August 21, 2010

Weriye Mashqac Geliye iyo Wasiir Gabboose

Hargeysa (Yool) - Intiini la socotay Barnaamujkan “Yool-Baadhka Siyaasiyga”, waxaanu idiinku soo gudbin doonaa Waraysi aad u xiiso badan oo isla Toddobaadkan uu Weriye Mashqac geliye la yeeshay Wasiirka Arimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, kaasoo ah mid dhinacyo badan taabanay, isla mrkaana Dr. Gabboose uu kaga waramayo arimo badan oo ku saabsan dareeenkiisa maanta, ujeedooyinka siyaasadeed ee u qarsoon iyo waxa uu ku talo jiro inuu qabto mudada uu xilka hayo.

Barnaamujkan “Yool-baadhka Siyaasiga”, Waa Mawduuc Toddobaadle ah oo aanu akhristayaasha ugu soo gudbino Waraysiyo ku salaysan qaab Maddadaalo [Entertainment] ama aan idhaahdo Jacbur, kuwaasoo aanu ugu talo galnay akhristayaashayadu inay Toddobaadkiiba hal Maalin kaga nastaan arrimaha siyaasada, iyadoo aanu ku bartilmaameedsanyno hoggaamiyeyaasha Xisbiyada, siyaasiyiinta, iyo shaqsiyaadka kale ee magaca ku leh Masraxyada siyaasada ee Somaliland. Haddaba, qaybtii Labaad ee Waraysigaasoo faah-faahsan, waxa uu u dhacay sidan:

S: Md. Wasiir, sida aad la socoto waxa uu dhowaan Madaxweynuhu magacaabay Badhasaabo badan oo dhallinyaro u badan, maadaama oo aad tahay Wasiirkii Daakhiliga sideed u aragtaa isbeddelka cusub ee dhallinyarada?

J: Haddee way jirtaa arrintaasi, waana wax wanaagsan, inkastoo markii aan xaansaday la sheegay inaanu bedidoodu Dugsi Dhexe inaanay dhammaysan, qaarkoodna ay yihiin dhallinyaradii burburka la jaanqaaday. Weliba Maqac-geliyoow afkeenu waa isku ammaane, waxa lay sheegay in Innamada uu Madaxweynuhu magacaabay qaarkood ay ku jiraan kooxda ATAM oo aanay dalkaba joogin.

Laakiin waxaan kuu sheegayaa anigoo ka faa’iidaysanaya waayo-aragnimada aan Siyaasadda u leeyahay iyo weliba Dhakhtarnimadayda, in Xukuumadda uu Siilaanyo soo dhisay ilaahay raali ha ka ahaadee ay tahay tii ay Somaliland u baahneyd. Maxaa wacay marka hore waa Xukuumad ciil-beel, marka labaadna barnaamijka Madaxweynuhu noo jeexay ee boqolka maalmood ee u horreeya waxa uu yahay ka xanaaji Xamar ha u yaacdee.

Bal u fiirso ragga ku jira Golaha Xukuumadda cusub haddii maanta wax layga maqlayo waxaan u bixin lahaa (GOOD CABINET) midna waan kuu sheegayaaye intii xukunka uu ilaahay nagu guuleeyey habeen baan riyooday, inkasta oo aanan hadda wada xasuusan riyadii oo dhammaystiran, haddana waxa maskaxdayda ka go’I waayey sawir lay horkeenay oo riyada ku jiray.

Haddii aan kuu soo koobo wuxu ahaa; Golihii Xukuumadda oo saf ku soo wadajira oo Madaxweyne ilaa Wasiiro aanay cidi ka maqnayn, markaa dhanka Bidixda waxa taagnaa Xaaji Axmed oo Gadh dheer leh oo weliba gadhkiisa dhinac xiiran yahay, dhanka Midigtana waxa ugu soo horreeyey aniga, Maxamed Xaashi, Maxamuud Xaashi [Waa Usama], halkaa ka sii wad, markaa waxaanu gashannahay shaayado qurux badan oo si kale kuma garatide ah kuwa Jeebabka badan ee Wariyeyaashu qaataan, halkaa Wejigayga ku beegan waxa soo taagnaa Xirsi (Xirsi Caga-baruur) oo xidhan Muraayad madow, Garan Jidhka ku dhejisan iyo Sirwaal gaaban, waxa kaloo uu labada Gacmood ku haystay laba Ulood oo dhuudhuuban oo ah kuwa ay qaataan ragga Miyuusiga dalbada. Markaa waxaanu qaadaynay heestii qaaliga ahayd ee Soomaaliyeey toosa oo isku tiirsada.

S: Wasiir, waabad I xasuusisaye, waxa igu maqaalo ah anaad habeen dhoweyd Hutel Ambasador ku casuumtay Xildhibaannadii Beesha aad ka soo jeedo oo dhan, marka Md. Gabboose ma kuu suurtogashay ujeeddada aad ka lahayd kulankaas.?

J: KKKKK…..horta kulankaasi waa jiray, ujeeddo gooni ah oo aan ka lahaana may jirin, balse waxaan ogaaday inaad la socoto iyo inkale mooyee shirar iyo kulamo qarsoodiya oo ay baryahanba ay Beesha ka dhexwadeen rag badan oo markii hore KULMIYE ka dhexmuuqday oo isu haystay inay Kuraastayada ay ku fadhiisan doonaan, balse markii Shaybaadhka la geeyey Possotive wada noqday.

Mid kalena aan kuugu daree, anigoo fursadda ka faa’iidaysanaya waxaan u sheegaya in ciddii aanu afgaran wayno aanu xabsiga u taxaabi doono, weliba ku darsoo Wiilashaa Xildhibaannadaa waxa ku jira rag badan oo aan dhiig lahayn oo ah kuwii isbeddelku u baahnaa, ku darsa oo intii aanu wadajoognay mar aan isha wada mariyey Maskaxiyan nimankaa caafimaadkoodu aad buu u fiicnaa, marka laga reebo Xil. Aw Xoog oo isaguna u baahan laba Enjection oo Istatrab Biini-saliin ah oo weliba lagu seexiyo.

S: Mudane Wasiir, waxa jiray warar laysla dhexmarayey maalmahan dambe oo sheegayey in xilkii Wasaaradda Daakhiliga laguugu kordhiyey xil kale oo ah Dhakhtarka gaarka ah ee Madaxweynaha arrintaa maxaa ka jira?

J: Arrintaasi waa No Coment.

S: Md. Wasiir, hawsha ugu weyn ee Wasaaraddaadu u igman tahay waa sugidda nabadgelyada, sida aad la socotana waxa uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo tirtiray Guddidii Nabedgalyada oo Tuugtu aad uga biqi jirtay arrintaa beddelkeeda maxaa kaaga meel yaala?

J: Adeer Mashqac-geliyoow, waxaan u haystay inaad I fahantay, marka aan ku lahaa barnaamijkayaga boqolka maalmood ee u horreeye waa ka xanaaji Xamar ha u yaacdee, marka aan sidaa ku leeyahay dadku carruur maaha ee waxaan u jeeda, in marka ninka Tuugga ahi biqi waayo oo ay Mobile-lada dhallinyarada suuqa kaga qaadaan oo la waayo Habar suuqa gambadh ula soo fadhiisatay oo Jaad, Dahab ama Sarrifle suuqa la fadhida. Marka ay taasi dhacdo maxaa xiga caqli baad leedahaye, sow maaha dadku inay gedoodaan oo sidii lixdankii qolaba meel afka saarto.

Waxan intaa kuugu daraya, waxaynu nahay dad islaama, shacbigeenuna boqolkiiba boqol waa ururis boqol mahdabood haysta, markaa waa xaaraan inaynu Dumarka suuqa u soo saarno, dhallinyaraduna suuqa laaf-laafyoodaan, waxaan taa uga jeeda waxa nasteex ummadeena u ah cidhiidhiga, cago-jugleynta, cabbudhinta, bandowga waayo, nin Dhakhtara ayaan ahayn, waxaasoo dhamina waxaan ka helay Maskaxdii Abtigay ilaahay ha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre, waana wax wada jira.

S: Wasiir Gabboose, adigoo ka faa’iidaysanaya waayo-aragnimadaada siyaasadeed iyo aqoontaada kale, bal wax nooga taabo wixii kuugu cajaa’ib badnaa ee aad ku aragtay Xukuumadda muddadii yareyd ee aad xilka haysay?

J: Wallaahi waa su’aal wanaagsan, waxa ka mida waxyaabaha iigu cajaa’ib badanaa ee aan arkay muddadii yareyd ee aan xilka hayey waxa ka mid ah; markii Saaxiibkay Maxamed Xaashi oo aad wax u xisaabin jiray oo xilka Maaliyadda loo dhiibay, waxa markiiba I horyimid waxa uu ka yeeli doono nimankii dhallinyarada ahaa ee sida wanaagsan ula shaqayn jiray markuu mucaaradka ahaa ee xogta dakhliga u soo sheegi jiray, caddaymahana u keeni jiray. Dabadeedna, waxa ii soo baxday Saaxiibkay Maxamed Xaashi oo Computer-kii Xoghayntaba marka uu sii rawaxayo Gaadhi ku sii qaato iyo Baabuurkiisii oo xagga dambe wada Faylal noqdeen, markii uu innamadii ka wada shakiyey dee sidii ay kuugu soo basaasi jireen bay adigana kuu basaasi doonaan.

Waxa kale oo iyana aan aad ugu qoslay sheeeko maalin dhoweyd la iiga sheekeeyay oo ku saabsanayd Saaxiibkay Cabdillaahi Geeljire, hadda ninka aan kuu sheegayaa ha ku khaldamine maaha ninkii la odhan jiray Hooraaye ee reer Burco ee waa jilaagii wanaagsanaa ee Dubbe iyo Doolaal waxa la ii sheegay intuu Shaqaalihii isugu wada yeedhay ayuu qolooyinkii Agaasimayaasha ahaa waxa uu ku yidhi; “Waxaad ii keentaan xilkii Wasaaradda ee Ina Xaashi Daahir igu kiin dhiibay, waayo, inaan sidii Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo kale sanduuq madow oo afka ka xidhan la wareego,” dabadeedna intay ninkii Cabdillaahi waa Doolaale gacanta qabteen ayey afka u geliyeen saddex maqsin oo madhan iyo mid ay ku rakiban yihiin Rikoodhadii madaxkaxda ka wareegi jiray.

Login