August 21, 2010
Maxamed Xaashi oo Xilka ka Qaaday Masuulkii u Danbeeyey ee Qoyska Madaxweynihii Hore
Hargeysa (Yool) - Xogo lagu kalsoon yahay oo uu Wargeyska “Yool” helay, ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi uu shalay gelinkii dambe xilkii ka qaaday Maareeyihii Kastamka Abaarso oo lagu magacaabi jiray Md. Axmed Faarax Meecaad, isla markaana uu ku beddelay nin lagu magacaabo Mukhtaar Jibriil oo ka tirsanaa shaqaale-hoosaadka Kastamka Kalabaydh, kuna shaqayn jiray darajada “D”.
Ma jirto sabab cad oo Wasiirku u cuskaday xil-ka-qaadista masuulkaas. Hasayeeshee, sida ay tibaaxeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay waxa ay arrintani u muuqataa mid Wasiirka Maaliyadda uu abaalgud uga dhigayo masuulka cusub ee uu jagadaa u magacaabay Md. Mukhtaar Jibriil, kaasoo sida la sheegay si dadban ula shaqeyn jiray Wasiirka hadda iyo ka horba.
Waxa kaloo wararku sheegayaan, in Md. Axmed Faarax Meecaad oo ka mid ah xubnaha tirada yar ee ugu khibradda badan Wasaaradda Maaliyadda ay xil-ka-qaadistiisu xidhiidh la leedahay cadaawad shakhsiyadeed oo Wasiirka cusubi u qabay Beesha uu ka soo jeedo Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, kaasoo Wasiirku aaminsan inuu xilligii uu Madaxweynaha ahaa ku fuliyey xidhig caddaalad-darro ah, waxana dadka aragtidaa qaba ay arrintaa u soo daliishadeen sabab la’aanta xilka lagaga qaaday Md. Meecaad oo dhalasho ahaan ay isku hayb yihiin Madaxweynihii doorashada lagaga adkaaday Md. Daahir Rayaale Kaahin.
Geesta kale, wararka ka imanaya Degaanka Abaarso ayaa sheegaya in masuulkan xilka loo soo magacaabay uu gacan ku lahaa gaadhi ay lahayd Shirkadda 571 oo si wanjalaadi ku jirto loogu qabtay Degaanka Caabudla, isagoo sida la sheegay damacsan inuu Kootarabaan ku galo Hargeysa. Arrintaas iyo murano hore oo ka horreeyey oo iyaguna ka dhacay Kastammada Kalabaydh iyo Wajaale, kuwaasoo dhammaantood loo aanaynayey inuu lug weyn ku lahaa masuulka xilka loo dhiibay, sidaa darteedna ma cadda sababta uu Wasiirku ku xushay masuulka cusub iyo weliba sababta uu indhaha uga qarsaday warbixintii ay ka soo saareen Weftigii uu hoggaaminayey Wasiir-ku-xigeenka Maaliyadda ee dhowaan Md. Maxamed Xaashi u diray inay soo baadhaan murannada ka jira Kastammadaa aynu kor ku soo sheegnay.
