August 31, 2010

Gudoomiyaha Xisbiga UDUB ee G/Awdal oo La Xidhay Isagana…!!!

Awdalpress (Borama) – Gudoomiyaha Xisbiga UDUB C/casiis Xuseen Raage ayaa maanta lagu xidhay saldhiga dhexe ee magaalada Boorama, C/casiis oo aan wax ka weydiinay xadigiisa isaga oo ku xidhan saldhiga Boorama ayaa xadhigiisa ku tilmaamay mid aan hore u dhicin, isaga oo ka waramayana wuxuu yidhi C/casiis: 

“Suuqa badhtankiisa aniga oo jooga ayuu i salaamay Badhasaabku, waxanan is weydaarsanay hadalo ku saabsan hadalkii aan ka idhi xadhigii masuulkii UDUB ee degmada ee uu xidhay, ka dibna ilaaladisii la socotay ayuu amray oo gaadhigiisii ayuu igu geeyay saldhiga, wax qoraal maxkamadeed ah la iima keenin, OB kuma qorni Booliis la iima soo dirin, nidaamka noocan ahi maaha mid hore aanu aragnay ilaa dawladihii hore ee Soomaalida, masuuliyada dawladnimada wax baal marsan weeyi oo aan sharci ahayn arimahan oo kale, in la yidhaa Anaad ii xidhan tahay waa wax nagu cusub, wixii aan sheegaynay ayaa halkaas ka cadaatay ayuu yidhi gudoomiye Raage.

Wuxuu intaas raaciyay Gudoomiyuhu “Waxaan u sheegaynaa Hay’addaha xuuqal Insaanka kuwa Caalamiga ah iyo dhamaanba dadka u ololeeya xuquuqda Aadamaha in ay xukuumada Siilaanyo ka bilawday G/Awdal in ay ugaadhsato dadkii Shacabka ahaa iyo Masuuliyiintii xisbiyada Qaranka ee xadhigu ka mamnuuca ahaa” ayuu yidhi C/casiis Xuseen Raage

Sidoo kalana waxaa shalay la sii daayay gudoomiyihii xisbiga UDUB ee degmada Borama Maxamed Axmed (Ilkacase) ka dib markii uu xidhnaa hal habeen.

Dhanka kale mar aan la xidhiidhnay Badhasaabka G/Awdal Maxamed Daahir ayay noo suuroobiweyday in aan helo, balse BBCda ayuu u sheegay in loo xidhay Aflagaado uu geystay.

Sidoo kale xadhiga masuulka ugu sareeya xisbiga UDUB ee G/Awdal ayaa waxa ka hadlay Masuulyiinta heer Qaran ee xisbiga UDUB iyaga oo ka dalbaday xukuumada Siilaanyo in degdeg u soo dayso masuulka xidhan.

Si kastaba ha ahaatee waxa ku soo badanaya G/Awdal xadhiga loo geysanayo dad lagu eedaynayo arimo ku leh xoriyatul qawlka iyo Arimo kale, sidoo kale waxaa maalintii 7aad xidhan Cabdoo Shoodhe iyo Axmed Xuseen (Sitiin) oo loo haysto in ay ka mid yihiin baarlamaanka TFG kuwaas oo aan wax maxkamad ah la horgeyn, taas baal marsan sida uu dhigayo sharciga dalka u yaal oo sheegaya in 48 saacadood gudahood lagu horkeeno maxkam qofka dabi loo haysto.

Arimahan ayaa waxay saamayn ku yeesheen bulshada qaybaheeda kala duwan, gaar ahaan duqayda madaxda dhaqanka ee G/Awdal, kuwaas oo si weyn ugu dadaalaya in arimuhu sulux ku dhamaadaan.

Qaar ka mid ah salaadiinta oo aan kula kulanay Saldhiga Boorama ayaa u sheegay saxaafada in ay wadaan is afgarad iyo waanwaan, salaadiintaas oo diiday in magacooda la sheego.

Awdalpress

Login