August 23, 2010

“Alif Kaa Qaldamaa Al-Baqruu Ku Dhibaa…….Masuul aan Jirin oo aad Magacawdaa Maamulkaaguu Dhibaa”

xukuumadda-siilaanyo-small Waxaan salaamayaa dhamaan umada muslinka gaar ahaan umuda soomaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaanan leeyahay RAMADAAN KARIIM. Guud ahaan Somaliland waxaa ka dhacay Codbixin lagu dooranayo Madaxweyne  iyo kuxigeenkiisa kaas oo ay tartameen xisbiyo horay u tartamay ee UDUB, KULMIYE,UCID waxaana ku guulaystay Xisbiga kulmiye.

Waxaana la doortay Madaxweyne Ahxmed Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa C/raxmaan Saylici oo loo dhaariyey xafiisyadooda Bishii hore. Hada waxay talada wadanka hayaana waa mudo ka yar hal bil durba waxa fadeexadaha soo baxayaana waa kuwo aan horay loo arag ilaa 1993 gii.

Madaxweyne siilaanyo waxa uu magacaabay Chief of Cabinetka Madaxtooyada oo samaliland oo ah Jago aan horay uga jiray Somaliland isla markaana aan ku jiray Dastuurka Somaliland.

Haba magacaabee muxuu soo kordhiyey?

waxaa loo magacaabay Chief of Cabinetka Madaxtooyada Xirsi Cali X.Xassan (Xirsi Gaab) kaas oo aan lahayn khibrad maamul haba yaratee.

Khibrad la’aantiisa waxaa ku cadaynaysa durba mudo bil ka yar khaladaadka uu galayo oo ay ka mid yihiin in uu toddobaakii ina dhaafay uu u qoray Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha qoraal uu ku amrayo qaybta Dhaqanka ee wasaarada loo magacaabay inuu ku wareejiyo wasaaradda Ganacsiga. Qoraalkaas oo uu u cuskaday in sidaasi uu Madaxweynuhu Amray.

Hase yeeshee waxa uu warku sheegay wasiirka Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo dhaqanku inuu ku gacan-saydhay Chief of cabinetka amarkiisaas taasoo sababtay in la iskula tago Madaxweynaha.

xukuumadda-siilaanyo

Warku waxa uu intaa ku daray Madaxweyne Siilaanyo inuu arrintaasi ka xumaaday, isla markaana uu amar ku bixiyay inaanay suurtogal ahayn qoraalka uu xirsi wasiirka ku amray inuu wasiirka kale ku wareejiyo xilkiisa, isla markaana ay tahay arin aanu isagu amrin ee uu xirsi iska samaystay.

Dhanka kale shalay ayuu waxa uu shaqada ka joojiyey Sadex Sargaal oo ka tirsan madaxtooyada, kuwaas oo uu u istcimaal Qoraal Qaabka Dawladnimo ka baxsan ‘Eris” iyo waliba Mindi ama Tooray qofba sida uu u yaqaano in uu kaga soo saaray Madaxtooyada, taas oo sharci ahaan aan meesha ku jirin, hadii la helo maxkamad cadaalad ahna uu ku mutaysan doono Cheif of Cabinetku Ciqaab culus.

Isku soo wada duboo Somalidu waxay ku maahmaahdaa “Alif kaa Qaldamaa Al-Baqruu ku dhibaa.” Madaxweyne siilaanyo waxa uu magacaabay Chief of Cabinetka Madaxtooyada oo samaliland oo ah Jago aan horay uga jiray Somaliland, isla markaana aan ku jiray Dastuurka Somaliland, taas oo ku noqon doonta cawaaqib xukun oo horjoogsan doona maamulkiisa.

Waa Qalinkii: Abdiaziz Mohamed Elmi

Email: Xaaji7777@hotmail.com

Login