August 30, 2010

Haatufka Maanta: Dawladda Cusub ee Siilaanyo oo Bilawday Xadhiga Masuuliyiinta Xisbiga UDUB.

Dawladda Cusub ee Siilaanyo oo bilawday xadhiga masuuliyiinta xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB, tolow xisbigan Kulmiye miyuu iloobay wakhtiyadii uu mucaaridka ahaa ee siyaasadiisa ay ka mid ahayd inay xaaraan tahay in muwaadiniinta lagula dhaqmo xadhiga sharcidarada ah.

Sawtan xukuumaddu durba bilawday awood ku cabudhinta muwaadiniinta iyo siyaasiyiinta mucaaridka, xukuumadda ka soo jeeda xisbiga Kulmiye waxa ay ummaddu uga fadhidaa inay ka run sheegaan balanqaadyadii isbedel siyaasi ah oo ka duwan, kana wanaagsan maamulkii Rayaale inay ku dhaqi doonaan dalka, balse wali waxbadan baa madmadow ku jiraa.

Login