August 29, 2010
Wararkii Wargeyska Hargeisa Star
Xukuumadda Siilaanyo oo Markii Ugu Horreysay Kordhiyey Cashuurta Xoolaha ee Maxjarka Berbera Iyo Ganacsato ka Shiray
Berbera- 29 August 2010 (HargeisaStar.com)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa markii ugu horreysay intii uu xilka ka qabtay shalay kordhiyey lacagta cashuurta ah ee Adhiga dhoofaya lagaga qaadi jiray Maxjarka magaalada Berbera ee ganacsadaha Carbeed maal-galiyey, isla markaana, waxa uu kala qaybiyey guud ahaanba cashuuraha laga qaado Xoolaha kala duwan ee Maxjarkaa sii mara oo uu amar ku bixiyey in lagu kala shubo Accoun-no kala duwan.
Ganacsatada kala duwan ee reer Somaliland oo xoolaha ay dhoofiyaan lagu sii xareeyo Maxjarka xoolaha ee Berbera, si loo hubiyo caafimaadkooda, ayaa mar qudha shalay la kowsaday is beddal cusub oo aan hore uga jirin, ka dib markii qaar ka mid ah Ganacsatadaas oo Xoolo loogu baadhayey Maxjarka lagu war-geliyey in la kordhiyey Cashuurta Neefka Adhiga ah oo markii hore laga qaadi jiray lacag dhan 7 Doollar, ayuu Wasiirka Maaliyaddu ka dhigay 7.5 Doollar. Qaar ka mid ah Ganacsatada xoolaha dhoofsata oo ku sugan magaalada Berbera, ayaa Wargeyska HargeisaStar khudka Taleefanka jiritaanka arrimahan wax kaga waydiiyey, ayaa xaqiijiyey inay ku waabbariisteen shalay tallaabooyin iyo amarro cusub oo uu Wasiirka Maaliyadda Somaliland Maxamed Xaashi soo saaray.
Waxaanay wararku intaa ku dareen in Geela iyo Lo’-da oo Neefkiiba lagu cashuuri jiray lacag dhan 23 Doollar oo hal Account hore ugu wada dhici jirtay oo ahaa Account No. 553 oo Dahabshiil ah, ayaa Wasiir Maxamed Xaashi kala saaray, isla markaana waxa uu u qaybiyey laba Account oo la sheegay inuu amray in Account-kii hore ee Account No. 553 oo lacagtaasi ku dhici jirtay lagu shubo 20 Doollar, halka ka labaad oo ah mid cusubna oo ah Account No. 993 Dahabshiil uu amray Wasiirku in lagu shubo 3-da Doollar ee labaatanka ka soo hadhay. Sidoo kale Wasiirka Maaliyaddu Md. Maxamed Xaashi Cilmi, waxa uu amray in Cashuurta Neefka Adhiga ah Maxjarka lagaga qaado 7 Doollar lagu shubo Account-kaa hore ee cashuurta Maxjarku ku dhici jirtay, 1.5 Doollar iyo badhka uu kordhiyeyna lagu shubo Account-ka cusub ee 993.
Si kastaba ha ahaatee, tallaabooyinka Wasiirka Maaliyadda Somaliland qaaday ee kordhinta iyo kala qaybinta cashuuraha, ayaa Ganacsatada xoola dhoofisaa si weyn uga biya-deedeen, isla markaana, kulan aan warkiisa la haynin ayaa la shegay inay Ganacsato fara badani xalay ku qabsadeen magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, isla markaana, waxa la sheegay inay kulankaa kaga soo horjeedeen is beddalka cusub ee uu Maxjarka Berbera ee uu maal-galiyey Ganacsadaha dalka Sucuudiga u dhashay ee Al-Jabiri, hase ahaatee, dhab looma inay shirkoodaa Ganacsatadu wax go’aammo ah ka soo saareen iyo in kale. Wasiirka Maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi oo aannu isku daynay inaannu arrintan wax ka waydiinno xalay ayaanay noo suuragalin, ka dib markii aannu la kulannay taleefankiisa gacanta oo xidhan ama dambsan.
Shir Maanta Dhexmaraya Xisbiyada, Baarlamanka iyo Md. Siilaanyo oo lagaga Doodayo Mudda Kordhinta 3 Gole
Hargeysa- 29 August 2010 (HargeisaStar.com) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Shirguddoonka labada Gole Baarlamaan (Guurtida iyo Wakiillada) iyo Masuuliyiinta saddexda Xisbi Qaran ee KULMIYE, UDUB iyo UCID, ayaa la filayaa inay berry 10-ka subaxnimo kulan xasaasi ah oo lagaga doodayo mudda kordhin loo sameeyo Wakiillada, Guurtida oo muddada xilku ka dhammaanayso iyo Golayaasha Deegaanka oo ay hore uga dhammaatay si wada-jir ah ugu yeeshaan Qasriga Madaxtooyada ee Caasimadda Hargeysa.
Kulanka ay maanta isugu iman doonaan dhinacaas oo la rejaynayo dood, falanqayn, talo-bixin iyo soo jeedimaha aragtiyaha kala duwan ee ay daraf-yadaasi kala wataan in badka la soo wada dhigo, isla markaana, si caafimaad-qabta laysula meel-dhigo ama ay isku raacsan yihiin ka soo saaraan, kaasoo ku saabsan mudda kordhin loo sameeyo Golayaasha Guurtida, Wakiillada iyo Deegaanka ee Jamhuuriyadda Somaliland oo Golayaasha Baarlamankana ay September iyo October kaga egtahay, halka Golayaasha Deegaankana wakhtigii la doortay kaga dhammaaday laba sano iyo badh ka hor.
Shirka qaybahaas kala duwani isugu imanayaan ee la filayo in 10:00-ka subaxnimo ee Axadda Maanta oo loo ballan-san yahay uu Madaxtooyada ka qabsoomo, ayaa ka dambeeyey soo jeedimo iyo dalabaad ka yimi Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland oo darafyadaa kala duwan u gudbiyey qoraal dheer oo ay ku codsadeen in talo qaran laga yeesho, isla markaana laysla meel-dhigo sida ay suuragal u tahay in doorashooyinka saddexdaa Gole la qabto, in hal mar la wada qaban karo, qaabka loogu tabaabushaysanayo, maadaamoo qaarna wakhtigoodu dhammaanayo Deegaankana uu hore uga dhammaaday laysla meel-dhigo mudda kordhin lagama maarmaan u muuqata in loo sameeyo Golayaashaas kala duwan ee Qaranka, sidaa daraadeed, kulammo gooni-gooni ah oo iyo kuwo wada-jir ah oo ay Xisbiyada siyaasaddu maalmihii u dambeeyey arrimahaas kaga doodeen, ka dib Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo ayaa Masuuliyiinta saddexda Xisbi, Shirguddoonka iyo labada Gole Baarlamaan ka dalbaday inay kulan isugu yimaaddaan Sabtidii shalay, kaasoo ka baaqday wakhtigaa hore, balse dib loogu soo riixay Axadda maanta oo Madaxtooyada loogu ballan-san yahay.
Labada Xisbi Mucaarid ee UDUB iyo UCID iyo Xisbil-xaakimka KULMIYE, ayaa shalay xarunta Xisbiga UCID kulan saddex geesood ah ku yeeshay, isla markaana, si qoto dheer uga dooday waxyaabaha suuragalka ah eek u saabsan arrimahaas, iyada oo Xisbiyada mucaaridka ahi habeennadii la soo dhaafay kulammo u gaar ah isku oo aan Xisbiga talada hayaa ku wehelin isku arkay, hase ahaatee, waxay sheegeen Masuuliyiinta saddexdaa Xisbi qaar ka mid ahi inaanay wax go’aan ah marnaba cid isla gaadhay jirin, hase ahaatee, marka dhinacyada arrimaha doorashooyinku khuseeyaan si dhammaystiran looga tashan doono, go’aanna laysla gaadhi doono. Hase-yeeshee, waxay wararka qaarkood tibaaxeen in saddexda Xisbi ka midaysan yihiin in mudda kordhin loo sameeyo Golayaasha wakhtigu ka dhammaaday iyo kuwa uu gebagabada ka sii yahay, balse waxay tibaaxuhu intaa ku dareen inay ku kala mawqif duwan yihiin xaddiga muddada la kordhinayo oo midba meel ka taagan yahay inta la kordhinayo.
Si kastaba ha ahaatee, dadweynaha reer Somaliland oo dib-u-dhaca doorashooyinka iyo mudda kordhin loo sameeyo Gole ama qof wakhtigii sharciga ahaa ee la doortay ka dhammaaday badi caqabad weyn u arka, isla markaana si weyn uga biyo-diidsan, ayaa ka dhursugaya go’aanka dhinacyada arrimahaa ka tashanayaa soo saari doonaan.
Mudanayaal Wakiillada Ka Tirsan oo Sheegay Inay Raxan Wasiirro ah Farta Ugu Yeedhayaan iyo kuwa ay yihiin
Hargeysa- 29 August 2010 (HargeisaStar.com) - Xildhibaanno ka mid ah Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka hadlay gacan ka hadal dhawaan dhex-maray laba Mudane oo ka tirsan Guddiga joogtada ah ee Wakiillada oo ay sheegeen inay isku qabteen u yeedhista Wasiirka Maaliaydda Somaliland si uu u faahfaahiyo nuxurka qoraal uu u kala diray Golayaasha Qaranka iyo Hay’adaha dawladda. Isla markaana, waxay ku doodeen inay Wasiir kasta oo Xukuumadda Siilaanyo ka tirsan ay u yeedhi doonaan, si ay shaqooyinkooda su’aalo uga waydiiyaan, maadaamoo ay xaq dastoori ah u leeyihiin inay u yeedhaan Masuuliyiinta Qaranka.
Mudanayaashu waxay sidaa ku sheegeen Shir Jaraa’id oo ay shalay ku qabteen xaruntooda Hargeysa, ugu horreyna Xildhibaan Xaashi Xuseen Caabbi oo shirkaa Jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay in arrinta labada Xildhibaan ee Guddigooda ka tirsani (Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) iyo Xildhibaan Ibraahin Axmed Haybe), ay isku qabteen waraaq ku saabsanayd hakinta Miisaaniyadda oo ay sheegeen inuu Golayaasha Qaranka iyo Hay’adaha dawladda u qoray Wasiirka Maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi, taas oo uu Xildhibaan Xaashi ku tilmaamay inaanay ahayn wax weyn oo laysku qabto. Md. Xaashi Xuseen Caabbi, waxa uu soo jeediyey inaan loo macnaysan isqabadka labada Mudane kuwo midna taageerayay Wasiirka Maaliyadda iyo mid ka soo horjeedo. Waxaanu Xildhibaan Xaashi intaas ku la dhay oo uu sheegay inay iyagu Gole ahaan si dhakhso ah u dhammaynayaan khilaafka labada Xildhibaan ee Wakiillada ka tirsan.
Sidoo kale, Xildhibaan Bashiir Tukaale, oo isna shirkaa ka hadlay, ayaa sheegay inaanay is-qabadka labada Xildhbiaan ahayn wax la sii buun-buuniyo ee ay ahayd wax basiid ah oo aan u baahnayn heerka ay hadda joogto in la gaadhsiiyo, mudnayna inay Warbaahintu si weyn wax uga qorto. Waxaanu Md. Bashiir ku daboolka ka qaaday inay xaq u leeyihiin u yeedhista Wasiirrada Xukuumadda, sidaa awgeedna ay tiro Wasiirro ahi qorshaha ugu jirto inay si dhakhso ah ugu yeedhaan. Xildhibaan Bashiir Tukaale oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Waxa noo qorshaysan oo aannu u yeedhi doonnaa Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Wasiirka Arrimaha gudaha, Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Wasiirro kale oo fara badan, mid walbana waxa lagala hadli doonaa shaqada khusaysa iyo habka wax u socdaan baannu ka waraysan doonnaan.”
Xildhibaan Xamse Gaadda-weyne oo ka mid ahaa Mudanayaashii Shirkaa jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay inaanay Gole ahaan isku wanaagsanayn Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Rayaale, hase ahaatee, ay imaka soo dhawaynayaan Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo. Isla markaana, Xildhibaan Xamse, waxa uu ku dooday in qoraalka labada labada Xildhibaan isku qabteen ee Wasiirka Maaliyaddu soo qoray nuxurkeeda iyo ciwaankeedu isku mid ahayn. “Maxamed Xaashi inuu caddaymo naga siiyo waraaqda tan ee hakinta Miisaaniyadda, waxa weeye Ciwaanka waraaqda iyo Nuxurku isma laha, runtii wax uu hakiyeyna ma jirto ee waa kharash dhimid iyo tartiibin illaa inta laga soo kabanayo hoos u dhaca Miisaaniyadda ee wax uu joojiyey ama xannibay ma jirto, waana wax macquul ah.” Sidaa ayuu yidhi Md. Xamse Gaadda-weyne.
Xildhibaan KULMIYE ka Tirsan oo Dhalliilo Kulul iyo Eedaymo u Jeediyey Madaxweyne Siilaanyo
Hargeysa- 29 August 2010(HargeisaStar.com) -Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee laga soo doorto Bariga Gobolka Sanaag, kana soo baxay Xisbiga KULMIYE, ayaa dhalliilo kulul u jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo uu ku eedeeyey inaanu Xukuumadda uu soo dhisay Madaxweynuhu saamigii ay Beeshiisu xaqa u lahayd ka siinnin, isla markaana waxa uu Xildhibaan Bulqaas ku hanjabay haddii aan arrimaha jira hoos loo eegin inay Beeshiisu si cad u tashanayso.
Md. Maxamed Cismaan Bulqaas oo shalay shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu ku dooday in Xisbiga KULMIYE uu Xildhibaan ahaan naf iyo maalba dul-dhigay, doorweyna isaga iyo Beeshiisu ku lahaayeen guushii KULMIYE ee Madaxweyne Siilaanyo kursiga ku fadhiistay, hase ahaatee, aanu Md. Siilaanyo haba-yaraatee wax tixgelin ah siinnin Beesha Bariga Sanaag, gaar ahaan Beesha uu Xildhibaanku ka soo jeedo. “Xisbiga naftayda iyo maalkaygaba waan u huray, wax igaga baaqday ma jiraan oo maal aan la qiyaasi karin ayaa igaga baxay Xisbiga oo aan beeshaydana kaga ololeeyeey inaanay codkooda siinnin Xisbiyadii kale ee tartamayey ee ay doortaan KULMIYE, ballan-qaadkii iyo wixii laysku ogaana si cad ayuu uga baxay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo.”Sidaa ayuu yidhi Md. Bulqaas. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Axmed Siilaanyo saamigii ay xaqa u lahayd Beesha aan ka soo jeedaa wuu iska indha-tiray, kana badheedhay inuunu saamigii ay lahaayeen ka siinnin Xukuumadda uu soo dhisay oo uu Beelo u soo dhexmaray.”
Waxa uu Xildhibaan Bulqaas sheegay oo uu ku hanjabay inaanay Beeshiisu (Bariga Sanaag) ku qanacsanayn sida uu ka yeelay Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana waxa uu xusay in dadweynaha uu matalo Xildhibaan ahaan haddii ay waayaan saamiga ay xaqa u leeyihiin in laga siiyo Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Somaliland soo dhisay, inay si cad uga tashan doonaan waxa ay yeelayaan beel ahaan.
Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo Sheegay in Tirada u dhimatay Shuban-biyoodka Meelaha Qaar korodhay
Hargeysa- 29 August 2010(HargeisaStar.com) - Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Xuseen Axmed Maxamed (Xuseen-Xoog), ayaa faah-faahin ka bixiyey halka uu marayo Cudurka Shuban-biyoodka oo dhawaan ka dillaacay deeggaannada Qool-caday iyo Lawyacaddo ee Gobollada Hargeysa iyo Salal oo labada dad ugu dhinteen xanuunkaas in badanna asiibay. Isla markaana, waxa uu sheegay in meelaha qaar dad kale u dhinteen xanuunkaas, hase ahaatee, hadda lagu guulaystay in la xakameeyo fiditaankiisa.
Wasiirka Caafimaadka Dr. Xuseen-Xoog, oo shalay u warramayay TV-ga Universal oo arrintaa wax ka waydiiyey, waxa uu yidhi; “Shubankii ugu horreeyey waxa uu ka bilaabmay Tuulada Qool-caday oo 12 Carruur ah uu soo riday, isla markiiba laba ka mid ahi way dhinteen, markii ugu horreysay ee ay labadaas carruurta ahi dhinteen-ba warku na soo gaadhay-ba Gurmad Caafimaadka Gobolka ah ayaannu u dirnay, dawooyinkii Sharoobbooyin iyo Kiniinkii shubanka joojinayey waa loo qaaday. Markaa kaasi wuu iska fududaa oo Isha keentay Shubanku waxa uu ahaa Balliga Qool-caday oo Lo’ fara badan oo la soo celiyey oo Dibi ah ayaa ka cabba, taasoo Banka Qoolacday daaqda, dabadeetana kaadidii iyo Saaladii ayaa ku noqday Balliga, dabadeedna Balliga Biyihii ku jiray way ureen oo Wasakh cuduraysan bay noqdeen.” “Annagu gurmadii aannu dirnay si fiican bay dadka u wacyigeliyeen, Balligiina waa laga ooday oo in laga cabbo way ka joojiyeen dadka deegaanka, Carruurtii 12-ka ahayd ee uu shubanku soo ridayna 2-dii maalintii u horreysay dhintay mooyee cid kale ma soo dhicin oo way xakameeyeen, ilmo saddexaad oo Dufan iyo wax la siiyey ayaa isaguna maalmo ka dib dhintay, markaa cid cusub oo soo dhacday iyo dhimasho kale midna ma jirto, Hay’aduhuna way tageen, markaa inuu sidaa ku joogsado ayaannu rejaynaynaa nooc kasta oo dawo ahna waa la geeyey, xakamayntiisa iyo hawshaasna waa lagu guulaystay runtii.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Xuseen-Xoog.
Wasiirka Caafimaadka Xuseen Axmed Maxamed (Dr. Xoog), mar uu faahfaahin ka bixinayey Deegaanka Lawyo-caddo ee Gobolka Salal, waxa uu yidhi, “Dhinaca Saylac ayay runtii dhibaatada badani ka jirtay, inkasta oo aanay dhimasho badani jirin ee ilmo yar oo carruur ahi uu ku dhintay Saylac, haddana dadkeeda ayaa ka badnaa oo si joogto ah ayaa maalin kasta tirada dadka cudurkaa u soo dhacayaa u soo kordhaysay. Markaa Lawyo-caddo waxay leedahay mishkilad u gaar ah oo dadka ka yimaadda Itoobiya, Koonfur iyo dadkeenna Somaliland ka tagaya ee Jabuuti u gudbaya ayaa ku kulma oo sii mara iyo kuwii Jabuuti ka imanayey, markaa waxay noqotay meel markasta dadku ku badan yihiin oo 24-kii saacadoodba ay tira badan oo dad ahi joogaan,” “Magaaladuna waa Buur Suuliyaal hagaagsan iyo waxba malaha.
Qofka is-yidhaahda Suuli qodno Biyaha ayaa Mitir ay kaga hor-imanaya oo meeshu waa Bad ah, markaa waxay noqotay meel nadaafaddeedu aad u liidato oo waxa dhacda dadkii safarka ahaa markay suuli u baahdaan inay bannaanka iska fadhiistaan, taasina waata horumuudka u ah in xanuunkan oo marar hore deegaankaa ka dilaacay soo noqnoqdo. Hay’ad Gobolka Salal caafimaadka u qaybsan ayaa markiiba ka hawlgashay deegaankaas, Annaguna Gobolka Awdal baannu la hadalnay oo isna ka hawlgalay mar saddexaadkiina halkan (Hargeysa) ayaannu ka dirnay oo waa lagu maqan yahay, Shubankiina wuu xakamaysan yahay, imaka illaa shalay (dorraad) hal qof baa ku soo biiray bukaanka, dadka badankiisi wuu wada bogsaday oo waa laga saaray waadhka, qoladii aannu dorraad (maalin afraaddii) dirnay xalay (habeen-hore) ayay nala soo hadleen laba qof mooyee dadka intii kale way ka kacday, waana xakamaysan yahay oo xaaladdu aad bay u wanaagsan tahay bay nagu yidhaahdeen.” Ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku Xuseen-Xoog.
Wasiirka Caafimaadka Somaliland, waxa uu sheegay in mar kasta waxyaabaha cudurkaa horseedka u ahi inay tahay nadaafad-darrada, biyo wasakhaysan oo Jeermis ku dhashay iyo wax la mid ah. Sidaa awgeedna waxa uu ku baaqay in guud ahaanba bulshadu xil iska saarto nadaafadda deegaanka, si ay uga fogaadaan cudurrada kala duwan ee shuban-biyoodku ugu horreeyo.
Qoys Suciidian ah oo Gabadh 49 Jir ah 24 Musbaar Jidhka Kaga garaacey iyo Dhakhaatiirta oo qaar saari kari wayday
Colombo- 29 August 2010(HargeisaStar.com):- Dhakhaatiirta qaliinka ayaa shalay ku guulaystay inay ka soo saaraan 16 ka mid ah 24 Musbaar oo ay gabadh Siri-lankan ah oo lagu magacaabo L.T. Ariyawathi, Haweenaydaas oo 24-ka Musbaar ay ku ciqaabeen qoys reer Sacuudi ah oo ay u shaqaynaysay sannadkii hore, isla markaana ay kaga tumeen gacmaha, cagaha iyo Madaxa.
“Imika xaaladeedu way fiican tahay, waxay dareemaysaa xanuun la.aan, aadna wey u faraxsan tahay.” Sidaa waxa tidhi Dr. Imalka Wettasinghe, oo ah Dhakhtarad ka hawlgasha Cusbitaal la yidhaahdo Kamburupitiya Base Hospital oo ku yaalla degmada Matara ee wadanka Sri Lanka oo xaaladda gabadhaa Masaabiirta lagu garaacay uga warrantay Warfidiyaha AOL News, waxaanay Dhakhtaraddu iyada oo hadalkeeda sii wadata intaa ku dartay oo ay tidhi; “Waxay helaysaa caawimo badan oo dhinaca caafimaadka ah, waxaanay aad ugu riyaaqsan tahay in dunidii arrinteedan ogaatay.”
Dr. Wettasinghe waxay sheegtay inaanay kooxdii qaliinku inay ku guulaysteen kasaarista 16 Musbaar oo dhererkoodu laba-laba Hinj ahaa, hase ahaatee, aanay ka saarin siddeed musbaar oo ku hadhsan, kuwaasoo aan baahi badan loo qabin saaristooda , isla markaana intii ay socotay muddadii saddexda saacadood ahayd ee qaliinku socday. “Siddeedda Musbaar ee Gabadhan ku hadhsani waa kuwo aad u dhuudhuuban, laakiin sababi kara dhaawac neerfaha ah haddii la isku dayo in dibadda looga soo saaro.” ayay tidhi Dr. Imalka Wettasinghe, waxaanay intaa ku ladhay; “Wakhti xaadirkan, maaha kuwo dhibaato u gaysanaya iyada haddii ay ku jiraan, laakiin haddii laysku dayo in laga saaro ayay dhibaato badan oo Neerfaha ah u geysanayaan.” Haweenaydan u dhalatay Siri-lanka oo 49 jir ah, ayaa markii ay Xammili wayday xanuunka Masaabiirta dhaadheer ee jidkeeda sida axmaqnimada ah loogu garaacay, ayaa toddobaadkii hore loo qaaday dalka Siri-lank, halkaasoo shalay Dhakhaatiirta ay u suuragashay in laga soo saaro 16 ka mid ah Masaabbiirtaas oo ah kuwii labada Hinj ahaa.
Dawladda dalka Siri-lanka, ayaa sheegtay inay si dhakhso ah tacaddiga iyo ciqaabta qoyska Sucuudiga u dhashay kula kaceen Gabadhan Siri lankan-ka ah Mss. L.T. Ariyawathi u gudbin doonto dawladda Sucuudiga si ay ula socoto, waxna uga qabato gabbood-falka Haweenaydaa loo geystay. Sidoo kale Hay’adaha u dooda xuquuqda Aadamaha qaar ka mid ah, ayaa cambaareeyey tacadiga nabarrada loogu gaystay Gabadhaas, iyaga oo xusay inaan tallaabadan lagu dhibaateeyey L.T. Ariyawathi ahayn tii ugu horreysay ee arrintan oo kale loo geystay, hase ahaatee, ay jireen dhacdooyin la mid ah oo hore looga fuliyey Sucuudiga. Si kastaba ha ahaatee, Haween lagu qiyaasay 1.4 Milyan u dhashay waddanka Siri lanka ay oo guryaha ka shaqeeyaa inay ku kala filiqsan yihiin Bariga dhexe.
Ganacsade Reer Gabiley Ah Oo Dadweynaha Gobolka Ugu Baaqay Inay La Shaqeeyaan Badhasaabka Cusub
Gabiley- 29 August 2010:(HargeisaStar.com) - Ganacsade Cali Nuur Xaaji Cumar oo ka mid ah Ganacsatada Waaweyn ee Gobolka Gabiley,ayaa dadweynaha iyo Ganacsatada Reer Gabiley ugu baaqey in ay siwadjir ah ula shaqeeyaan Badhasaabka Cusub ee dhawaan loo soomagacaabay Gobolka Gabiley sidii ay awal horeba ula shaqeyn jireen kii hore.
Cali Nuur Xaaji Cumar oo ka tirsan Ganacasatada Gabiley oo arrintaa ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Waxaan u soo jeedinayaa guud ahaan Ganacsatada Gobolka Gabiley iyo dadweynaha Reer Gabileyba in ay guntiga dhiisha iskaga dhigaan, islamarkaana ay si wada-jir ah ula shaqeeyaan Badhasaabka cusub ee dhawaan loo magacaabay Gobolka Gabiley Rashiid Cumar Sheekh Muxumed, innagoo dhan uga soo wada jeesaneyna horumarinta Gobolka Gabiley, iskana dhigeyna nidaamka Xisbiyada iyo ku kala qeybsanaantooda, hase-yeeshee, wada-jir uga wada shaqeynayna arrimaha Gobolka iyo kuwa danta guud ee Qarankaba.”
Waxa kale oo uu intaa ku darey Cali Nuur in ay dadweynaha Reer Gabiley u midoobaan danta guud iyo arimaha Hurumarinta Gobolka Gabiley, isagoo Badhasaabka cusub ee Gobolkana-na u jeediyey inuu muujiyo kalsooni dheeraad ah oo uu ku qabo dadkiisa reer Gabiley inay kala howl-galayaan arrimaha danta caamka ah iyo horumarinta Gobolka Gabiley.
Gebagabadiina waxa uu Ganacsade Cali Nuur Xaaji Cumar, u soo jediyey dadweynaha Gabiley gudo iyo dibad-ba, in ay xoojiyaan xidhiidhka iskaashiga ee lagu xoojinayo arrimaha danta guud ee Gobolka Gabiley, isagoo ku hadlay afka Ganacsatada gudaha Gobolka Gabileyna uu diyaar u yahey wixii laga wada shaqeynayo ee horumarka, magaalaynta iyo adkaynta nabadgalyada-ba ay kala shaqaynayaan Maamulka Gobolka oo uu sheegay inay soo dhawaynayaan.
Hooyo Saddex Mataano ah Hargeysa ku Ummushay Oo La Guddoonsiiyey Lacag Dhan 1086 Doollar
Hargeysa- 29 August 2010(HargeisaStar.com):- Sheekh Maxamed Aadan oo ka mid ah Culimada waaweyn ee reer Hargeysa, ayaa lacag dhan kun iyo lix iyo siddeetan (1086) Doollar guddoonsiiyey Hooyo Farduus Xasan oo ah hooyo dhawaan saddex carruura oo mataano ah, kana mid ah dadka danyarta ah ee ku dhaqan magaalada Hargeysa, Lacagtaas oo ay Sheekh Maxamed soo gaadhsiiyeen laba oo Qurba-joogga reer Somaliland ee Ingiriiska deggan ka mid ah.
“TV-ga Universal ayaa dhawaan wuxuu gudbiyey hooyo saddex carruur ah oo mataano ku umushay magaalada Hargeysa, hooyadaasi runtii waxay u baahnayd in la saacido oo la kaalmeeyo, TV-gaana door muhiim ah ka qaatay oo warkeeda baahiyey.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Maxamed Aadan. Waxaanu sheikh Maxamed oo faahfaahin ka bixinaya lacagtaas iyo ciddii ku soo hagaajisay ee hooyadaa saddexda mataanaha ah dhashay ku soo caawisay, waxa uu yidhi; “Aniga oo ah Sh. Maxamed Aadan waxa ila soo xidhiidhay Xasan Axmed Haaruun iyo Yuusuf Warmahaye oo deggan Carriga Ingiriiska ayaa waxay yidhaahdeen waxaannu Hooyadaa saddexda Carruurta ah ee Mataanaha ah dhashay oo dhawaan TV-ga Universal laga baahiyey oo runtii aad u baahnayd ayaa waxay yidhaahdeen waxaannu ku saacidaynaa oo ku caawinaynaa 1086 kun iyo lix siddeetan Doollar, 1086-kii Doollar-ba Dahab-shiil baa la soo dhigay oo aan ka soo qaaday.”
“ Waxaannu aad iyo aad ugu mahadnaqaynaa Walaaleheennaa sida wayn ugu damqaday hooyadaa saddexda Carruurta ah dhashay ee baahan iyo TV-ga Universal oo door weyn ka qaatay arrinta hooyadan oo uu Baahiyey, waxaanan leeyahay haddii sidaas ummaddu isu saaciddo Illaahayna wuu u naxariisanayaa iyaguna wanaag iyo barako ayay kala helayaan.”
Si kastaba ha ahaatee, Hooyo Farduus Xasan oo Bil iyo maalmo ka hor saddex carruur ah oo mataano ah ku umushay magaalada Hargeysa, ayaa ka mid ahayd dadka xagga dhaqaalaha ka diciifka ah ama danyarta ah, isla markaana, markii warkeeda Universal laga baahiyey ka dib, waxa soo caawiyey dad kala duwan oo ka mid ah Qurba-joogga reer Somaliland ee dalka Ingiriiska, tanina waxa ay noqonaysaa Deeqdii saddexaad ee la soo gaadhsiiyo ama lagu soo caawiyo hooyadaa saddexda carruurta ah marka wada dhashay.
Madaxweynaha Somaliland Oo Guddi 10 Xubnood ka Kooban u Magacaabay Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa
Hargeysa- 29 August 2010(HargeisaStar.com) - Madaxweyneha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamuud Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Guddi u magacaabay Cusbitaalka guud ee Caasimadda Hargeysa, Guddigaas oo 10 xubnood ka kooban, waxa Guddoomiye u ah Guddoomiyihii hore ee Guddigii Caafimaadka Gobolka Hargeysa Maxamed Xuseen Caabbi, taasoo uu Madaxweynihii hore Daahir Rayaale kala diray horraantii sannadkan aynu ku jirno ee 2010-ka.
Guddigaas, Muhiimadda ay leedahay, baahida loo qabo iyo qodobbada uu Madaxweynuhu u cuskadayba, waxa lagu faahfaahiyey War-Saxaafadeed uu shalay soo saaray Afhayeenka Qasriga Madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), qoraalka War-saxaafadeedkaasina waxa uu dhignaa sidan:- Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta Magacaabay Guddida Cisbitaalka Guud ee Hargeysa.
Markuu arkay: Qodobka 90aad ee Distoorka Qaranka.
Markuu tixgeliyey: Ahmiyada ay Guddida Cisbitaalka Guud u leedahay Dhismaha Qaranka.
Markuu la tashaday: Cidda ay kusayso.
Markuu Kafiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo
Markuu ku qancay: in ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay.
Wuxuu Go’aansaday Madaxweynuhu:
In Guddidan oo ka kooban 10 Xubnood uu Gudoomiye u ahaado,
Mudane Maxamed Xuseen Caabi,
Gudoomiye ku-xigeena uu u ahaado, Dr. Axmed Yuusuf Obolos,
Xubnaha Guddidu waxaanay kala yihiin sidan:-
1. Mudane: Maxamed Xuseen Caabi ( Gudoomiyaha Guddida Cisbitaalka)
2. Dr. Axmed Yuusuf Obolos ( G/ku-xigeenka Guddida Cisbitaalka)
3. Mudane Suldaan Xasan Warsame Shire
4. Mudane: Xasan Cali Muuse
5. Marwo. Aamina Yuusuf Aar
6. Marwo. Saakin Jirde Xuseen
7. Xildhibaan Cabdilaahi Cali Askar
8. Xildhibaan Yuuusuf Maxamed Guuleed
9. Mudane: Axmed Muxumed Madar
10. Dr. Cali Qaadi. “
Maareeyaha Cusub ee Dekadda Berbera Oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyey Magaaladaas
Berbera- 29 August 2010(HargeisaStar.com):- Maareeyaha cusub ee dhawaan Madaxweynaha Somaliland u magacaabay Dekadda Berbera Axmed Yuusuf Dirir, ayaa shalay gelinkii dambe si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, isla markaana, waxa ka mid ah Masuuliyiintii soo dhawaysay Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Hayste (Ramaax), Madax-dhaqmeed, Masuuliyiinta qaybaha Dekadda, qaar ka mid ah Shaqaalaha Marsada, Dhalinyaro iyo Haween, ka dib markii uu isla shalay ka ambabaxay Caasimadda Hargeysa.
Maareeyaha toddobaadkii hore Dekadda Berbera loo magacaabay waxa uu muddo dhawr iyo toban sano ah ka shaqeynayey qaybaha Xisaabbaadka ee Dekadda, isla markaana, waxa loo arkaa nin aanay ku cusbayn shaqada loo xilsaaray, hase ahaatee, hore uga war hayey habka Dekaddu u shaqayso, xaaladaheeda iyo guud ahaanba duruufaha ku gadaaman shaqaalaha kala duwan ee Dekadda oo aan sharraxaad laga siinaynin, maadaamoo uu yahay nin ka shaqaynayey Marsada oo kursigii uu fadhiyey mid ka yara dheer uun ku fadhiistay.
Waxaanu Maareeyaha Dekadda Berbera Axmed Yuusuf Dirir waxbarasho habka maamulka iyo Xisaabaadka ah ku soo qaatay Jaamacado kala duwan oo ku kala ayaalla dalalka Koonfur Afrika iyo Maraykanka oo ka soo kala qaatay Shahaadooyinka Diblooma iyo Master. Maareeye Axmed Yuusuf Dirir, waxa uu si weyn ugu mahad-celiyey Masuuliyiinta iyo dadweynaha sida diirran ugu soo dhaweeyey magaalada Berbera.
