August 23, 2010

Berbera: Maasuulkii Shanaad ee Xukuumadu Siilaayo Xilka Qaadis Ku Samayso oo Wareejiyay Maanta.

Harowo (Berbera) - Masuulkii shanaad ayay xukuumadda cusub ee Somaliland ku samaysay xil ka qaadis tan iyo intii ay maamulka dalka la wareegtay oo aan bil gaadhayn, taas oo dad badani dareen ka muujiyeen. Sida wariyaha wargeyska Hargeyska Star ee magaalada Berbera uga soo waramaa sheegay waxa xilkii Xafiiska Caashuuraha Bariga Berbera la wareegay Masuul cusub oo uu Dhawaan Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda u magacaabay kaas oo maanta xilkii kala wareegay maamulkii hore ee xafiiskaas.

Xaflad balaadhan oo xil wareejintaa loo sameeyay oo ka dhacday xarunta xafiiska cashuuraha bariga ee gobolka Saaxil ayna ka soo qayb galeen masuuliyiinta kala duwan ee xafiiskaas iyo marti sharaf kale.

Maamulihi Hore xafiiska Cashuuraha Bariga Berbera Md. C/Raxman Jibriil Cabsiiye oo ugu horayn halkaa ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Maamulaha cusub ee xilka kala wareegaya Md. Maxamed Ismacil Maxamud (Kandiid), isagoo xusay in aanu ahayn qof shaqada ku cusub, balse uu hore xafiiskan uga shaqayn jiray, waxaana hadaladii Maamulihii hore ka mid ahaa “Kolay Halkan Hore ayaad uga soo shaqaysay adiga oo Cashier ah una malayn maayo in ay jirto wax aqoon ah oo kugug dhimani xafiiskan Xafiiskan la mid ah xafiisyada kale cashuur qabta sida kastamka oo isaga bir baa u taala oo lacagi dhaafi mayso lakiin cashuuraha barigu Waa mid suuqa ku daadsan oo la soo ururinaayo iyo gaadhi suuqa ordaaya oo buugiisa iyo darwalka wata liisankiisa la cashuurayo, waxaa intaas dheer waraaqdii wado marista oo lala daba joogo Gadiidka.”

Maamulihii hore ee xafiiska cashuuraha Bariga Berbera waxa uu ka waramay xaaladda shaqaalaha xafiiskaas iyo heerka dakhliga uu soo hooyaa marayo isagoo ka waramay intii uu shaqada hayay wixii u kordhay, “Waxaa Dakhliga soo saaraa waa shaqaalaha cashuuraha bariga oo iyaga oo aan qaadan shan bilood ayaa doraato la siiyay sadex bilood laban ay u hadheen, waxa Markii aan xafiiska imi dakhliga ka soo baxaa ahaa, 8,000,000 Imika wuxuu gaadhayaa 350,0000,000 ( sadex boqol iyo konton milyan oo s.land ah).”

Ugu danbayntii Maamulihii hore ee xafiiska cashuuraha bariga ee Berbera waxa uu xilkii ku wareejiyay maamulaha cusub ee dhawaan wasiirka Maaliyaddda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi u soo magacaabay Md. Maxamed Ismaaciil Maxamed “Maanta laga bilaabo maamulaha cashuuraha bariga Berbera waa Maxamed Ismacil oo aan si kalsooni ah ugu wareejiyay xilkii, waxaanan Illaahay uga baryaya in xilkaas uu ku asturo.”

Intaa ka dib waxa isna hadal kooban oo mahad naq u badan madasha ka jeediyay Maamulaha cusub ee xilka la wareegay Maxamed Ismaaciil Maxamed, isla markaana waxa uu maamulaha xafiiska cashuuraha bariga ee Berbera sheegay in cida uu xilka kala wareegay aanay isku cusbayn oo ay saaxiib ahaayeen, isagoo u rajeeyay inuu kor u sii dalaco maamulaha xilka ku wareejiyay “Waxaan Illahay uga rajaynayaa in xilkan xil ka wayne aad qaban doontid aniguna aan halkaas ka sii ambaqaadi doono hadii Illaahay yidhahdo.” Ayuu yidhi Maamulaha cusub ee xafiiska cashuuraha bariga ee Berbera.

Sidoo kale waxa isna halkaa hadal ka yidhi xisaabiyaha Kastamka Md. Bulbul, “Anagu hadaanu nahay maamulka kastamka berbera waxaanu ula shaqandoona maamulkan cusub ee xafiiska cashuuraha bariga sidii aanu ula shaqayna jirnay kuwii hore si ka fiican.”

Maamulihii hore ee xafiiska cashuuraha bariga G. Saaxil ayaa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay shakhsiyaadka ee xil ka qabta xafiis xukuumadeed guud ahaan gobolkaas, waxaana sida la sheegay uu xilka hayay mudo dhawr iyo toban sanadood ah. Geesta kale waa masuulkii shanaad ee xilka qaadis xukuumadda cusub ee Somaliland ku samayso gobolka Saaxil, taas oo muujinaysa sida xukuumadu diiradda u saartay gobolkaas oo halbawle u ah dhaqaalaha dalka.

Si kastaba ha ahaatee waxa ka jira dareeno kala duwan oo shacbigu ka bixiyay bedelaada deg dega ah ee masuuliyiinta xafiisyadda laamaha dawladda ee Saaxil iyo Awdal oo sida muuqata dadka lagu badalay yihiin kuwo aan u dhigmin masuuliyiintii hore u joogtay xafiisyadaas, balse loo arkay in ujeedadu tahay dadkii Kulmiyaha xag jirka ahaa in loo dhiibayo.

Harowo Desk-News: Berbera, Somaliland

Login