August 22, 2010

Xisbiga UCID oo Ku Eedeeyay Xukuumadda Siilaanyo In cid gaar ah ay kooto ugu xidhay Isgaadhsiinta Badda, Kana Digay Cawaaqibka Ka Dhalan Kara

Hargeysa (Harowo) - Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka Ee UCID ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo si kulul ugu canbaareeyay qorshe uu sida ay u dhigeen ku maagaan yahay in isgaadhsiinta Badda Hoosteeda la dhigayo ee Cable-ka ah doonayo in shirkad gaar ah kooto loogu xidho.

Shir jaraa’id oo maanta ay qabteen Masuuliyiin ka tirsan xisbigaas oo uu hor kacayo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee xisbiga UCID, Md. Aadan Maxamed Mire Waqaf, ayuu Mr. Waqaf si kulul ugu cambaareeyey, isla markaana sharci-darro cad ku tilmaamay go’aan Madaxweyne Md. Axmed-Siilaanyo Shirkad gaar ah ku siinayo keenista Isgaadhsiinta Badda hoosteeda

Guddoomiye ku-xigeenka UCID Md. Waqaf ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Huteel Imperial ee magaalada Hargeysa, waxa uu Madaxweynaha ugu baaqay inuu si dhakhso ah uga noqdo tallaabada uu kootada ugu xidhay Cable-ka Badda la hoos dhigo.

Md. Waqaf waxa uu xusay inaan maanta Md. Siilaanyo looga fadhiyin inuu qaybo ka mid ah ganacsiga xorta ah ee dastoorka Somaliland muwaadiniinta u damaanad-qaaday cid gaar ah kooto ugu xidho, maadaamoo uu shalay markii uu Mucaaridka ahaa waxa ugu badan ee uu ku cambaarayn jirin Xukuumaddii hore ay ka mid ahayd arrintani.

War-Saxaafadeed uu shirkiisaa Jaraa’id ka akhriyey Aadan Waqaf, waxa uu u dhignaa sidan:- “Iyadoo lagu gudo jiro bisha barakaysanee Ramadaan, Xisbiga UCID waxa uu salaan u dirayaa dhammaan shacbi-weynaha JSL, waxa kale oo aanu ilaahay (SWT) ka baryeynaa inuu dambi-dhaaf, naxariis iyo hanuun inaga siiyo bisha Ramadaan, shacabigana himiladooda ku guuleeyo , dalkana ka yeelo mid barwaaqo ah, amni iyo nabadna ku naalooda. Xisbiga UCID waxa uu mawqif cad iska taagayaa arinta muranku ka taaganyahay baryahan danbe ee CABLE-ka iskaadhsiinta casriga ah ee badda hoosteeda lasoo marinayo. Xisbigu isaga oo ugu horayn ka duulaaya mabaadida dhaqaale ee dastuurka JSL sheegay, isla markaana ixtiraamaya danta guud iyo maslaxda bulshada reer Somaliland, waxa uu ku baaqayaa.

In Xukuumada JSL si ay uga dhabayso isbadal dhab ah isla markaan uga soo baxdo kaalint dadwaynuhu ka rajaynayaan oo ay ixtiraamto dastuuka qaranka oo si cad u sheegaya in nidaamka suuqa xorta ahi yahay ka kaliya ee dalka ka shaqayn kara, isla markaan ay reeban tahay wax kasta oo dhaqaalaha dalka ku koobaya” Kooto” amma “Monopoly” cid gaara loogu xidho.

Waxaad ogtihiin in arinta Cable-ka ee baryahanba taagnayd oo laba shirkadood oo kala ah SOM-CABLE iyo DALKOM in la hadal hayay inay keenayaan Somaliland cable bada hoosteeda mara, loona sameeyay document-yo mid walba gaarkeeda ah hadana is burinaya, isla markaaana ay xukuumadii hore ku guuldaraysatay inay waafajiso dastuurka dalka.

Waxaynu ognahay in xukuumada manta talada dalka haysa oo laga filayay inay sixitaan arintaa ku samayso iyadoo raacaysa dastuurka iyo shuruucda dalka oo qofkasta xoriyada u siinaya ku tartanka maal galinta, iyadoo la marayo nidaamka ganacsiga Somaliland iyo shuruucdiisa ay maantaba ku dhaqaaqday jidkii xukuumadii hore ee Kootada ahaa. Iyadoo CABLE-kaas Kootaysay. Sidaas darteed arintaasi waa mid nasiib daro ah oo khilaafsan balanqaadyadii isbadalkii dadka logu baaqayay.

Haddaba xisbiga mucaaridka ah ee UCID waxa uu ku baaqayaa in arinta CABLE-keenidu ay tahay mid ay u simanyihiin dadwaynaha reer Somaliland, waana inay noqotaa wax si furan cidii danaynaysa ee buuxisa shuruudaha ay qawaaniintu u keento. Haddii ay yihiin labadaas shirkadood iyo cidkasta oo keeni karta.

Waxaanu aminsanahay in haddii arinta cable-ka la waafajiyin waayo dastuurka qaranka inay dhici doonto inaan arinta shidaalka ee TOTAL iyo arinta xoolaha iyo wax kale oo iman karaba aan laga hadli karayn, oo waxkasta ay noqon karaan KOOTO. Taas oo kasoo horjeeda maslaxada ummada iyo mabaadida guud ee qaranka ee dastuuku jideeyay.

Waxa xusid mudan oo tusaale inoogu filan in dalalka jaarkeena ah ee badaha leh dalkastaa uu leeyahay cable-lo bada hoos mara oo tartan kuwada jira cid gaar ahna aanay u xidhin, tusaale ahana Jabuuti waxa mara ilaa shan  CABLE, oo ay hoy u tahay PORT SUDAN, wax iyana mara saddex CABLE Kenya, sidaas daraadeed xisbi ahaan nooma muuqato wax loogu baahanyahay in cid gaara cidii doonto ha ahaatee loo siiyo arintan KOOTO amma Exclusive Right.

Ugu danbayn waxa naga tallo ah in arintan iyo mid kasta oo ganacsi amma dhaqaale la waafajiyo dastuurka dalka lagana fogaado in lagu dhaco khaladaadkii xukuumadii hore gashay ee dhinaca maalgalinta, taas baana ah wixii uu isbadalku ku baaqayay. ·Sidoo kale waa in la ilaaliyo qaranimada JSL, arintaasina aan cidna  loo daba fadhiisan. ·Dadwaynaha waxa aanu usoo jeedinaynaa inay wada jirkooda, walaalnimadooda iyo midnimadooda ilaashaadan, nabadgalyadana meel looga soo wada jeedo oo la ilaashado xukuumadana la is garab taago, wixii sax iyo horumar ah ee ay ku talaabsato, wixii khaladaad ah ee ay la timaadana looga nasteexeeyo, wixii bulshada shaki kala galinayana laga fogaado.

Waxaynu horumar ku gaadhi karnaa wada-jir, midnimo, iskaashi, dastuurka iyo  waxaynu ku heshiinay oo la wada ixtiraamo.” War-Saxaafadeedkaa markii uu dhammeeyey ka dib Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga UCID Aadan Maxamed Mire Waqaf waxa ay Wariyayaashu waydiiyeen su’aalo la xidhiidha mawduuca uu ka hadlay, kuwaasoo uu jawaabo ka bixiyey, waxa ka mid ahayd su’aal laga waydiiyey inuu ummadda u caddeeyo nooca heshiiska Madaxweynuhu shirkadda la galay iyo inuu magacaabo ta ay tahay shirkadda kootada loogu xidhay inay Somaliland keento isgaadhsiinta Badda hoosteeda, hase ahaatee, waa uu ka war-wareegay inuu carrabka ku dhufto magaca shirkaddaas, isla markaana, waxa uu ku adkaystay in shirkaddaa caddaynteeda Xukuumadda Siilaanyo looga fadhiyo, hase ahaatee, uu isagu ka hadlayo qaddiyadda guud ee Muwaaddiniinta.

Harowo Desk-News: Hargeysa

Login