August 21, 2010
Tuug Hubaysan Oo Dhawr Qof Badhtamaha Suuqa Hargeysa Ku Dhaawacay Iyo Cabsida Shacabka
Hargeysa (Harowo) - Waxa magaaladda Hargeysa habeenadii u danbeeyay ku soo badanayay weeraro bahalnimo ah oo kooxo tuugo ahii u gaystaan shacabka xiliyada Habeenkii, kuwaas oo keena dhaawac iyo boob dadka lugaynaya ay kaga qaataan wixii ay markaa ka helaan, hadii anay naftoodaba ugu iman.
Sida jariiradda Hargeysa Star oo ka soo baxda magaaladda Hargeysi ku warantay Ugu yaraan sadex qof ayaa dhaawacyo ka soo gaadheen weerar niman tuug ah oo ku hubaysan tooriyo iyo budhadh ay ugu gaysteen meelo kala duwan oo ka mid ah magaaladda Hargeysa. Warkan oo aanu ka helnay ciidamadda Booliska Somaliland, ayaa sheegaya in caawa fiidkii kooxo tuugo ahii weerareen dad shicib ah, dhaawacyana u gaysteen sadex muwaadin, oo ku sugnaa goobo kala duwan oo magaaladda Hargeysa gudaheeda ah.
Jariiradda ayaa intaa ku dartay, in Faah faahin ay Boliska ka heleen intaa ku dartay in dhamaan dadka dhibaatadu soo gaadhay ay wada rag ahaayeen. Goobaha shilalkani ka dhaceen oo kala ahaa badhtamaha suuqa wayn ee caasimadda ayaa kala ahaa agagaarka Fooqa Joome oo waxyeelo loogu gaystay Dhibane Jamaal Cismaan Aadan oo da’diisu tahay 40-jir iyo agagaarka xanaanadda Dhexe ee caasimadda oo isna tuugtaasi ku weerareen Dhibane magaciisa aanay noo suura galin in aanu helno, kaas oo waxyeelo ka soo gaadhay bawdada lugta midig oo toori laga taagay, shilka sadexaad ayaa isna ka dhacay meel dhinaca bari kaga beegan wadada Warancadde ee Degmadda Gacan-libaax, halkaas oo dhibane Mawliid Maxamed Maxamuud oo 20-jir ah ay tuugadu ku weerareen.
Ciidanka booliska ayaa wargeyska u sheegay in gacanta ay ku dhigeen qaar ka mid ah tuugtii gaysatay laba ka mid ah falalkaas habeenkii xalay, halka ay ku daba jiraan cidii gaysatay falka sadexaad ee ka dhacay agagaarka Xanaanadda Dhexe ee magaaladda Hargeysa. Dhibanayaasha kala ah Mawliid Maxamed Maxamuud iyo Jamaal Cismaan Aadan ayaa la dhigay cusbitaalka Guud halkaas oo lagaga dawaynayo dhawacyo ka soo gaadhay Mindiyo iyo budhadh tuugtu weerarkooda u adeegsadeen.
Dhinaca kale hawl wadeenadda cusbitaalka guud ayaa sheegaya in dhibanayaasha midkood middi lagaga dhuftay feedhaha, halka dhibanaha labaadna uu ka dhaawacmay Madaxa oo budhadh lagala dhacay.
Dhaca iyo weeraradda tuugta hubaysani gaystaan ayaa habeenadii u danbeeyay si wayn looga dareemayay magaaladda, waxaana jira cabsi badan oo shacbigu ka muujiyeen tuug fara badan oo la sheegay in xabsiyada laga soo daayay, oo halis ku haya dadweynaha, isla markaana aad loo hadal hayay dad badan oo ay baadheen iyo kuwo dirqi lafahooda ula baxsaday ama laga riday. Maaha markii ugu horaysay ee tuug ku hubaysan mindiyo iyo faashash ay waxyeelo u gaystaan dad shicib ah, hasa yeeshee Weeraraddan axmaqnimadda ahi waxa ay ku soo beegmayaan wakhti lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan, oo inta badan habeenkii cagtu badan tahay, dad badana ay tagaan masaajidda iyo suuqa oo xiliga habeenkii aad u camiran, taas oo hadii ay sii socdaan keeni kara dhibaato badan oo naf iyo maalba leh.
Dadweynaha ku nool caasimadda Hargeysa ayaa si weyn udhawraaya sida ay xukuumadda cusubi uga hawl gasho ilaalinta amniga dadka muwaadiniinta ah ee ay tuugadu faraha baas ku hayso, kuwaas maalinta cad si badheedh ah dadka uwaxyeelleeya.
