August 29, 2010
“Siilaanyo Waxaan u Sheegayaa in Aanay Talladu Ahayn inta ku Xeeran ee waa Inaad Sanaag-bari Saamigooda Xaqa ah Siisaa, Haddii ay Kaa Waayaana…” Md. Maxamed Cismaan Bulqaas
Hargeysa (Jam) - Md. Maxamed Cismaan Bulqaas oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa cabashadii ugu weynayd ka muujiyey saamiga madaxweyne Siilaanyo ka siiyey xukuumadda Beesha uu ka soo jeedo ee Sanaag Bari, isla markaana caddeeyey in haddii madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) Beesha uu ka soo jeedo siinin saamigeeda ay ka tashan doonto, isla markaana ay yeeli doonto wixi danteeda ah.
Md. Maxamed Cismaan Bulqaas oo shalay saxaafadda ugu waramay Hargeysa, waxa uu sheegay in isaga iyo dadka ku nool deegaanka uu ka soo jeedo ay xukuumadda Siilaanyo u arkaan wax ka fog caddaaladda oo wixii damiir lihi aanu u dulqaadan Karin.
“Anigoo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada kana soo baxay gobollada Sanaag Bari , xukuumadda madaxweyne Siilaanyo soo dhisay aniga iyo Beesha aan ka soo jeedo waxaannu u aragnaa inay tahay mid cadaalada aad uga fog oo aan loo dulqaadan Karin wixi damiir leh ee ka danaynaaya jiritaanka qaranimada Somaliland,” ayuu yidhi Md. Bulqaas, isaga oo intaa ku daray, “Xukuumadan cusub ee uu soo dhisay madaxweyne Siilaanyo maaha mid isku dheeli tiran, beelo dhan oo degen xayn-daabka Soomaliland kana mid ah, ayaa xuquuqdii iyo saamigii ay ku lahaayeen xukuumaddan cusub la duudsiiyey amma la inkiray, sababtana waxa ka masuul ah madaxweyne Siilaanyo iyo inta uu tallada ka qaato, wixi halkaa cawaaqib xumo ka yimaadana isagaa ka masuula, iyadoo Somaliland ka kooban tahay Beelo wada dega, laga soo bilaabo intii ay Somaliland gooni isu taagtay.
Laga soo bilaabo shirweynihii lagu doortay madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxaanna ka soo baxday dawlad loo dhan yahay oo ay ka mid yihiin Beelaha wada degaa, inkastoo aanay dheeli tirnayn saami qaybsigu uu caddaalada ka foogaa oo aan lagu qanacsanayn.
tusaale haddaan u soo qaato Beelaha Harti waa sababta ay ilaa hadda uga maqan yihiin xayn-daabka Somaliland, laga soo bilaabo shirkaa Booraama ee lagu doortay Marxuun Cigaal ilaa tii Riyaale madaxweynaha ka ahaa ee xilka lagala wareegay, tabashadii Hartigu wax sidaas ah iskamuu badalin oo xataa maamulkii gobollada Hartiga lama gaadhsiin loogumana tala galin in la gaadhsiiyo, wax mashaariic oo haba yaraatee la gaadhsiiyey ma jirin oo siyaasada Riyaale ayaa ku dhisnayd in Harti badankiisu ka maqnaado maamulka Somaliland.
Haddaan u suu gunda-dago xisbiga KULMIYE ee uu hoggaaminayey madaxweyne waxa uu ku taami jirey oo barnaamijkiisa siyaasadeed ka mid ahaa in Beelaha dega gobollada Bari ay saamigooda ka helayaan, wuu ku guulaystay doorashadii, aniga iyo xubnihii kale ee ila midka ahaa ee ka tirsanaa Beelaha waxaannu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulnay sidaanu ku ridi lahayn xukuumaddii Riyaale, dhaqaale badanina nagaga baxay oo ilaa hadda aanaan waydiinin dayntii xukuumadda Siilaanyo.
Sidaas awgeed waxaan fariin u dirayaa madaxweyne Siilaanyo, Golayaasha Qaranka, Salaadiinta, ururrada iyo shacabka reer Somaliland in Beesha Warsangali ay degaan ahaan leedahay laga bilaabo Ceerigaabo ilaa Boosaaso oo isku jirta masaafo ahaan 500Km, waxaanna Beesha labaad ee Somaliland ugu weyn degaan ahaan.
Sidaa daraadeed may garan waayin inay tashadaan oo wixi ay doonayaan ay yeelaan, balse waxay ixtiraamayaan jiritaanka Somaliland, waxyaabaha aynu ictiraafka ku la’nahay waxa ka mid ah dhaqanadaa ay ku soo dhaqmaayeen xukuumaddihii kala duwanaa ee cadaalada ka foogaa iyo saamigii ay Beelahaasi ku layaayeen oo layska idho tiray.
Waxaan idiin sheegayaa in aanu dhawr jeer wada kulanay madaxweyne Siilaanyo oo aanu ka wada hadalnay saamigayaga xaqa ah oo uu noo ballanqaaday, sidaas awgeed ballankii wuu ka baxay, sida ka muuqata xukuumadda uu iminka soo dhisay.
Madaxweyne Siilaanyo waxaan u sheegayaa in aanay talladu ahayn inta ku xeeran ee waa inaad Beeshayada saamigeeda xaqa ah siisaa, haddii ay kaa waayaana ay kaa tashan doonaan oo ay danahooda qabsan doonaan.”
Jamhuuriya Online
