,Garaaca, oo ka tirsan Gobolka Awdal, ay aad u ballaadhan yihiin, khasaarahaasoo isugu jira Dad guryo ku dumeen oo dhintay, kuwo dhaawacmay, qaar daad qaaday ama ceelal la go’een, guryo fara badan oo Dabayluhu la tageen oo u badan Aqal-Soomaaliyo, Daaro roobku fadhiisiyey oo Iskuullo ka mid yihiin iyo Xoolo u badan Adhi iyo Lo’ oo daadadku qaadeen. Iyaga oo intaa ku ladhay inaanay illaa iyo hadda cid iyaga ka horreysay oo dadka deegaannadaas u gurmatay.

waxay tilmaameen in baaxadda dhibaatada meelahaas ka jirtaa aad u badan tahay, isla markaana dadka deegaannadaasi aanay haysan waxay cunaan, waxay huwadaan iyo hooy ama guryo ay galaan toona. Sidaa daraadeed, waxay guud ahaanba Ururrada Bulshada, Dawladda Somaliland, Hay’adaha Samafalka iyo kuwa Caalamiga ahiba si degdeg ah ugu gurmadaan dadka ku dhaqan deegaannadaas kala duwan ee Roobabku Khasaaraha faraha badan gaadhsiiyeen.

Login