August 29, 2010
Wasiirka Maaliyadda oo Account uu Ka furtay Dahab-shiil Ganacsatadda Ku Amray in Qayb ka mid ah Cashuurta Xoolaha Laga Qaado ay Ku shubaan.
Hargeysa (Harowo) - Wasiirka wasaaradda Maaliyadda uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo u magacaabay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ganacsatadda amar ku siiyay in cashuurta xoolaha nool ee dalka laga dhoofinayo laga qaado oo lacag adag ah, ay laba account- oo dahab-shiil ka furan ku shubaan, sidoo kale waxa uu wasiirku cashuur kordhin ku sameeyay qiimihii cashuureed ee neefka adhiga ah laga qaadi jiray, oo 20% oo xukuumadii hore ka dhintay ganacsatadda uu dib ugu kordhiyay.
Sida warkan oo uu maalintii shalay daabacay wargeyska Hargeysa Star tilmaamay wasiirku sunduuq xisaabeedka furan ee uu shirkadda Dahab-shiil ka furtay ayaa ah mid ganacsatadu ku shubayaan qaybo ka mid ah lacagta dollarka ah ee xoolaha ay dhoofinayaan xukuumadu ka qaado.
Wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi oo markii uu mucaaridka ahaa ku doodi jiray in lacagta cashuurta dollar ka ah ee ganacsatadda dawladu ka qaado, aanay ku dhicin khasnadda dawladda isla markaana ay tahay mid sharci daro ah oo culays ku haysa ganacsatadda, ayaa si wayn looga yaabay markii uu amray in account labaad oo kale ay badh ku shubaan.
Sida jariiradu qortay, cashuurta xoolaha dhoofa laga qaadi jiray oo kala ahayd Geela iyo Lo’da ama neefka Ishinka ah 23-dollar iyo neefka Adhiga ah oo 6-dollar laga qaadi jiray, waxay ku dhici jireen markii hore sanduuq xisaabeed ka furan Dahab-shiil oo ahaa Account no: 553, kaas oo gabi ahaanba cashuurta xooluhu si toos ah ugu dhici jirtay.
Hasa yeeshee waxa uu wasiirka maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi amar ku bixiyay in ganacsatadu 3-dollar oo cashuurta neefka Ishinka ah, sida geela iyo lo’da ku shubaan, account cusub oo uu isagu sameeyay kaas oo ah, account no:993 halka 20-ka soo hadhay ay ku shubayaan account-kii hore ee dawladu lahayd, sidoo kale cashuurta laga qaadi jiray, neefka adhiga ah oo 6-dollar ahayd ayaa lagu kordhiyay nus dollar, waxaana lagu kala shubayaa 6-da dollar oo account-ka dawladda lagu shubayo iyo nus dollarka oo account-ka cusub ay ganacsatadu ku shubayaan.
Amarkan wasiirka ayaa ganacsatadda ku noqday laf dhuun mari wayday, oo si wayn uga yaabiyay. Waxaanay xubno ka mid ah ganacsatadaasi u sheegeen wargeyska Hargeysa Star in go’aankaasi ku amrayo, cashuur kordhin dawladii Madaxweyne Rayaale hore uga dhintay oo 20% ahayd sidoo kale ay wax laga shakiyo tahay sanduuqa cusub ee dahab-shiil ka furan ee lagu shubayo qadar ka mid ah cashuurta, kaas oo ku cusub.
Si kastaba ha ahaatee waxa shacbiga iyo wax-garadka ka yaabiyay sababta uu Maxamed Xaashi u kordhinayo cashuur uu hore ugu sheegi jiray xaaraan, isla markaana uu account cusub uu badh ka mid ah in lagu shubo u amrayo. Sidoo kale marka la qiyaaso xadiga neef walba laga goynayo ee account-ka cusub lagu shubayo ayaa marka si wayn loogu daadego u eg lacag in la lunsado ama dano gaar ah lagu fuliyo looga dan leeyahay.
Ma jiraan wax ku qasbaya xukuumadda iyadoo leh bangiyo in lacag ay ku shubto account shirkad gaar loo leeyahay ka furan, sidoo kale hadiiba la gartay in lacagta cashuurta la dhigo account ka furan dahab-shiil maxaa badhba account loogu shubayaa ee meel kaliya loogu wada bixin waayay, sacabka haddaan xeeladi ku jirin maxaa habeenkii loo tumaa.”
Geesta kale waxa jira talaabooyin badan oo masuuliyiinta xukuumadda cusub ay markii hore canbaarayn jireen, xiligii ay mucaaridka ahaayeen, hasa yeeshee markii ay kuraasta ku fadhiisteen halkoodi ka sii socda, halka qaarkoodna wax lagu daray. Qaar ka mid ah ganacsatadda oo arintan aanu wax ka waydiinay ayaa ku tilmaamay wax lala yaabo, halka qaar kalana ku gaabsadeen “Salaamullaahi Calal Xijaaj”
Harowo Desk-news: Hargeysa Somaliland
