August 31, 2010

Maareeyihii Hore ee Warshadda Laydhka oo Bahdilaad Iyo Qayrul-Sharci Ku Tilmaamay Sida Masuuliyiinta Cusub Loo Magacaabay

 “Walaalkay Xasanna (Maareeyaha cusub) waxaan u arkaa imika in la yidhi  ha kula joogo oo la iigu soo kordhiyey Shaqaalaha, hase ahaatee, qayr-kay baan la qabaa oo sidaa qayrul sharciga ah xilka loogala wareegay…” Eng Xuseen Cilmi Warsame.

Hargeysa  (HargeisaStar) - Maareeyihii hore ee Warshadda Korontada Hargeysa, Eng Xuseen Cilmi Warsame, oo hadal ka jeediyey Munaasibad uu shalay xilka kagala wareegay Maareeyaha cusub ee Warshaddaas dhawaan Madaxweynuhu u magacaabay, ayaa sheegay in qaabka Masuuliyiinta Xukuumaddii Hore ay xilka uga tirsanayaan kuwa cusubi inay tahay qaab aan meelna dunida hore uga dhicin, isla markaana baal-marsan sharciga xil la kala wareegidda dawladaha, isaga oo ku dooday inaanu jirin Masuul cusub oo warqad qoraal ah oo Madaxweynuhu u soo qoray xilka ku tiriyey ama ku tirsaday.

Munaasibadda Maareeyaha cusub ee Warshadda Laydhka dawladda ee magaalada Hargeysa oo lagu qabtay shalay xarunta Warshadda, taasoo ay ka qaybgaleen Agaasimeyaasha qaybaha kala duwan ee Warshadda, Shaqaalaha, Masuuliyiinta xilka la kala wareegey iyo marti sharaf kale.

Waxa ugu horayn halkaas ka hadlay Mareeyihii hore ee Warshadda Laydhka Hargaysa Eng Xuseen Cilmi Warsame oo ka warbixiyey marxaladihii ay soo martay Warshada laydhku, qaabka ay u shaqayso, Mishiinada xilligan u shaqeeya, kuwa fadhiya ee aan shaqayn hadda, xaddiga shidaalka ay Mishiinadu isticmaalaan, tirada shaqaalaha Warshada laydhka, Dayn Xukuumada kaga maqan iyo mid uu sheegay in Warshada laydhka Hargaysa lagu leeyahay.

“Xil wareejintan aynu maanta (Shalay) isugu nimid way ka duwan tahay qaabka dawladnimo ee laba masuul xil ula kala wareegaan, sababtoo ah ilaa imika ma jirto waraaq I soo gaadhay oo lagu farayo in aan xilka wareejiyo, waxaanan ahay masuul xil qaran hayey dalkana xaq ku leh oo berito xil kale loo dhiibi karo, mana haboona in si bahdilaad ah xilka loogala wareego masuul qaran.

Ta labaad Xasan ma sito warqad sharci oo faraysa inuu xilkan la wareego, labadayaduba maalin ayuun baynu ka maqalnay Warbaahinta, laakiin mid kaayana hannaan dawladeed oo loo maray xilka qaadistiisa iyo magacaabistiisa ma jirto,” ayuu yidhi Maareeyihii hore ee Warshadda Korontada Hargeysa Xuseen Cilmi, waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata intaa ku daray oo uu yidhi;  “Walaalkay Xasanna (Maareeyaha cusub) waxaan u arkaa imika in la yidhi  ha kula joogo oo la ii soo kordhiyey Shaqaalaha, hase ahaatee, qayr-kay baan la qabaa oo sidaa qayrul sharciga ah xilka loogala wareegay ama looga qaaday. Laakiin, waxaan Xukuumadda soo jeedinayaa inay beddasho nidaamkaa baalmarsan xidhiidhka hannaanka dawladnimo ee ay wax ku magacaabayso.”

Eng Xuseen Cilmi Warsame, oo ka warramay qaabka ay Warshaddu u shaqayso, waxa uu sheegay inay Xarumaha Wasaaradaha magaaladaha Hargeysa oo dhan laydhka u shiddo Warshaddu, hase ahaatee, wax lacag ah oo ay sannadkan ka hayaan jirin. Isaga oo xusay inay daal badan iyo rafaad ka mutaan ururinta biilasha Laydhka. ”Wax lacag ah oo aanu sannadkan ka haynaana ma jirto, daal iyo hawl ayaa naga gaadha doonista lacagta,  masuul kastaana (Wasiirrada) waxa uu ku odhanayaa waa laydhkii dawladda ee naga sug, mana bakhtiin kartid laydhka Wasaaradihii iyo Goobihii Ciidamada.

Markaa Mareeye waxaan kuu sheegayaa Xoolo dawladeed waa timir xabaal taal oo lama kala xigo.”Sidaa ayuu yidhi Maareeyihii hore ee Warshadda Laydhku. Eng. Xuseen Cilmi, waxa u sheegay in saddex Mishiin Warshaddu leedahay shaqeeya laba duug ah iyo mid cusub.Mareeyihii hore ee Warshada laydhka Eng Xuseen Cilmi Warsame waxa uu wareejiyey Dayn aanu xadigeeda sheegin.

Meerayaha cusub ee Warshada laydhka Hargaysa Xasan Cismaan (Sabce), ayaa munaasibadaa gebagabadii xafladdaa hadal kooban ka jeediyey, isla markaana u mahadceliyey Mareeyihii hore, isagoo Shaqaalaha Warshadda laydhkana ka codsaday sida uu xilka ugu wareejiyey Mareeyihii hore si la mid ah oo aan hagrasho lahayn ula shaqeeyaan, waxaanu dhiniciisa ballan-qaaday inuu si fiican ula shaqayn doono shaqaalaha kala duwan ee Warshadda, rejaynayana inay halka ay Warshaddu maanta taagan tahay hore uga sii dhaqaajiyo. Ka hor xil wareejinta labada Mareeye ee is-beddalay iyo Agaasimeyaasha waxay goob goob u soo wada mareen qaybaha kala duwan ee ay Warshadu ka kooban tahay iyo qalabka yaalla.

Login