August 30, 2010
Hinaasuhu Ka Xeel Dheer Sida Loo Fahmay - By Iid Musse Muhumed
Sooyaalka taariikhda siyaasadeed ee Madaxweyne Siilaanyo (Personal Profile), waa mid ka samaysan guulo iyo guul-darooyin gudboon oo is garab yalla, taasoo sababteeda lagu kala baydhsan yahay iney la xidhiidho sir rabbani ah oo qayb ka ah hoodada iyo hibada Alle qofba in ka siiyey iyo iney tahay mid ka timid xirfadiisa siyaasadeed oo dhismaheedu wanaagsan yahay, laakiin aan dhamaystir lahayn.
Waxay ay markii ugu horeysay burhaantiisa hogaamiyenimo u daahirtay si lama filaan ah isagoo afartan iyo dheeraad sano jir ah markii uu majaraha u qabtay jabhadii SNM xilli badhtanka lagaga jiray halgankii wadanka lagu xoreeyey, waxaanu suntaday guulihii wakhtigaa ay gaadheen iyo inuu noqday gudoomiyihii ugu mudada dheeraa ee? ururkii SNM.
Haysayeeshee, ma xaslan oo waxa hogaankiisii markiiba oof-wareen ku noqday hab-dhaqankiisa siyaasadeed oo saldhig ay u ahayd kala qayb qaybin iyo qabyaalad galaaftay sumcadiisii iyo tii SNM-ba, aakhirkiina noqotay hiirtaanyadii ay ka naaxi weyday kana gudbi weyday xukuumadii u horaysay Somaliland ee Alle ha u naxariistee Marxuun C/raxmaan Tuur.
Markii uu Alle ha u naxariistee Marxuun cigaal talada wadanka qabtay May, 1993 gudoomiyihii ugu mudada dheeraa SNM Ahmed siilaanyo wuxuu ka mid noqday golihii wakiilada ee habka beelaha ku fadhiyey, waxaanu golahaasi la soo dhex fadhiistay mucaarada xoogan oo dhinac dhaqaalaha ah oo kala hor yimid madaxweyne Cigaal, haysayeeshee cahdigii labaad ee cigaal dib loogu soo doortay Feb. 97 wuxuu madaxweyne Siilaanyo ka mid noqday golihii wasiirada ee Cigaal isagoo dhawr wasaaradood soo maray, aakhirkiina wuu iska casilay xilka isagoo sheegay inuu sababo caafimaad shaqada uga fadhiistay, in mudo ahna wuxuu ka muquurtay saaxada siyaasada taasoo dadka qaar u arkeen in Cigaal shiiqiyey.
Madaxweyne Ahmed Siilaanyo oo hada ah 74 jir waxa uu markii u dambaysay nasiiibkiisu ku siman inuu madaxweyne ka noqday Somaliland, guushii uu madaxweyne? Ahmed Siilaanyo ka qaatay doorashadii 26 June ka dhacday Somaliland oo uu kaga libaystay Daahir Riyaale iyo Faysal Cali-waraabe waxay ahayd mid uu tacab badani ku baxay tamar iyo talo-na ku darsaday, waxay ahayd guul qayrul-caadi ah, marka laga tago balan qaadyo dadku u riyaaqeen, waxa la biday? waayo-aragnimo, ruugcadaanimo, duni-aqoonimo, waxaana la filayay inuu noqdo nin ku ku cad goosta kana dhabeeya balanqaadyadiisii, kuna sifooba cadaalada iyo hormarka inbadan dadka reer Somaliland ay u ooman yihiin.
Nasiib daro siyaasada madaxweyne Siilaanyo waxay durba u muuqataa iney u dhuratay hida-raac in badan lagu xaman jiray, hormadii u horeysay ee dhismaha xukuumadiisaba wuxuu madaxweyne Siilaanyo markiiba isku xeeray oo xilal ku taxay xubno ehelkiisa ah, sawirkii milgaha aqalka madaxtooyada ayaa humaag nooc kale ah yeeshay, waxa markiiba dheeliyey miisaankii saami qaybsiga beelaha Somaliland dareen diidmo badan ka muuqato ayaa meelaha qaar ka soo if baxay, gobolada qaarna waaba laga mudaaharaaday, waxa taasi xigtay iyadoo madaxweyne siilaanyo iyo xibigiisa Kulmiye ee kala xidhiidhka furani wax badan ka sixin arrintaasi, ayuu hadana Ahmed Siilaanyo soo saaray liiska hormadii labaad ee dhamaystirka dawladiisa oo u badan xubno beeshiisa ah oo waliba lagu suntay boosas awood badan leh, taasi waxay ku tusaysaa sida madaxweyne Ahmed Siilaanyo yahay nin aan beeshiisa sandulayn Karin
Dadka badankiisu gaar ahaan madaxyo-weynta xisbiga kulmiye waxay fahmi kari la’yihiin qaaciidada loo raacay dhismaha xukuumada noocani ah iyo cida run ahaan bud-dhiga u ah cugista ama xulashada xubnaha la magacaabay, waayo waxabab sida la sheegay kamay ogayn taasina waxay markhaati u tahay in madaxweyne Ahmed siilaanyo ka xan-qarsaday xisbiga kulmiye gabi ahaanba.
Waxa xaqiiqo ah in ku maxafsiga qabiilku cidda lagu sunto ugu filan yahay oo kaliya naaneys, hadana manta waa tallo la odhan karo mabdi’iyan waxay ka soo fooftay reer la naaneysayo, inkastoo beesha madaxweynuhu tahay beel mudan qadarin iyo sharaf, hadana waa danaysi siyaasi ah oo aanay dadku ku dooran hogaaminta Ahmed siilaanyo waxaaney arrintu ku arooraysaa caadada siyaasadeed ee la sheegay in laga dhaxley hogaaminta Ahmed siilaanyo
Waxaynu ka dharagsanahay siyaasada fadhiidka ah ee qaybi oo xukun in ay eedeen hogaamiyayaashii iyo shicibka Africa labaduba oo ay tahay mowdka laaya, hasayeeshee su’aasha taariikhdu liqi laadahay waxay tahay.. waa maxay sababta ay hogaamiyayaasha Africa uga garaadsan waayeen iyagoo og iney wadkooda tahay
Jawaabtu waa dood furan! Balse miyaanay jawaabaha ka mid noqoneyn, hadii aynu nidhaahno wey ka qabasho barteen
Hadaba, marka laga hadlayo xafiltanka iyo haasaawaha siyaasada Somaliland waxa maamulka xukuumada Madaxweyne siilaanyo dad badani ku naqdiyayaan naaneys reer taasoo si toos ah iyo si dadbanba loo sheegay.
Isu soo mingurinta arrimahaasi waxay muujineysaa in hinaasuhu ka xeel dheer yahay sida loo fahmay, waxa la muuqata inuu iskii isu soo afjaray tuhunkii kasta oo jirey iyo xantii waxayna u eg tahay in xukuumadu ku badhi furtay taageeradii badneyd ee la siiyey.
Somaliland oo iyadoo intan ka itaal yar ka soo gudubtay marxalado adadag ayay hadana manta halis ugu jirtaa kala qayb qaybin iyo tafaraaruq bulsheed ku soo fool leh
Si kastaba wax ha u jireene, si aynu u noqon mujtamac ka badbaadi kara cudurkii dawlado badan iyo dadkii ay xukumaysay galaaftay waa in aynu noqon ummad iska moosi karta asbaabta iyo duruufaha ina geysiin karta aafo aynaan ka soo waaqsan Karin.
Iid Musse Muhumed
Hargeisa, Somaliland
(iidrasto) Phone: +25224489958
Email: iidrasto@hotmail.com
