August 29, 2010

Madaxweyne Siilaanyo Lama Shaqaynayno Manta Laga Bilaabo

Marka hore waxaan salaan aad u qiimo badan u dirayaa madaalayaasha ama bahda Harowo.com iyo dhamaanba akhristayaasha sharafta badan, waxaan leeyahay rabadaan kariim. Intaa ka dib waxaanu doonaynaa inaanu maanta ka hadalno, xukuumadii aynu dooranay iyo sida ay noqotay. Intii ay xukunka gacanta ku haysay talada, madaxweyne Siilaanyo wuxuu ahaa madaxweyne aanu aad ugu hanwaynahay, markii uu doorashada u ololaynayay waxaanu islahayn wuxuu noqondoonaa madaxwayne isbadalku ka dhab yahay, laakiin waxaa noo cadaatay inuu noqday oday wayn oo cadhoonaya!

Waxaanay cadhadaasi ka muuqataa sida uu u soo xulay xukuumadiisa, wax yaabaha aanu aadka ula yaabnay waxaa ka mid ah talaabadii ugu horaysay ee uu madaxweynuhu qaado oo ahayd, inuu soo dhiso dawlad yar oo tayo leh, ayaa wuxuu arintaa u badalay inuu dhamaanba 20kii wasiir ee uu sameeyaya uu 15 ka dhigay (Isaaq), beesha samaroon ee aanu ka soo jeednana wuxuu siiyay 2 wasiir. 

Arintaas waxaanu ku tilmaanay wax lagu qoslo, laakiin dhalinyaro ahaan waxaanu islahayn madaxweynuhu malaha xilalka kale ee imanaya ayuu idinku soo darayaa ee ha ka jiidhina qorshihiisa, waayo waxaa hadhay ayaanu is lahayn agaasimayaashii iyo shaqaalihii hoose oo dhan, laakiin taasina way beenowday, waxaana la magaacabay  agaasimayaashii qaar badan oo ka mid ah hadana waxaa dhacday in uu sidii oo kale beesha dhan ee samaroon uu siiyo  1 ama 2 agaasime oo aan macno badan lahayn.

Si kastaba ha u dhacdo waxa iyaguna jira shaqaale badan oo hoose. Ma doonayo inaan tiriyo waayo way badanyihiin, laakiin xilalkaa badan kooda waxa uu madaxweynuhu ku taxay beesha uu ka soo jeedo ee Habar-jeclo iyo isaaqa kale. Arintaas oo ah arin aan ka soconayn madaxweynaha, waayo dawladu maaha hay’ad dad gaar ahi iska leeyihiin ee waa mid u dhexaysa ummada.

Arinta kale ee yabka leh ee aanu qaadan kari waynay, ayaa waxay tahay iyada oo aanu la yaabanahy sida uu wax u soo magacaabay ayuu hadana madaxweynuhu laba suldaan oo Habar-jeclo ah u diray bariga si ay ciidanka qaranka halkaa fadhiya dib ugu soo celiyaan. Arintaas oo lama filaan nagu noqotay, oo aanu iswaydiinay goormay dawladii somaliland u gacangashay salaadiintii bariga, miyaanay wasaardii gaashaandhiga iyo tii arimaha guduhu shaqayn.

Hadaba mark kasta oo uu madaxweynuhu khalad sameeyo waxaanu islahayn malaha wuu isa sixi doonaaye wuu cusubyahay ee ha ku dagdagina. Imika laakiin waxaa noo cadaatay in madaxweynuhu aanu soomaaliland dan iyo muraad toona ka lahayn ee uu yahay nin kursiga uun rabay.
 
Arintu intaas uun kuma koobna ee waxaa iyana jirta, in dadkii masaakiinta aha ee jidka u dhexeeya Dila iyo Boorame lagu laayay inuu madaxweynuhu hore ugu balanqaaday inuu soo qabqaban doonoo budhcadii gaysatay dilkaa foosha xun, laakiin imika aad moodo inuu  indhaha ka qarsanayo ama uu moodayo inaanu ilownay hadaanu dhalinyarada Awdal nahay.

Waxa kale oo uu  madaxweynuhu qortay shaqaale aan khibrad u lahayn shaqadooda oo ay madaxtooyada ka dhacday in dhalinyaro muwaadiniin ah toori uu ku eryado wasiirkii dhanaa ee madaxtooyadu, isaga oo waliba ay madaxweynaha isku qabiil yihiin, taasoo niyad jab ku riday dhamaanba shacbiga somaliland.

Mida kale waxaad moodaa in maanta xukuumadii Somaliland ee miisaanka culuslahayd aanay haba yaraatee wax sir ah lahayn, oo laga wada talinayo, waayo suuqa Hargaysa ayaaba lagu hayaa in ta ay dakhli haysato iyo in komiishankii doorashooyinka qaranka lacag loo amaahanyo ay ku tagaan afrikada kale iyo wax yaabo kale oo badan. Waxaanu garan waynay waxa sirtii dawlada dibada soo dhigay.
 
Arinta kale ee iyana yaabka leh ee meesha ka dhacday, ayaa waxay tahay Ethiopia oo ah maanta dawlad aanay isku sin banaanayn siilaanyo inuu hadana u magacaabo wiil yar oo aan khibrad dublamaasiyadeed lahayn, halkii uu uga magacaabi lahaa nin miisaan culusleh oo labada wadan isku soo dhaweeya, oo ka taliya sidii loo sixi lahaa waxan khaldamay. Taasina waxay nagu keentay niyad jab kale.

Anagu hadaanu nahay dhalinyarada gobolka awdal, somaliland waxaanu u haysanaa wadan wax kastaa u dhan yihiin, laakiin maanta la doonayo in lakala fogeeyo dadka, oo dalkana aan loo tudhayn. Maxaa yeelay dalku waa dalkayagii sidan ku taageeri mayno.

Madaxweynaha su’aalaha aanu is waydiino waxaa ka mid ah maadaama oo uu madaxweynihii beesha samaroon laba wasiir siiyay oo uu taladii dalkana sidaa u khaldayo waxaanu is nidhi madaxweynuhu miyuu iska ciyaarayaa mise sidan ayaa dhab ka ah. Ma dadka ayuu sii kala fogaynayaa mise wuu isku soo dhawaynayaa, waayo maanta cadowga somaliland waxyaabaha uu inagu eedayn jiray ayaa waxaa ka mid ah in somaliland beel kaliya iska leedahay oo ay ka taliso, taasoo been ahayd lakaiin waxaad maanta moodaa inuu siilaanyo rajadii cadogaas dib u soo nooleeyay.
 
Arimuhu intaas uun kuma koobna waxaa iyana jira rag badan oo adduunka laga yaqaan, oo suxufiyiin waawayn ah, oo somaliland wax xun ka sheegay arintaas oo aad moodo inuu madaxweynuhu dheyelsaday, oo aanu haba yaraatee ka hadal, taasoo u baahan in laga hadlo. Tusaale ahaan waxaa jira nin la yidhaa Gerogry Caple oo caan ah oo wax badan oo xun xun ka qoray somaliland, laakiin aduunku aad bay ninkaas u dhagaystaan. Hadaba, xukuumada siilaanyo way iska dhaga tirtay, taasina waxay keentay in safiirkii Ethiopia u joogay somaliland loo yeedho oo dawladii ethiopia ay somaliland iskaga tagto.

Hadaba, markaanu isku wada gaynay waxyaabahaas oo dhan ayaanu waxaanu go’aan ku gaadhnay in hadii aanu nahay dhalinyarada Gobolka Awdal ee somaliland aanu dalkayagu sidan ahaanayn oo aanu jecelnahay in ay ka taliyaan rag meel fiican gaadhsiin kara.

Sidaa daraadeed siilaanyo iyo xukuumadiisa waanu kalanoqonay wada shaqayntii maanta laga bilaabana lama shaqaynayno, ilaa inta uu dawlada sidan u dhaamayo, oo uu ugu horayn samaynayo wax ka badal iyo isu dheelitirid. Somaliland waa dalkayagii meel aanu ka jecelnahay ma jirto, laakiin waxaanu dareemaynaa inuu madaxweynuhu meel kaga dhacay wadaniyadii iyo qaranimadii dalkan.
 
somaliland ha noolaato.

Maxamed Cilmi Hoori

Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Awdal

Email: hoori1@hotmail.com

Login