August 29, 2010

Faallo: Damac La’aanta Gabiley, Dulqaadka Wajaale, Duur Xulka Siilaanyo iyo Dareen la’aanta Shacabka.

Gabiley waxay ku Badalatay Lixdankii kun ee Cod ee ay islahaayeen Faa’iido ayuu soo wadaa in Shaqadda lagaga eryo 10 masuul…!!!!

Wakhtigii ololaha Doorashada Somaliland waxaa ka jiray Guud ahaan Dalka Somaliland Tartan Xoogan oo lagu kasbanayay Taageero, Xisbi kastaana Dhankiisa u raadsanayay Taageerayaal, kuwaasi oo loo Samaynayay Balan Qaadyo dhinac walba leh.

Waxaa jiray Saadaal iyo Rajo Xisbi Waliba ku Xisaabtamayay Gobollo gaar ah oo ku Rajo waynaa inay Codkooda siin doonaan, ka dib marka ay ku Qancaan Barjaamika Xisbigiisu soo bandhigo.

Gabiley Waxa ay ka mid ahayd Goboladda Difaaca u ah Xisbiga Maanta ku Guulaystay Tallada Dalka Somaliland waana Halkii uu Axmed Siilaanyo Saldhigan jiray marka ay Saadaashu isbedesho, waxaa intaa sii Dheerayd Degmada Wajaale oo ka Tirsan Gobolka oo iyadu Muruqooda iyo Maalkooda Galiyay sidii Xisbiga Kulmiye usoo bixi lahaa kana Dhabeeyay Hadafkoodii iyo ujeedadii ay ka lahaayeen inay ku Guulaystaan Taladda Dalka.

Aan u daadago Dulucda Mawduuca aan Qalinka u Qaatay inaan wax ka taataabto manta, Waxaa is waydiin Mudan, Axmed Siilaanyo Maanta hadii uu ku Guulaystay Tallada Dalka ma dhagaha ayuu ka furaysanayaa Dadkii Soo doortay ee Maalkoodu ku baaba,ay Guushiisa?

Ma waxa uu illawsanyahay Awoodii iyo Cududii badashay Daahir Rayaale inay Meesha ka maqantahay? Ma Waxa uu isleeyahay Gabiley Hadaad Siisay Wasaarada Arimaha Dibada Wax danbe kuuguma hadhin? Ma waxa uu la Dagaalamayaa Siyaasiyiinta Gabiley si aanay u hana Qaadin? Mise Waxa uu Jaanis siinayaa Mucaarid hor leh oo Gilgila sidii Xukuumadii hore?.

Su’aalahaasi iyo Qaar kale oo badan waa kuwo ay iswaydiinayaa Dadka ku dhaqan Gobolka Gabiley, Gabiley Maanta Waxaa u baryay Waa Cusub oo Walaac iyo Walbahaar leh, Waxaa soo Dib usoo Abuurmaya Mucaaridnimo aanay Filayn inay Dib ugu soo Noqdaan, Waxaa Bilaabmay Guux badan oo ku lidi ah Xukuumada Cusub ee Madaxwayne Siilaanyo Soo dhisay.

Gabiley waxay ku Badalatay Lixdankii kun ee Cod ee ay islahaayeen Faa,iido ayuu soo wadaa in Shaqadda lagaga eryo 10 masuul oo Xilal Wasiirro u dhigma ka hayay Xukuumadii Rayaale, kuwaasi oo Dhamaantooda ka soo jeeda Gabiley, Taasi oo noqotay Isbeddelkii ay ku taamaysa Xukuumada Cusub inay Dalka ka samayso.

Isbeddelku maaha hebel, hebel ku Beddal balse waa in Talo talo badasha meesha la keena, Axmed siilaanyo waxa uu baday masuuliyiin aan Shaqada ay hayaan Cid qaban kartaa jirin, oo ahaa biri ma gaydo aan la taaban illaa Dawladii alle ha unaxariistee Maxamed X. Ibraahin cigaal.

Waxaa wax lala yaabo ah Damac la’aanta foosha xun ee Siyaasiyiinta Gabiley iyo Waxa ay la aamusanyihiin ee ay ugu jawaabi laayihiin Dadkii ay matalayeen iyo Shicibkii ay Hormoodka u ahaayeen, mise Tolow Xantii la sheegayay ayaa Dhab noqotay ee lahayd, Gabiley hadii la siiyo Wasiirka Arimaha Dibada Dib usoo jeedsan mayso?.

Ilawsho Dhawaa ma Umulbaa Xukuumada siilaanyo? Ma Durba ayuu ilaaway hiilkii Togwajaale, hirdankii Gabiley u soo gashay Guusha Xisbigiisa, Talada xumi waa tii meesha ka saartay Xukuumadii Daahir rayaale, hadii aad ku Dhaqanto inaad Fuliso balan qaadyadii aad ku taamaysay Wakhtigii ololaha wax kaa Xumaanayaa ma jiro, Dadka somalidu waa indho ku garaadle markaa waxaan ku odhon lahaa inta aad dhawdahay dib isugu noqo, dadkii ku soo doortayna dib u fiiri wax badan ayaa halkaa kaaga soo bixi doona.

Xukuumad waliba mucaarid ma waydo balse waxaa jirta Taariikh ma hadho ah oo is qoraysay taasi uunbaana ka dhaxal ah wax lagaga tago Dal ama Dad, somalidu waxay tidhaahdaa Biyaahan hordooda arko dabadoodu waa huube bal aan sugno Hadhaaga iyo waxa ay soo Wada Xukuumada Cusubi.

Nimco Muxumed Ibraahin  - Gabiley News Reporter

Hargeisa/Somaliland

Email: Qaali540@hotmail.com

Login