August 23, 2010

Caddaalad-darro: Isudheelitir La’aanta Qaab-dhismeedka Dawladda Cusub

Dawladda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilanyo ee dhawaan la soo doortay ayaa durba ku kacday khaladaad la mid ah kuwii ay sameyn jireen dawladdii hore ee musuqmaasaqa ahayd ee Rayaale. Dawladdan cusub waxa laga filayey inay la timaaddo isbeddel, caddaalad iyo inay saxdo ama toosiso wixii maamulkii ka horreeyey xumeeyey.

Dad badan ayaa u han weynaa dawladda cusub filayeyna, caddaalad iyo isbeddel inay keento. Dadkaa waxa ku yimi niyad jab-weyn, markay arkeen hab-dhismeedka dawladda Siilaanyo hoggaaminayo. Dawladda waxa ka maqan isu dheellitirkii awood-qaybsiga deeganada ama beelaha Somaliland. Somaliland inagoo qaadanay habka xisbiyada badan, doorashana ku galay saddex xisbi qaran [KULMIYE, UCID iyo UDUB] ayaa qofkasta oo masuul siyaasi ah oo yaqaan dhaqanka iyo qaab-dhismeedka bulshada Somaliland marka maamulka dawladda la dhisayo inuu ilaaliyo habka isu dheellitirka deegannada ammaba beelaha Somaliland. Dadka uu u soo xulay inay wasiirro noqdaan shakhsi ahaan ma dhaliilayo, waana dad leh tayadii looga baahnaa shaqada.

Haddaba, adigoo mar walba xulanaya tayada haddana inaanad ka tagin isu dheellitirka, iyadoo degaan walba ama beel walba aad ka heli karto dad tayo fiican leh. Arrinkaas haddaan la sixin wuxuu keenayaa in awooddii la kala badsado, waxaanay horseedaysaa caddaalad-darro.

Waxa aad looga yaabban yahay dawladdii oon muddo badan jirin in durba ay ku kacdo khaladaadkan badan. Dawladda waxa laga filayey in xal dhakhso ah oo xagga dhaqaalaha ah iyo siday u maamulayso la timaad, waxaynu filaynay inay soo bandhigto qorshaha ama odoroska dhaqaale ee ay ugu talo gashay inay waddanka ku maamusho, waxa kaliye oo aynu ka haynaa cabasho ah qasnaddii dawladda waa madhan tahay waxba lagagama taein. Maynu arag wax baadhitaan ah amma cid loo haysto am lagu eedaynayo ama waxa tallaabo sharci ah oo laga qaaday lacagtaa la sheegayo inay maqan tahay.

Cashuurtii maalin kasta waa la qaadaa, wayna soo hoyataa la inooma sheegin lacagtaas waxa lagu qaban doono iyo qorshaha dhaqaalaha ee luugu tala galay. (Mabay dhalane dhawrtaysan ogaa).

Waxa soo shaac-baxay in dawladdu qandaraas ku siisay shirkado gaar ah xadhiggan badda hoostiisa mara isgaadhsiinta oo waddanka la soo gelinayo iyadoon loo marin nidaamka ganacsiga xorta ah ee Somaliland, kaas oo xaq u siinaya qof kastoo Somalilander ah inuu ka qeybqaato una tartamo fursadaha maalgelinta.

Haddaba, dawladda Somaliand waxa laga filayey inay u soo bandhigto ganacsatada iyo shirkadda Somaliland si ciddii danaynaysa si xor ah ugu tartanto. Nasiib-darrose dawladdii waxay qandaraaska siisay dad gaar ah ama shirkado gaar ah, iyadoo dhinac martay sharcigii distooriga aha ee suuqa xorta ah iyo sharciyadisii.

Arrinkaasna haddii u sidaas ku socdo waxay keenaysaa in dhaqaalaha dalku uu ku ururo dad gaar ah, taas oo ah caddaalad-darro.

Allah Mahad leh

Kosar Aideed Abdi - London UK

Email: kosaar123@yahoo.co.uk

Login