August 31, 2010

Faalo: Afduubka Dimoqraadiyadda Somaliland

Waxa maalmahan soo ifbaxaya warar sheegaya in saddexdii xisbi qaran ee UDUB, UCID iyo KULMIYE ay qorshaynayaan inay keligood go’aamiyaan in ay mar 4-aad saddexooda cidina la tartamin, doorashadana ay xidhaan doorashaddii ina soo dhaaftay ee madaxnimada waxay saddexda xisbi ku heshiiyeen in dib loo dhigo doorashadii degaanka si aanay suuragalba u noqon in dib markaa loo furo ururada siyaasadeed.  

Dadweynuhu way arkayeen in heshiis saddexdooda oo keliya ka dhexeeya, una suuragelinaya inay keli ku noqdaan doorashadu ay khalad tahay laakiin haddana waxa loogu dulqaatay iyada oo ay muhiim ahayd in doorashada madaxtooyada oo dhawr goor dib u dhacday bal horta ina dhaafto.

Waxa doorashadii ku guulaystay xisbiga KULMIYE iyo Mudane Axmed Maxamud Silanyo.

Madaxweynaha la doortay waxa ka mid ahaa balanqaadkiisii inuu furi doono ururada si loo helo DIMUQRAADIYAD dhab ah.  Khaas ahaan balantaa wuxuu si gaar ah ugu balanqaaday ururkii Qaran ee Maxamed Xaashi, Dr. Gaboose, Jamaal Caydiid ee loo xidhay rabitaankooda inay abuurtaan urur siyaasadeed.  Maantana waxa ka mid ah xukuumadda uu dhisay saddexdaa masuul. Haddii ay saddexdaa masuul maanta oo manaasiib heleen ay ka noqdaan mabd’a oodii hore waxay DHAB ahaan u noqonaysaa munaafaqnimo siyaasadeed oo ah kolba aniga sida ii roon uun baan raacayaa, mabd’ba ma lihi.

Waxa markaa sii layaab leh in maanta haddana dib looga hadlo furitaanka ururadu raggii u soo halgamay isla arrintaasina oo maanta xukuumaddii ka mid ahina ay ka aamusnaadaan.

Salka dimuqraadiyada waxa ugu muhiimsan in dadweynuhu xor u ahaadaan ciday dooranayaan oo wakhti mucayima ay dhacdo doorashaasi iyada oo muwaadiniintu ay fursad u helaan inay isa soo sharaxaan.

Waxaase muuqata in durba ay goosteen inay saddexdoodina dib u soo noqdaan iskana hortaagaan dhammaan bulshada inteeda kale.  Labada xisbi ee UDUB iyo UCID waxay iyagu gaar ahaanba u saxeexdeen heshiis cadhbuinta siyaasadeed ku qotoma.

Waxa layaab leh in talada sida loo qabanayo doorashooyinka iyo cidda ka qayb galaysaba oo ARRIN QARAN ah ay saddexda xisbi ay gaar ahaan ugu taliyaan tii iyaga u badinaysay,  Qorshaas uun habayaraatee caqli gal ahayn ahna waxa loo yaqaan CONFLICT OF INTEREST ama ka talin arrin adiga ku khusaysa oo aanad marna dhex ka noqon karin.

AFDUUBKA DIMUQRAADIYADU u horseedi mayso dalkeena horumar siyaasadeed, Abuuri mayso dariiqii lagu heli lahaa isbedel dhab ah. Waxay abuuraysaa naafo siyaasadeed.  DALKA ayaa ku curyaamaya. WAANA waxaan loo dulqaadan karin.

Waxaanu sidaa darteed ku talinaynaa in golayaasha qaran ee sharci dejintu inay arrintaa si deg deg ah oo dhexgalaan ka dhexsaaraan asxaabta ay khuseeyso ee raba in xuurtaystaan siyaasadda dalka qorsha degdegsan ee ay wataan.

Source: Waaheen.com

Login