August 31, 2010

Masaajidka Al-Huda ee Ku Yaala Hargeysa oo Lagaga Dhawaaqay In La Taageero Al-Shabaab

Hargeysa (Haatuf) – Masaajidka Magaciisa la yidhaahdo Al-Huda ee ku yaala mid ka xaafadaha magaalada Hargeysa ayaa habeen hore lagaga dhawaaqay in la taageero ururka Al-shabaab ee dagaalka qadhaadh kula jira dawladda uu Madaxweynaha ka yahay Sheekh Shariif ee Somalia iyo Ciidamada AMISOM ee Afrikaanka ah.

Sida ay dad Masaajidka ku tukanayey Salaaddii Taraawiixdu Ay Haatuf u sheegeen,  markii la tukaday 4 Ragcadood ayaa waxa dhacday inuu Masaajidka ka dhex kacay nin ka mid ah dadkii halkaasi ku tukanayey, ninkaas oo dadka u sheegay inay waajib ku tahay inay taageeraan Jihaadka uu ku jiro ururka Al-shabaab, iyadoo uu xiligaas ay Masaajidka ku sugnaayeen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil C/laahi Axmed iyo Sheekh Maxamed Cali Geedi oo ah ninka Masaajidka dhisay.

Hasa yeeshee labadaa Sheekh iyo culimo kaleba ay xiligaas Masaajidka ku sugnaa, hadana wax jawaab ah kamay bixin dhawaaqii ninkaasi ku baaqay in la taageero Ururka Al-shabaab.

Login