August 23, 2010
Go’aanka Xirsi Halkuu Ka Marayaa Balanqaadkii Siilaanyo u Qaaday Shaqaalaha Dawlada Wakhtigii Doorashada.
Shalay ayuun buu soo baxay go’aan ku qoran luuqad kakan oo chief of cabinet madaxtooyadu ku sheegay in uu shaqadii kaga eryey sadex ka mida shaqaalaha madaxtooyada. Waxaana la sheegay in uu Ablay ula soo baxay mid ka mida shaqaalaha uu eryey oo ahaa agaasime ku-xigeenkii xafiiska arkiifiyada madaxtooyada. Hadaba, Ablaydu ha inoo dambaysee, waxa jirtey in wakhtigii xisbiga Kulmiye olalaha doorashada ku jirey suuqa ay soo gashay in kulmiye dareerin doono dhamaan shaqaalaha dawlada uu markaa tartanka kula jirey ee Udub ka koobnayd.
Laakiin taasi waxa ay damtay markii murashixii xisbiga kulmiye ee imika ah madaxweynaha dalku Axmed siilaanyo uu afkiisa ka sheegay in aanuu dareerin doonin shaqaala weynaha dawlada. Hadaba madaxtooyadii uu Axmed Siilaanyo laftigiisu fadhiyey ayey ka dhacdey fadeexadani su’aashuna waxay tahay miyaanuu chief of cabinet ka madaxtooyadu ogayn in kulmiye taageero badan kaga helay shaaqalaha dawlada markii doorashada kuwaasoo u doortey kumliye is ka daa eris iyo dagaal midna,e in ay heli donaan daryeel ka badan ka ay wakhtigaa haysteen?
Se dareen intee leeg ayey tusaysaa shaqaalaha ka fog madaxtooyada ee arkaya in eriskii oo dagaal lagu daray ka bilaabmay xayn daabka xafiiska madaxweynaha?
Aan u daayo ka jawaabista su’aashaas iyo fikirkeedaba chief of cabinetka madaxweynaha ee bilaabay isagu arintan, hanan xusuusiyo mudane Axmed maxamed Siilaanyo in lagu doortey barnaamijkii iyo balanqaadkii xisbigisii uu gadhwadeenka ka ahaa isagu kasoo xitaa markii loo boqray madaxwenaha ku cel_celin jrey in uu fulinayo balanqaadkii iyo barnaamijkii xisbiga kulmiye. Intaana u dhaafi mayo eriska iyo saamaynteeda oo in ka badan inta aan sheegay u muuqata qof masuul ah sida axmed siilaanyo iyo xirsi cali haaji xasanba.

Ta ka daran ta aan sheegay waa middida aan xaga hore ku soo sheegay in kasta oo cadayn dhaba u hayn middidaas iyo xaqiiqadeeda, hadana waxa aan ku rumaystay markii aan ka maqlay meelo badan oo xogta dadka u soo gubiya oo saxaafadu ka mid tahay in dad goob jog ka ahaa dhacdadaa.
Su’aashuna waxay tahay middida ma dhaqan ahaan ayuu xirsi u sitey mise is difaacid?
Hadii uu xirsi u sitey middida ta hore ee dahaqnka miyaanuu ogayn goobta uu ka shaqeeyaa in ay tahay goob xasaasiya oo iska daa hube aan la ogolayn gacan ka hadal. Hadii uu sitay ta dambe ee difaacida horta dadka uu iska difaacayaa ma shaqaalaha uu madaxda u yahay baa mise waa dad kale oo dibada ka iminaya labadaba ta uu doono ha ugas jeedee miyuu iloobay in madaxtooyada ay joogaan ciidan xoogan oo kaliya amaanka masuuliyiinta madaxtooyada suga.
Ta kasii daran taas ayaa ah in uu xirsi middida ula soo baxay midka mida shaqaalaha isaga ka amar qaata oo iska daa dagaale ku filnayd amar uu siiyo uun. Mide kale hadii xirsi uu madaxtooyada u soo qaato midi uu ugu talo galay in uu ku daagaalamo miyaanuu khatar ku jirin amaanka madaxweynuhu?
Guntii iyo gabagaba maqaalkan waxaa mudan in axmed siilaanyo wax ka qabto arintan oo dadweynaha intii maqashay ka yaabisey walibana yuu diba u dhigine imika ha ku dhaqaaqo waayo soomaalida ayaa tidhaa gees lo’aad kulaylkaa algu gooyaa hadii siilaanyo arimaha bilowga wax kaga qabana wax ay saamayn doontaa wakhtiyada dambe ee la is idhaa xaliya.
Hab dhaqanka qalafsan ee madaxda dawladuna waxa ay dadka ku beertaa nacayb ay neceb yihiin maamulkaasi, taasoo sababta in ay marka dambe ridaan, tusaalana waxa ku filan xukuumadii Udub ee riyaale hor boodi jirey.
Xirsina waxaan leeyahay maanta hadii aad qof shaqaalahaagii ah oo amar aad siisaa ku filnaa aad middi ula soo baxdey maxaad ku samaynaysaa masuul kaa sareeya oo aad is af dhaaftaan saw ma aha middidii uun.
Maxamed Ibraahim Maxamud “cirro”
Email: m.cirro1@gmail.com
Hargeisa, somaliland
