August 31, 2010
Haatufka Maanta: Ma waxa lagu jiri doonaa doorashadii wakhtigeedii kuma qabsoomayse’eh muddada ha la kordhiyo?
Ma waxa lagu jiri doonaa doorashadii wakhtigeedii kuma qabsoomayse’eh muddada ha la kordhiyo? Ma sidaas baa qaranimo lagu sheeganayaa in saddex nin inta ay afka isa saarsaaraan dabeeto ay ku taliyaan doorashadii dib ha loo dhigo aan dadka sii haysanee.
Su’aasha ah xiliga la qabanyo doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo labada Aqal Baarlamaan waa arin ka weyn in saddex siyaasi iyo todoba xubnood oo Komishanka ahi ay kaligood ka soo taliyaan, nimankan xuquuqdii muwaadiniinta u tashaday, malaha maba oga in xaga dadweynaha ay muddo kordhintii noqotay Badeecatul Caajis aanay cidna ka iibin karayn.
