August 31, 2010

Faalo: Badhasaabka Awdal Ma Aar-goosi Buu u Xidhay Madaxda Xisbiga UDUB Ee Gobolka

Borama (Harowo) - Masuulkii labaad ee ugu sareeyay madaxda Xisbiga UDUB ee Goboladda Awdal iyo Selel ayaa maalintii shalay ciidamadda booliska ee Magaaladda Boorama xabsiga u taxaabeen, ka dib markii amar uu xadhigooda ku bixiyay maamulka gobolka Awdal. Md. C/Casiis Xuseen Raage, oo ah Gudoomiyaha Xisbiga UDUB ee Goboladda Awdal Iyo Selel waxa gurigiisa ka soo taxaabay ciidamadda booliska oo fulinayay amar ka soo baxay Gudoomiyaha gobolka Awdal uu dhawaan Axmed Siilaanyo u magacaabay, Mr. Maxamed Daahir Cabdalle, waxaanu xadhigiisu dhawr cisho oo qudha ka danbeeyay xadhiga gudoomiyihii xisbiga UDUB ee Degmadda Boorama.

Masuuliyiinta xisbiga UDUB ee gobolka Awdal ee xadhigoodu is xigay ayaanay xukuumada Axmed Siilaanyo wax war ah oo ku saabsan ka soo saarin, hasa yeeshee sida dad badan oo arintaa la socday u fahmeen, waxa kaliya ee eed looga dhigayo masuuliyiintan ayaa ah, in ay aragtidooda ku waajahan maamulka iyo sida ay wax u wado xukuumadu ay ka hadleen, taas oo sharci ahaan ay xaq u leeyihiin inay fikirkooda dhiibtaan isla markaana naqdiyaan wixii khalad ah.

Inkastoo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo gudoomiyaha uu gobolka Awdal dhawaan u soo magacaabay iyo waliba wasiirka arimaha gudaha intuba ay sheegeen in la tirtiray gudidii nabad galyadda, qof la iska xidhayaana aanay jirin, ee qof walba helayo cadaaladd loo siman yahay, qof wax uu yidhi ama fikirkiisa loo qabsanayaana aanu jiri doonin, hasa yeeshee waxa la mooda in dhamaan arimahaasi waxba kama jiraan noqdeen.

Maamulka Gobolka Awdal ee isagu bixiyay amarka soo qabashada masuuliyiintan iyo wasaaradda arimaha gudaha ayaan midna ka hadal sababta loo xidhay masuuliyiintan, mana jiraan wax maxkamad ah oo dacwad ku soo oogtay, waxaanay u muuqataa sida dad badan oo arimaha siyaasada odorosaa ku tilmaameen aargoosi uu badhasaabka gobolka Awdal Maxamed Daahir Cabdalle, masuuliyiintaas fikirka ay ku kala duwan yihiin uu kaga aar goosanayo.

Harowo Desk-news: Hargeysa Somaliland

Login