August 30, 2010

Itoobiya oo Diiday Aqoosiga Wakiilka Cusub ee uu Axmed siilaanyo u Magacaabay Dalka Itoobiya iyo Booqashadii Axmed Siilaanyo Arbacada Ku Iman Lahaa caasimada Itoobiya ee Adis ababa oo La Kansalay!!

Harowo (Addis Ababa) - Tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxweynaha cusub Axmed siilaanyo, waxa maalinba maalinka ka dambeeya mugdi sii galaya xidhiidhka somaliland iyo Itoobiya kadib markii xukuumada Itoobiya ay walaac ka muujisay Xayn ka mid mid ah golaha wasiirada xukuumada siilaanyo iyo xubno kale oo xafiisyo ku leh madaxtooyada.

Khilaafkani wuxu si cad usoo shaacbaxay todobaadkii hore markii uu siilaanyo xafiiskiisa uga yeedhay safiirkii Itoobiya u joogay Hargeysa, kadibna uu ku yidhi “Maxaad xukuumadayda warbixinta khaldan uga bixisay oo aad u tidhi waa argagixiso.”

Arintani waxay ka cadheysiisay safiirkii Itoobiya, kadibna waxa labada masuulba ka taag taagmay hadalka, waana arinta sababtay inuu safiirku kasoo baxo hargaysa.
 
Waxa xalay idaacada dalka Itoobiya qaybta afka Axmaariga ka baxay hadal ay dawlada Itoobiya ku diidantahay wakiilaka cusub ee Axmed siilaanyo u magacaabay dalkaasi, kaas oo ay u sheegeen in xukuumada cusubi ay hoos u dhigtay maqaamka dawlada itoobiya, kadib markii uu madaxweynaha cusubi usoo magacaabay wiilyar oo aan lahayn khibrad shaqo iyo mid dumlamaasiyadeed toona.
 
Warar hoose oo aan ka helnay ilo muhiim ah oo u dhuun daloola wasaarada arimaha dibada ee dalka Itoobiya ayaa noo xaqiijay in booqashadii Axmed siilaanyo oo ku beegnayd Maalinta arbacada 01-09-2010 gabi ahaanba la joojiyey.
 
Shaki kuma jiro in xidhiidhka itoobiya iyo somaliland uu marayo meeshii ugu hoosaysay tan iyo markii lagu dhawaaqay gooni isku taaga Somaliland 1991-kii. Waxa kale oo wararku intaa ku darayaan in aanu xidhiidhka xumaaday ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland wax iska bedelaan tan iyo inta uu Axmed siilaanyo xukuumadiisa ka sifaynayo shakhsiyaadka  dawlada Itoobiya u calaamadsan.

Maxamed Cabdilaahi Axmed
 
Wariye madaxbanaan oo ku sugan Adisa ababa.

Login