August 22, 2010

Ganacsatadda Bacad Yaalka Hargeysa oo Maanta Mudaharaad Cabasho ah Ka Sameeyay Wasaaraddda Arimaha Gudaha Iyo Jawaabtii Gaboose Siiyay

Hargeysa (Harowo) - Ganacsatadda Dibad yaalka ah ee maagaaladda Hargeysa qaybahooda kala duwan xubno ka tirsan ayaa maanta cabasho ay ku diidan yihiin, amar dawladda hoose mudo 7-cisho gudahood ah inay ku baneeyaan goobaha ay ka ganacsadaan ugu sheegtay ka hor sameeyay wasaaradda arimaha gudaha.

Ganacsatadan oo ah dadka meelaha wadooyinka dhinacooda wax ku iibsha, kana koobnaa Hiliblayaasha, Qaadlayda, hadhuudhlayda iyo kuwo alaabooyinka yar yar iibiya ayaa cabashadooda ku muujiyay sida aanay suura gal ugu ahayn xiligan inay ka guuraan meelihii ay nolol maalmeedkooda kala soo baxayeen, meel kale oo loo rarayana aan loo sheegin.

Wasiirka arimaha gudaha ee xukuumadda Axmed Siilaanyo oo dadkaas markii danbe la hadlay ayaa hadalo is burinaya iyo qancin bilaa natiijo ah, ka siiyay sida ay xukuumadu ka yeelayso, Wasiir Gaboose waxa uu amarka dawlada hoose ku bixisay inay baneeyaan goobaha ay ku ganacsadaan ku tilmaamay mid khalad ah, hasa yeeshee loo baahan yahay ayuu yidhi in wadanka la hagaajiyo.

Wasiir Gaboose ayaa hadana ku tiraabay in maamulkii ka horeeyay ee Xukuumadii Rayaale dedaal wayn ku bixisay nabad galyada dal dhisan oo nabad ahna ay ku wareejisay iyagana aan looga fadhiyin in ay burburiyaan, hasa yeeshee dadweynahaas ganacsatada ah ee cabanayay ayaa dood iyo gar-naqsi adag kala hor yimi wasiirka iyagoo sheegay in xukuumada talada haysaa dan ka lahayn nolosha shacabkeeda.

arimaha-gudaha

Hadaladii Wasiirka arimaha gudaha Md. Maxamed Cabdi Gaboose waxa ka mid ahaa, ”Waxba idinka qarin maayee, sidaad nabadda ugu fara adayg-teen waad ku mahadsan tihiin, Annagu haddii aannu Kulmiye nahay nacayb kasta aannu u qabno Xukuumaddii hore, waxaan marar horena ka markhaati furay inay dhistay dhinaca amniga iyo nabadgalyada si buuxda, annagana Illaahay ha nagu garab-galo. Dawladnimadu waxa weeye inaad nagaga cabataan waxbarashadu way naga xun tahay, waddadayadu way xun tahay, nadaafaddayadu way xun tahay, biyahayagu way xun yihiin, halkaad idinku na dardargelin lahaydeen waxaad leedihiin Booskayagiibaa nalagu xidhay…..”

Wasiirku mar uu ka hadlayay amarka dawladda hoose ee lagu rarayo dadkan dibad yaalka ah waxa uu yidhi “Waxba kama jiraan arrintaa, anigaa la hadlaya Maayarka, khalad baan u arkaa amarkaas, waayo? Dadna waa dad horumarka diiddan oo meel walba jiq ka iskaga dhigaya, dadna waa dad u dulqaadanaya in la sameeyo sida u wanaagsan ee xalku ku jiro.”

Dhinaca kale dadweynaha cabanayay oo mar walba dhexda kaga boodayay hadalka Gaboose ayaa waxa ka mid ahaa hadaladii ay ku tiraabayeen, “Dawladdu waxay xaq noogu leedahay way naga helaysaa, cashuur-bay xaq noogu leedahay……Annaguna waxaannu xaq ugu leenahay meel aannu ku ganacsanno,  meel aannu ku nabadgallo, waxaannu xaq ugu leenahay meel nalagu aaso, waxaannu xaq ugu leenahay meel nalagu aannu seexanno, maanta waxaannu ka hadlaynaa halkii aannu ku ganacsan lahayn ee ay dawladdu na dejin lahayd, riix riix badan baa nagu socda oo nalagu hayaa, annaga iyo dawladdiina waa la isku kaaya dhufanayaa, markaa inta meel naloo helayo inaan nala fadhiisin ee aannu Bariiska carruurta la soo baxno oo riix-riixa iyo fadhiisinta nalaga daayo, bacadka aannu fadhinno Wasiir xarrago umaannaan fadhiisan ee dan baannu u fadhiisannay, waxaa bacadka yaalla ee maalin walba nalaga daadinayo ama kolay ha noqoto ama miis dhar saaran yahay ha noqoto ama wax kale ha noqotee mid walba Xaas iyo carruur baa laga masruufaa.”

Si kastaba ha ahaatee wasiirka arimaha gudaha ayaa xalka sida uu arko ku soo koobay hadal u eg idinkuuni (Dadkii cabanayay) hadana xalka keena waxaana mar uu arintaa ka hadlayay uu yidhi “Meesha aad doonaysaan in la idiin raro waxaad tidhaahdaan waar halkaas ayaannu ku ganacsan karaynaaye halkaa noo rara, halkaa halkas ayaa ka fiican, intaad soo shirtaan guddi u soo dhiiba sidaynu magaaladeenna u horumarin karno bilicdeeda iyo waddooyinkeeda. Aniguna anigoo idin garab taagan aan Golaha Wasiirrada iyo Madaxweynaha horgeeyo oo idhaahdo halkaas halloo raro ila qaata dalkeenna inaan horumarinno.”

Wasiirka arimaha gudaha Dr. Gaboose oo marka cidi ku mudaharaado dawladii hore ku tilmaami jiray in arin khalad ah lagula kacay ayay maanta ku adkaatay sidii uu tafaasiil uga bixin lahaa go’aanka dawladiisu ku rarayso dadwaynaha wadooyinka ku ganacsada.

Harowo Desk-News: Hargeysa Somaliland

Login