August 29, 2010
Gudoomiyihii Xisbiga UDUB ee Degmada Boorama oo La Xidhay Iyo Xisbiga UDUB Cambaareeyay Xadhiga
“Waxaa loo xidhay markii uu sheegtay xil ah afhayeenka J/yoonis……” Badhasaabka Awdal
Awdalpress (Borama) – Gudoomiyihii xisbiga UDUB ee degmada Boorama Maxamed Cabdi Axmed (Ilkacase) ayay maanta ciidanka booliska ee magaalada Boorama ku xidheen saldhiga dhexe ee magaalada Boorama, masuulkan xidhan oo aan la xidhiidhnay ayaa noo sheegay in saaka ay ciidanka boolisku ku waabariistaan, guriga uu ka galo magaalada Boorama, ka dibna ay u sheegeen in la soo amray in ay soo qabtaan isaga, amarka xadhigiisa ayuu ku eedeyay badhasaabka G/Awdal in uu ka dambeeyo, isla markaana uu ku haysto maqaal uu dhawaan ku qoray Internetka waa sida hadalka uu u yidhiye.
Mar aan isku daynay in aan wax ka weydiino xadhiga masuulkaas Badhasaabka G/Awdal Maxamed Daahir Cabadala ayaa waxa uu noo sheegay in sababta loo xidhay ay tahay ka dib markii uu sheegtay xil beeleed oo aanu ahayn, isla markaana uu ku hadlay Afhayeenka beesha J/yoonis, sidaana uu ku baahiyay warbaahinta, ayuu ku mutaystay xadhigaas, waxaana jira madax dhaqameedo oo ku hadli kara magaca beelaha.
Dhanka kalana waxa xadhiga masuulkan ka hadlay Gudoomiyaha xisbiga UDUB ee G/awdal C/casiis Xuseen Raage wuxuuna cambaareeyay xadhiga loo geystay masuulkaas iyo fikirkiisa lagu qabsaday, wuxuu intaas raaciyay oo dhaliil xxoogan dusha uga tuuray masuuliyiinta dhawaanta loo soo magacaabay G/Awdal oo ku tilmaamay “Rabshlooyaal”, wuxuuna yidhi isaga oo Arintaas ka hadlaya “Masuuliyiinta xukuumadu soo magacawday waa rabsho wadayaashii gobolka.”
Haddii ay arimaha ay wadaan sidaas ku sii wadaana waxa dhici doona in gacmaha la iskula tego, waxaan cambaaraynaynaa xadhiga loo geystay masuulkaas iyo kuwo kalaba, waxa jira in rag 3 sano joogay lagu xidho xamar baad ka timid, Aramaha xukuumada Kulmiye ka wado gobolka waxaan u aragnaa iska horkeen iyo colaad laga dhex hurinayo bulshada nabada ku soo caano maashay, xukuumadu waxay gobolka u soo dirtay wiilal aan khibrad maamul lahayn oo hore u soo arag xafiis, xilalkaaba ka culus waxbaa la xidhaa ayuunbay ka garanayaan.
Sidaas Awgeed waxaan leehay xukuumada Kulmiye arimaha ay ka wado gobolka Awdal hadii ay joojin weydo wixii ay ka hesho iyadaa garan, una malayn maayo in m/weynaha iyo masuuliyiinta arimahani khuseeyaan ay ka warqabaan, waxa hawsha wadaana waa dad hore u odhan jiray waa lana ciilay oo ciilan, suuragelimayso in ay fadqalalo ka abuuraan gobolka oo ay Somalilandna ka faquuqaan.” ayuu yidhi gudoomiyeha xisbiga mucaaradka ah ee G/awdal.
Si kastaba ha ahaatee waxa dhawaanahan ku soo badanaya magaalada Boorama xadhiga siyaasadeed ee lagu ugaadhsanayo dad loo tuhunsan yahay arimo ku lid ah xukuumada,falalka noocan oo kale ah ayay xisbiga kulmiye ku eedayn jireen xukuumadii ka horaysay ee Daahir Rayaale, taas oo wakhtigaas loo arkayay in ay fiicnaan doonaan.
Dhinaca kalana waxaana soo kordhaya hadalhaynta bulshadu hadal hayaan fudaydka masuuliyiinta gobolka iyo laamaha amniga ee ay dhawaan soo magacawday xukuumada cusubi, waxayna dad badani u arkaan talaabooyinkan qaar aan haboonayn wakhtigan oo loo qaaday jihada taban. Waxa kale oo soo kordhaya kala fogaanshaha bulshada ku dhaqan Boorama iyo xukuumada Axmed Siilaanyo, dadka qaarkiina waxay leeyihiin xukuumada Axmed Siilaanyo maamul toosintii ay ummada u sheegi jireen ma kanaa.
Awdalpress
