August 31, 2010

Faalo: Samirku Ha ii Dambeeyee, Maxaa Lagu Saluugay Siilaanyo….?

Taniyo dharaartii madaxwayne Siilaanyo loo caleema saaray talada dalka, ayaa waxaa maalinba maalinta dambaysa isa soo tarayay saluug iyo qawadaad siyaabo kala duwan qaybaha bulshadu uga muujinayeen xukuumada madaxwane Silaanyo. Taasi oo filanwaa ku noqotay dadbadan, maxaa yeelay madaxwayne Siilaanyo, oo kalsoonidii iyo codkii ugu badnaa abid ka helay umada reer somalilanad, ayaa waxaa kaliyee la eegayay ahayd in sidii ay bulshadu taageerada laxaadka leh u siisay ay u taabici doonto taladiisana.

Waxa is qabanwayday sidii xamaasada lahayd ee loo taageeray wakhtigii doorashada iyo qawadaadan degdega ah, waxaana la iswaydiinayaa madaxwaynihii si la ogyahay loo taageeray maxaa sababay durba in saluugo? Ma shacabkaa salfudud? Xaalku waa sideee?

Hadaba, si aan u iftiimiyo jawaabaha suaalahan anigoon waxba dadayn, waxna qalindaraalaynayn ball aan ilayska ku daaaro dareenadan saluuga dhaliyay ee ku gedaaman xukuumada madaxwayne Siilaanyo. Dareenadan saluuga ah ayaa seetada goostay subaxdii madaxwayne Siilaanyo shaaciyay xubnaha golahiisa wasiirada.

Isla markiibana waxaa soo ifbaxay qawadaada qaar ka mida beelaha wadanka, kuwaasoo aan qarsan dareenkooda ee ku muujiyay sidaynu warqabno isu soo baxyo iyo mudaharaado ka dhacay magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama.

Hadaba, sidii la moodayay markii hore saluugu kuma koobnaan beelaha sedka ka maqan tirsanaya,balse waxuu dhex saaqay oo si wayn saameeyay qaybo badan oo kamida bulshada reer Somaliland sida siyaaysiyiinta, waxgaradka ,culimaaudiinka iyo ganacsatada.guud ahaan dalka Somaliland.

Waxaana miisaanka dareenkani yeeshay laga milicsan karaa hadaad booqato goobaha ijtimaaciga ah iyo majaaliista dadwaynuhu isugu yimaadaan, waxaad arkaysaa doodo dami waayay iyo muran xoogan oo arintani dhalisay.

Kolka xaraaradu cirka isku shareerto buuqa iyo sawaxanka ay aloostayna isla oogsado ayaa waxaa qaabilsan ama ah keebka hakinta hadalka iyo haasaawaha kelmada ah ” Waar Yaynaan Degdegin”.

Ereygan ayuu si joogto ah uula soo boodaa nin aan isagu qoondaysan ama u jeedin inuu cid qanciyo balse doorkiisu u muuqdo inuu yahay dabdamis. Waxaana hadalada dadwaynuhu dareenkooda ku cabirayeen kamid “waar sawtan intaan isbedelkii dalka la gaadhinba odaygii isbedelay” iyo “waar anugu dawladaanu dooranay waataa cidlada lagaga tagayee kulmiye ku hadhay”.

Intaa kadib, hadaynu hoos u gondo dagno inkastoo markaad eegto taytalada ku ladhan magacyada xubnaha golaha wasiirada ah ee madaxwayne Siilaanyo soo magacaabay ay ka Dr. iyo Prof.  badanyihiin xukuumadii hore ee Riyaale, hadana marnaba bulshadu uma aragto inay tahay xukuumadii tayada lahayd ee madaxwayne siilaanyo laga sugayay iyo wax u dhawtoona. Waayo waxa ilaa hada mugdi ku jira asbaabaha rasmiga ah ee madaxwayne Siilaanyo ku soo xushay xubnaha golaha wasiirada ee u badan wajiyada cusub iyo qurbo jooga, ay weheliyaan xubnaha xisbigii qaran.

Ta koobaad xisbi ahaan kumuu xulan oo xisbigii kulmiye ee talada dalka guulaystay faramadhan ayuu ka joogaa oo midna lagagama soo darin siyaasiyiintii xisbiga kulmiye lagu yaqaanay amaba caanka ku ahayd.

Talabaad madaxwayne Siilaanyo xulashada xubnaha muu waafajin xeerarkii aan qornayn ee u dhignaa bulshada, oo iskumuu sarjarin saamiqaybsigii beelaha.

Waa xukuumad tayo lehna lama odhan karoo wasiiradu aqoonba lahaadaane inta badan waxaa loo igmaday xilal ayna xirfad u lahayn siday qaar kamidiiba ka hor qireen golaha wakiilada dharaartii la ansixinayay.

Sidaasayna horta ku ahayn xukuumad tayo leh oo u dhaw tii madaxwayne Siilaanyo laga filayay, hasayeeshee iyadoo sidaa xaalku ah ayaa waxaa xansaska ku daaray dareenkii jiray daahana ka rogay inaan meesha aqoon isku xulanayn.

Ka dib markuu madax weyne Siilaanyo digreeto ku soo saaray xilka ugubka ah ee “Chief of Cabinet”,  una magacaabay xubin aan sababta lagu xushay cid moogani aanay jirin oo xataa ay ogsoonyihiin inta maqasha raacdiyo makastuba.

Xilkan iyo xubintan uu u magacaabay ayaa qawadaadii ka dhigay midaan soohdin lahayn oo siwayn ay ugu saluugeen shacabka siyaasiintii kulmiye iyo xataa qaar kamida xubnaha golaha wasiirada ee uu magacaabay madaxwayne Siilaanyo.

Hadii saluugii degdegii filan waa ahaa talaabooyinkii siilaanyana waxay noqdeen kuwo aan loo fadhiyin, bal adba. Sidaynu ka warqabno farqooyinka iyo dariiqooyinka diintu waxay ahaayeen dhuxul danbas huwan oo ay aad uga digtoonaan jireen madaxwaynayaashii hore ee Somaliland.

Waxaase ayaandaro ah in madaxwayne Siilaanyo ku degdegay iskuna soo faruuray badwayn aanu ka dabaalan karayn. Ka dib markuu wasaaradii diinta iyo awqaafta ka wareejiyay xertii qunyarsocodka ahayd una dhiibay koox ama farqo bulsho badani qaloonayso,taasi oo ah ta saluuga ku dhalisay wadaado iyo waranlayaal
farabadan.

Dhanka kale ganacsatada ayaa iyaguna waxay muujinayaan saluug waliba walaac u dheeryahay oo ay ku abuurtay arimo ay arkeen. Xilkaa “chief of cabinetka” iyo xubintuu u magacaabay Siilaanyo, oo sababaha ugu wayn ee saldhiga u ah dareenkan isaga ah, marka lagu daro arimahaa dhawrka ah ee aynu soo xusnay oo isbiirsaday ayaa keenay inay sii tisqaadaan dareenkan iyo qawadaada laga muujinayo xukuumada madaxwayne Siilaanyo.

Hadaynu intaa kaga gudubno golaha wasiiradee siilaanyo soo dhisay waxuu xiinku laba kacleeyay markuu madaxwayne Siilaanyo magacaabay badhasaabadii gobolada,ee uu soo xulay xubno aan ilaa cahdigii cigaal cidina waxba u diran jirin.waxa lagu cugtayna ilaa hada cilaankeeda la saari laayay. Balse waxay tani cadaysay uun inaan odaygu cilmi iyo aqoon wax caleemo saarayn ee ay jiraan asbaabo xadfan oo uu wax ku xulanayo.

Hadana waxay ka daroo dibi dhal noqotay markay soo mudhbaxday iska daa tayo’e inayna xataa ka tiro yarayn xukuumada Siilaanyo ee ay beenowday wasaaradihii lagu sheegayay inay ka kooban yihiin dawladii hore Riyaale. Isbedelkii Siilaanyona waxuu ku soo biyo shubtay in wasaaradihii yaqaanay uu ku badelay hayado madaxbanaan oo inta badan aan dastuurkaba waafaqsanayn,iyo la taliyayaal maqaarsaar ah.

Dhanka kale beesha caalamka iyo qaar kamida dawladaha xidhiidhka dublumaasiyadeed la leh wadankeena Somaliland ayaa dareenkaa saluuga ah la wadaagay dadwaynaha, oo sidaynu ka warqabno dawlada itoobiya oo ahayd saaxiibka ugu dada wayn ee aynu leenahay ayaa iyaduna walaac iyo qawadaad ka muujisay xukuumada madaxwayne Siilaanyo soo dhisay.

Markaad eegto Madaxwayne Siilaanyo talaabooyinka uu ilaa hada qaaday ayaa lagu tilmaamayaa inuu maray toobiye ka duwan tusmadii horee xisbiga kulmiye, taladiisuna waxayba u eegtahay midaan laga dheehanayn aqoontii iyo waayo aragnimadii lagu tuhmayay iyo waxii laga sugayay toona.

Waxyaabaha qayo yaabka iyo qaadan waaga shacabka ku noqday ee ilaa hada qaar dhabanada la haystaan waxaa ka mida siyaasigii ruugcadaadiga ahaa ee mujaahid Siilaanyo waligeed waxbuu yeedhin mooyee isagaa loo yeedhin marnaba la isma lahayn!

Nasiibdaro waxaa soo gadaalbaxay waxaan laga filayn oo ah, in daaha dabadiisa dad jiraan kala hagaya talada madaxwayne Siilaanyo. Ta kale ee iyana ka sii daran waxay tahay markay daalacday doorka daladaha haweenka iyo xaawalaydu ku leeyihiin goaamada talada Siilaanyo xataa xulashada xubnaha golaha xukuumada, arintaasi oo kamid ahayd waxyaabihii Riyaale lagu dhaliili jiray, oo aan marnaba la is lahayn Siilaanyaa lagu xaman doonaa.

Si kastaba ha ahaatee markaynu eegno ififaalaha muuqda iyo ishay leedahay maanta. Xaalku waa allow sahal. Saadaashii wacnayd ee Siilaanyo waxay u eegtahay mid soo gudhay, rajadiisuna waa rajo sudhan sidaha xuubka caarada. Haday sidan ku sii socotana waxay tilmaamayaan khuburada odorosta saadaasha siyaasadu xukuumadan Siilaayo uma baahan doonto mucaarid tukhaantukhiya ee iyadaa is tabcaynaysa sidii tii C/Raxmaan Tuur.

Gebogebadana waxaaban ka baqayaa mar haduu xaalkii sidan yahay xusuusqorka xaaji axmed Siilaanyo isugu dhurto oo uu noqdo sheekadii ahayd: “goolkaasi dhalanwaa beenow , gebowbaa da mehersaday”. Ball aan dhawrno waayaha!

By Cabdi Kariim Muxumed Cadde

Hargeysa, Somaliland

Login