August 29, 2010

Fallo: Madaxweyne Siilaanyo Wuxuu Saxeexay Heshiis-dhagareed Albaabada u Xidhaya Dekedda Berbera

Hargeysa - (Berberanews) - Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa gelinkii danbe ee maalintii khammiistii la soo dhaafay si lama filaan ah qallinka ugu duugay heshiis-dhagareed uu ku ogolaaday maxjar labaad oo shirkadda ganacsadaha u dhashay dalka Yemen ee Abu Yaasir ka garab furasyo maxjarka caafimaadka xoolaha ka dhoofaya dekedda magaalada Berbera.

Ganacsadaha Yemeniga ah ee Madaxweyne Silaanyo oggolaanshaha ugu siiyey dhismaha maxjarka labaad ee Berbera, ayaa si cad loo ogyahay inuu labadii sannadood ee u danbeeyey si aan gabbasho lahayn geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay sidii uu xoolaha nool ee ka dhoofa dekedda Berbera  ugu xawili lahaa dhinaca marsada dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo uu ku leeyahay maxjar casri ah oo uu ugu talogalay inuu marin u noqdo xoolaha ka dhoofaya guud ahaan mandaqadda Geeska Afrika.

Haddaba, waxaan shaki ku jirin oo aan cidna ka qarsoonayn in ujeeddada ugu muhiimsan ee Abu Yaasir ka leeyahay maalgelinta maxjarka cusub ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo sida fudud ugu oggolaaday ay ku qotomaan laba arrimood oo salkoodu yahay shirqoollo uu muddo dheer u xusul-duubnaa oo uu ku minjo-xaabinayo xoolaha nool ee ka dhoofa dekedda Berbera, isagoo ka faa’iidaysanaya dawladda cusub ee Somaliland oo aan la dhacsanayn heshiiska ay xukuumaddii hore ee Madaxweyne Daahir Rayaale la gashay ganacsadaha Sucuudiga u dhashay ee gacanta ku haya maxjarka la aqoonsanyahay shahaadadiisa ee sannadkii hore laga hirgeliyey magaalo-xeebeedda Berbera.

Ganacsade Abu Yaasir qorshihiisa koowaad wuxuu ku qotomaa siddii uu xoolaha ka dhoofa Marsada Berbera ugu xawili lahaa dalka Jamhuuriyadda Djibouti ee dagaalka badheedhka ah ugu jira  inay hantaan hormoodnimada Manadaqada Geeska ee dhinacyada dhaqaalaha iyo dekedaha iyagoo markasta taageerayay cid kasta oo wada dhaqdhaqaaqyo lagu wiiqayo dekedda Berbera oo sida ay la ogyahay nasiib u yeelatay inay ku caanbaxdo marrinka qudha hormoodka dhoofka xoolaha nool, balse mudaba Abu Yaasir uu ku hawlanaa sidii ay Dekeddaadi u noqon layahd mid xidhanta.

qodobka labaad ee ee biyo-dhaca dagaalka Abu Yaasir waxaa weeye sidii albaabada loogi xidhi lahaa maxjarka xoolaha Berbera xukuumadii Madaxweyne Rayaale heshiiska kula gashay Ganacasade Suleiman Al-jaabiri Haddii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo saluugsantahay heshiiska ganacsade Al-jaabiri ku maamulo maxjarka sahqeeya ee Berbera waxay ahayd in ay dib u eegis ku samayso oo ay saxdo meelaha meelaha madmadowga iyo cabashooyin ka jirtay, balse may ahayn inay ku deg degto abuurista iyo ogolaanshaha heshiis cusub oo xambaarsan ujeeddooyin iyo shirqoolo qarsoon waan laga fekerin macnaha dhabta ah ee ka danbeeya.

Si kastaba ka ahaatee, waxaan shaki ka jirin in go’aanka Madaxweyne Silaanyo sida dhibta yar ugu ogolaaday Ganacsade Abu Yaasir dhismaha maxjarka labaad ee Berbera inuu noqon doono mid in badan la qoomamayn doono oo albaabada u xidhi kara gebi ahaanba dhoofka xoolaha dekedda Berbera, maadaamoo aanu Shahaado caalami ah oo laga ogolyahay Sayladda xooleheennu u dhaafaan ee dalka Sucuudiga, isla markaana waxa uu saamayn muuqata ku yeelan karaa, suuqana ka xidhi karaa maxjarka rasmiga ah ee soo nooleeyey dhaqaalihii dalka ee muddada dheer u dabranaa dhoofinta xoolaha nool ee Somaliland oo ah qanniimadda keliya ee dalkeennu debadda u dhoofiyo.

Maxamed Xarrago (Tifatiraga Shebekadda Berberanews.com)

Login