August 30, 2010

Waagii Beryaba Waayo Leh: Ninka Dalkiisa Lagu Gumeystee, Sidii Loo Gumysan Jirayna Jecel Innu Wax U Gumaystoow, Aniga Dalkayga Igu Gumaysan Maysid.

“Magacaygaanad dalkaba ku joogtaan, haddaad badhsaabka la shaqayn weydana dalka isaga guur oo meel baastaad nagaga timid ku nooqo.” 

Sidii maamulkii Rayaale meesha uga baxayba, waxay Awdal ka degi laadahay dad si dadban maamulka uga qaybgalay, una badan dad Itoobiya ka soo jeeda. Waxa dadkaasi ay ku kaceen intii xilku gacanta ugu jiray waxan taariikhda reer Awdal an hore u soo marin, gumaysigii Ingriiskana ku dhahoo.

Waxay ku kaceen dil, dhac, dhulboob, qabyaalad iyo xadhig an dadka loo kala Aabo yeelin, xataa annagii magacayaga ay hadhsanayeen dalkana ay ku joogeen. Arrintaas oo keentay in samaroonku sii kala fogaadaan, annagiina ay naga horkeeneen ummaddii an dalka sida nabadda ah an ku wada deganeyn.

Intaas uun arrintu kuma ekee, waxay noo soo jiideen magacxumo iyo karaahi, kadib markii magaca an ka soo wada jeedno si khaldan danahooga gaarka ah ay ugu adeegteen. Waxa kaloo ay bilaabeen inay annagii magacayaga dalkaba ay ku joogeen inay maamulka naga fogeeyaan, sidii shisheeya ahna ay noola dhaqmaan.

Waxay doonayaan inay dalkoogana iyagu ka tashadaan, kaayagana ay noogu taliyaan, anay nagu gumaystaan.

Sidaa darted waxan u sheegayaa dadka nuucaasi ah ee waxmagaratada nagu noqday, in colaad iyo dagaal walaal wax badan an iska baanbaaninnay annaga iyo  dhammaan reer Awdalba.

Maantase, samirkii iyo dulqaadkiiba way naga dhamaadeen intaan ogahay, markaa haddii badhasaabka cusub ad la shaqayn waydaan, hanjabaadda, cayda iyo cagajugleyntana ad ka deyn weydaan, wallaahi inan dalka la wada degganaanayn. Waxanan idinku celin doonnaa  meel baastii ad ka timaadeen ee biyaha iyo baadkaba ad isku dili jirteen, nabadbay eeddee. Weliba, annagaa idiinka soo horreyn doonna samaroonka intiisa kale haad iyo waraabe ha idin cunee.

Waxa kaloo an u sheegayaa nimanka kala ah: Axmad sheikh Faarax iyo Maxamuud Cabdillaahi, Jibriil jilib ka simani, wallaahi in aanay dib danbe u shaqayn doonin. waayo, Waan ogahay inad ka mid tihiin raggii ka danbeeyey mudaaharaadkii Borama ka dhacay dhawaan, carruurtana soo dirayey, qaadhaankana dadka ka soo gurayey.

Waxa kaloo an ogahay Axmad Sheikh Faaraxow inad ahayd ninkii lahaa: “dawladdii hore een difaacaynay xaar iyo kaadi bay ahayd”  markii tii hore laga talo baxayna, weli halkii baad ka sii waddaan ceydii iyo aflagaadadii tan cusub ad ku bilawdeen.

waxanan idiin sheegayaa waa inad si degdeg ah u joojisaan hawlaha ad faraha kula jirtaan ee colaadda iyo xumaanta ka hex abuuraya tolka.

Badheedha Bakipress

Login