August 25, 2010

Safiirka Ingiriiska Ee Ethiopia la Kulmay Sheekh Casharkiisa Laga Joojiye Radio Hargeysa!

Hargeysa (Yool) - Safiirka Dawladda Ingiriiska u fadhiya dalka Itoobiya Mr. Norman Ling iyo Wefdi uu hoggaaminayey oo muddo laba cisho ah booqasho ku joogay Magaalada Haregeysa, ayaa shalay kulamo fool-ka-fool ah la yeeshay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, kuwaasoo sida Weftigu ku sheegeen shir ay Saxaafadda u qabteen ay xog-warsi kala yeesheen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin la-dagaallanka Argagixisada, Budhcad-badeedda iyo qaabka loo horumarin karo kaabayaasha dhaqaalaha ee Somaliland.

Booqashadan Safiirka oo marka loo eego safarradii hore ee ay dalka ku iman jireen Wufuud ka socota Dawladda Ingiriiska ahaa mid si weyn ugaga duwan waxyaabihii lagu yaqaanay xilliyadii hore ee ay dalka iman jireen, gaar ahaan dhinaca ilaalinta nabadgeliyada xubnaha Weftiga oo xilliyadii hore ku ekaan jirtey gacanta dawlada Somaliland, balse ay xubnaha wefdigani ahaayeen kuwo dhaqankaa hore baalmaray, isla markaana ay safarkoodan ku weheliyeen koox ilaalo ah oo u xilsaarneyd sugidda ammaankooda muddada ay dalka joogaan, arrintan ugubka ah oo marka si guud loo eego u muuqata mid Somaliland iyo Xukuumadda cusubba ku noqon karta calaamad-su’aal dusha ka saartay.

Waxa kaloo iyana ka mid ah waxyaabaha booqashada Weftiga Ingiriisku ay kaga duwaneyd kuwii hore kulamada ay Weftigu sida tooska ah ula yeesheen tiro dhawr ah oo ka tirsan Golaha Wasiirrada, taasoo aan hore u dhici jirin marka la barbar-dhigo Xukuumadihii hore ee maamulka Somaliland u soo kala dambeeyey. Xilliyadaas oo Wufuudda dalka timaada sida lagu yiqiin inta badan ay kulammadooda la qaadan jireen oo keliya Madaxweynaha iyo kolba inta uu u xusho inay kulanka kala qaybgalaan.

Haddaba, booqashadan oo noqotay mid la kowsatay weji cusub oo aan noociisu hore bulshadu uga baran Wufuudda dalka imanaysa, ayaa waxa ay noqotay mid ay dadweynuhu hoosta ka xariiqeen, gaar ahaan kulamada Safiirka Ingiriisku la yeeshay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada ee uu dhowaan soo dhisay Madaxweynae Axmed Siilaanyo, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Cabdi Gabboose, Wasiirka Maaliyadda, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Khaliil, Wasiirka Duulista iyo Hawada, Maxamuud Xaashi iyo Sheekh Yuusuf Cabdi Xoorre oo ka tirsan Culimada Somaliland, isla markaana uu dhowaan Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu ka joojiyey barnaamij Diini ah oo uu ka sii deyn jiray Idaacadda Radio Hargeysa, kaasoo markii cabasho badani kaga timi uu Wasiirka dib ugu oggolaaday in Wadaadku uu dersigiisi dib uga sii daayo Idaacadda.

Geesta kale, arrimaha ka soo dhexbaxay booqashada Safiirka waxa ka mid ah, safar deg-deg ah oo sida la sheegay uu dhowaan Madaxweyne Siilaanyo ku tegi doono dalka aynu deriska nahay ee Itoobiya, iyadoo uu hore Madaxweyne Siilaanyo carrabka ku dhuftay hadalkii koobnaa ee uu ka jeediyey xafladdii ay xilka kula kala wareegayeen isaga iyo Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin inuu martiqaad ka helay dawladda Jabuuti, isla markaana uu tegi doono marka uu Xukuumadiisa soo dhiso kadib.

Docda kale, qaar ka mid ah dadka arimaha siyaasadda ka faalooda oo Wargeyska “Yool” xalay wax ka weydiiyey arrimaha la odhan karo waxay tallaabadii u tahay bidhaan togan, ayaa booqashada Weftiga Ingiriiska waxay tilmaameen in ay aheyd mid ishaa-falato siyaasadeed ama Yool-baadh, isla markaana xubnaha Weftigu uga gol-lahaayeen sugidda warar iyo xogo aanay u bogin oo ay ka heleen laamahooda Sirdoonka, kuwaasoo ah qaar dhaawac u keeni kara istiraatiijiyadda siyaasadeed ee ay ka leeyihiin Gobolkan Geeska Afrika, waxaanay xuseen in hoggaanka cusub looga baahan yahay in uu gude iyo dibadba la yimaado hab-dhaqan siyaasadeed cad oo aan mad-madow ku jirin.

Source Wargyska YOOL

Login